Abtigiis Posted November 21, 2012 Markaan waayay geedaan harsadeen cago gubyoonayay Guuraha habeynkii markaan dhaxanta goowriiray Gabal dhiciyo Waaberi markaan dirir ku goohaayay Gomadaha markay iga mudeen gocondho heeraaya Gacmahiyo markii aan ka jabay gaararkiyo lowga Gudcurkiyo dharaartii markaan galinba soo jeeday Gurguurtiyo xaggee bay jireen gacalka aad sheegi Gedo iyo Kismayiyo xagar guriga kaambooni Gumac iyo rasaas baan ku helay goboladeydiiye Kuma hanan gadhkoo aan qabtiyo, gacan nasteexaade Cidna ima gargaarinnee, Rabbaa hiish ii galayee I have told you Gabbal is rediscovering his ancestory and with these fearsome lines he tells of surrogates of Garguurte. :D Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted November 21, 2012 Gabbal reloaded again, indeed. And it runs in the family as you know. When Galayax was asked why his poems seem to be getting traction in Somalia's literary community, he resorted another poem to signify why few can contest to his poetic throne. It was, said he, a profession of mine to recite poetry since in young age. In one of the most eloquent poems I have ever read here is Galayax justifying his stature in poetry and literature. Likewise , Gabbal's come back was expected ... Enjoy. Tunka Eyl Taleex iyo Nugaal, Tumurre meeshiisa Taallada Hargeysiyo Burciyo, Tahadka Buuhoodle Tariinaha Jabbuutiyo intii, Taango laga gaaro Togga Adari tuulada Wardheer, Tur iyo Laasoole Tayim iyo Mareeraale iyo, webiga teedkiisa Tubta Xamar tafaha Jawhar iyo, tayga Beledweyne Toobiga Wajeer loo mariyo, tuluska Baardheere Tuus iyo Quraanyey Garraha, labada tooxood ah Tunni iyo Abg-aal iyo Haw-iye, Tuurcaddiyo Booran Marre-exaanka Tuuraha degoo, Togo ku maalaaya Maje-erteenka taagtiyo H-artiga, turuqa waaweyn leh Iido-orka wada taajiriyo, tiirka Ha-bar Yo-onis Oga-ade-enka tamashleynayoo, tirada loo daayey Intaas aan turaab iyo dhul iyo, tol iyo meel sheegay Tixaha gabay anaa Yuusufow, taarashka u sida’e Dadkuna ii tixgeli meeshan iyo, toban jirkaygiiye Anigoon toddoba gaarin baan, taani ku ahaaye Quote Share this post Link to post Share on other sites