Xaaji Xunjuf Posted November 23, 2012 WAR HADDA SOO DHACAY : Ra’iisal Wasaaraha Kenya Oo Booqasho Ku Tagay Gaarisa Gaarisa (RBC Radio) Ra’iisal wasaaraha waddanka Kenya Raila Odinga ayaa maanta oo Jimco ah booqday magaalada Gaarisa ee gobalka waqooyi bari Kenya. Ra’iisal wasaaraha oo ay la socdaan xubno ka tirsan golaha wasiiradiisa iyo xubno baarlamaanka Kenya oo uu ka mid yahay Faarax Macalin guddoomiye ku-xigeenka ayaa kulamo la qaatay dadkii ku hanti beelay dab la qabadsiiyay suuqa ugu weyn magaalada oo la yiraaho Suuq-Mugdi. Qaar ka mid ah ganacsatada ku dhaqan magaalada Gaarisa iyo Culimaa’udiinka ayaa ugudbiyay ra’iisal wasaare Raila Odinga inta ay la egtahay khasaaraha ka dhashay dabkii lagu shiday suuq-mugdi oo gabi ahaan dhulka lala simay. Ra’iisal wasaaraha ayaa iyo wafdiga la socday ayaa indhahooda ku soo arkay khasaaraha ka dhashay dabkii laqabadsiiyay suuqa iyo meelo kale oo ay ku jiraan warshado. Ra’iisal wasaaraha ayaa booqday isbitaalka ku yaalla magaalada Gaarisa halkaasoo ay ku jiraan bukaano badan oo ku dhawacmay rabshado ka dhacay Gaarisa. Ra’iisal wasaaraha ayaa u ballan qaaday dadkii ku hanti beelay suuqa ugu weyn magaalada Gaarisa in la siin doono hanti ay ku soo ceshdaan ganasigooda. Ra’iisal wasaare Odinga ayaa sidoo kale sheegay in tallaabo laga qaadi doono ciidamadii gubay suuqa magaalada Gaarisa iyo kooxihii boobka u geestay hantid badan oo suuqa taallay. Si kastaba, booqashada uu maanta ku tagay magaalada Gaarisa ra’iisal wasaare Raila Odinga , ayaa ku soo aadaysa iyadoo uu isla shaley booqday xaafadda Islii ee magaalada Nairobi oo Axadii toddobaadkan ay ka dhaceen rabshado kaddib markii bam gacmeed lagu tuuray bas nooca dad weynaha oo halkaas mararyay. Quote Share this post Link to post Share on other sites