Sign in to follow this  
Dr_Osman

Puntland Security Minister Officially Opens Salama Bank in Qardho. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

Magaalada Qardho oo laga furay Salaam Bank {Sawiro}

 

November 19, 2012 // Warar Somaali

 

Xaflad si heer sare loo soo agaasimay oo xariga looga jarayey Xarunta Cusub ee Salaam Bank Qardho ayaa maanta waxaa lagu qabtay magaalada.Qardho waxaana ka soo qeybgalay Wasiiro ka socday Dowladda Puntland,Madaxda Salaam Bank Puntland,Mas’uuliyiin ka socday Shirkadda.

 

Isgaarsiinta Golis,Maamulka Degmada Qarho,Kan gobolka karkaar,Taliyaha Booliska Puntland,Ganacsato iyo Marti sharaf kale oo aad u farabdan.

 

Ugu horeyntii waxaa xariga ka jaray Xarunta Salaam Bank Qardho Waiirka Amniga Dowladda Puntland Mudane Khaliif Ciise mudan,waxaana ugu horeyntii xaflada Furay Maareeyaha Shirkadda Golis Qardho Shiikh Axmed Cawaale Gaare oo ku tilmaamay Furitaanka Salaam Bank mid ay ka faa’ideysan doonaan dadka ku dhaqan magaalada Qardho, waxa uu xusay in Bankiga Salaam wax yaabaha uu u qabanaayo dadka ku nool Qardho in ay tahay in lacagahooda loo dhigo goob amaan ah,in la siiyo Maalgalin aan dursaal laheyn (Rib,Interest).

 

Madaxa salaam Bank Shuceyb Xaaji Nuur oo ka hadlay xafladaani ayaa sheegay in salaam Banka soo kordhiyey Adeegyo casri ah oo ay u baahnaayeen Ganacsatada ku dhaqan Puntland isaga oo suurta galiyey in lacagta ay heystaan marka ay accoun ka furtaan lacagtooda ay kala bixikaraan Daafaha aduunka ,waxa uuna Shuceyb Xaji Nuur Sheegay in ay xiriir la leeyihiin Bangiyo badan oo ka yaalo aduunka taasina waxa ay suura galisay in si fudud ay macaamiisha lacagta u taalo Salaam Bank ay u qaataan iyadoo aan wax dulsaar laheyn,waana xaruntii saddaxaad ee laga furo Puntland.

 

Madaxa Xiriirka Airmaha Bulshada Shirkadda Golis Faarax Xaaji Mire oo ka hadalay xafladaani waxa uu sheegay in Salaam bank ka yimid Shirkadda Golis gaar ahaan adeega Sahal kaas markii la arkay in ay la dhaceen ganacsato badan ayaa Maamulka Shirkadda waxa ay go’aansadeen in la hergaliyo Bangi ku shaqeeyo Nidaamka Islaamka aan la heyn wax dursaar ah.

 

Wasiirka Amniga Dowladda Puntland Khaliif Ciise Mudan ayaa sheegay in dadka ku nool Magaalada Qardho ay Nasiib u heleen baahi ay u qabeen dhanka bangiyada,waxaana maanta suura gashay in lacagtooda ay ku keydsadaan Salaam Bank,arintaasina waxa ay keeni kartaa in ganacsiga iyo maalgashiga magaalada ay wax iska badasho, shirkadaha iyo ganacsatada ayuu ugu baaqay in ay qeyb ka noqdaan Sugidda amniga maxaa yeelay hadii uusan amni jirin hormar ma jiro.

 

Xafladanai ayaa waxaa ka hadalay Maamulka Degmada Qardho,Kan gobolka waxa ayna soo dhaweeyeen Xarunta Salaam Bank Qardho iyaga oo ugu baaqay in ay sameeyaan maalgalin. Ugu danbeyntii Xafladaani dadkii ka soo qeybgalay ayaa waxa ay su’aalo weydiiyeen Maamulka Salaam Bank sida uu ushaqeeyo iyo aaminaada lagu qabi karo bangiga waxa ayna ugu jawaabeen i waafi ah iyadoona xafladaani ay ku soo dhamaatay Jawi aad u heersareey

 

Salaam_Bank_Qardho-1-e1353348074956.jpg

Salaam_Bank_Qardho-2-e1353348137144.jpg

Salaam_Bank_Qardho-3-e1353348193778.jpg

Salaam_Bank_Qardho-4-e1353348262192.jpg

Salaam_Bank_Qardho-25-e1353349132369.jpg

Salaam_Bank_Qardho-71-e1353348489357.jpg

Salaam_Bank_Qardho-11-e1353348749913.jpg

Salaam_Bank_Qardho-18-e1353349252687.jpg

Salaam_Bank_Qardho-27-e1353349463647.jpg

Salaam_Bank_Qardho-29-e1353349519654.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this