Sign in to follow this  
Dr_Osman

Puntland President Opens New Justice Ministry And Begins Other Major Projects. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

Wafdi uu hogaaminay​o Ku xigenka Xoghayaha QM oo Garowe soo Garay maanta+Sawiro

 

November 19, 2012 - Written by Webmaster - Edited byWebmaster

 

Wafdigaan oo ay garoonka diyarahadaha ee Garowe ku soo dhaweeyen Madaxwayne ku xigeenka Puntland C/samad Cali shire iyo xubno ka tirsan golaha wasiraada ayaa waxaa ka mid ah wafdigaan oo hogaaminayey Ku xigeenka xog hayaha Guud ee qaramada midoway ahna Madaxa UNODC Mr yury Fedotov iyo xubno ka socday midowga yurub oo maanta si rasmi ah u dhagax dhigay Qaybaha ka harsanaa dhismaha xabsiga iyo kuliyada tababarka cidamada Asluubta waxaana uu hariga ka jaray dhismaha wasaarada Cadaalada,

 

Madaxwaynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamud Faroole oo hadal kooban u jeediyay dufcadii ugu horasyay ee Xarunta loogu qabto tababar ayaa uga mahad celiyay dalalka gacanta ka gaystay iyo ha’yadaha qaramada midoway isagoo kula dardaarmay dhalinyaradii loo furayey Tabaabarka in ay ka faai’daystaan ,

 

Ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midwoy ahana Madaxa Ha’yada Xabsiyadda iyo Muqadarradka ee QM UNODC ayaa uga mahad celiyay Maamulka Puntland dhanka hormarka ay ka gareen iyo soo dhawaynta ay u sameeyen

 

“Arintaan waxa ay tusaale u tahay hawsha ay qabatay UNODS waxbadana ay qabanayso xaflada dhamasytirkana waxaa la qabanaya dhamaadka sanadka soo socda oo marka uu dhamado xabsigu , Wada shaqaynta UNka iyo Maamulku waxaa ay naga caawinaysaa la dagalanka Burcad badeedka oo dhib ku haysa caalamka, waxanayna dhaaqale xumo ku soo kor dhisay Somaliya iyo Calamka kalenaba” ayuu yiri Mr Yuri oo saxaafada lahadlayay.

 

Ugu danbayntii ayuu dhalinyarada u rajeeyay in ay ka faa’idaysaan waxbarashadan oo ah mid mustaqbal leh Waxaa sidoo kale wafdigaan iyo Madaxwaynaha Puntlland ay xariga ka jareen dhismaha Cusub ee Wasarada Caddalada diinta iyo awqaafta Puntland oo dhimsaheedei la dhameeyay.

 

Sawiro

1-11.jpg

1-21.jpg

1-31.jpg

1-41.jpg

1-51.jpg

1-61.jpg

 

C/naasir Yaasiin Salaad

SBC International Garoowe

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Wafdi aad u balaaran oo ka socda Qaramada Midoobey iyo Midowga Yurub ayaa maanta Garowe booqasho ku yimid, Qada sharaftii ka dib waxaa lo dhaqaaqay inay Wafdiga iyo Madaxda ugu sareysa Dowlada Puntland ay booqdaan qaar kamid ah xarumaha Dowlada iyagoo dhagax dhigey Xabsiga Garowe iyo dhisme weyn oo lagu tababarayo Ciidamada Asluubta, Wadamada deeqdaan baxshay waxaa kamid ah Ingiriiska, Denmark, Holland, Finland iyo Norway.

 

Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada ka akhriso halkaan

http://puntlandi.com/somalia-puntland-president-and-unodc-chief-inaugurate/

 

 

Let me present garowe prison master plan

IMG_7988.JPG

 

 

IMG_7874.jpg

IMG_7890.jpg

IMG_7915.jpg

IMG_7927.jpg

IMG_8020.jpg

IMG_8042.jpg

IMG_7861.jpg

IMG_7875.JPG

IMG_7876.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Dr. Osman. Meesha haween laguma xiro miyaa? Maxaa haween askar gaalshire ahna loo tababari waayey? This looks good though.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

IMG_8144.JPG

 

Madaxweynaha Puntland oo la kulmey Yuri Fedetov ''Sawiro''

19 Nov 19, 2012 - 6:57:47 AM

 

GAROWE ONLINE

 

Magaala madaxda Puntland ee Garowe ayaa maanta 19 November,2012 waxa soo gaarey wafdi caalami ah oo ka socdey Qaramada Midoobey iyo Midowga Yurub waxana horkacayey Agaasimaha guud ee Hayada UNODC Yuri Fedetov.

 

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole ,ku xigeenka Gen Cabdisamad Cali Shire ,wasiirada xukuumadda ,taliska booliska , asluubta iyo weliba safiiro iyo saraakiil ka socdey shan dalka oo Yurub ka tirsan ayaa ka qaybgalay xaflada xariga looga jarayey dhismaha taliska ciidanka asluubta Puntland.

 

Sidoo kale waxay madaxda iyo masuuliyiintu dhagax dhigeen dhismaha Xabsiga Garowe oo shaqadu bilow ka tahay iyadoona la soo diyaariyey calamada dalalka dhaqaalaha ku bixinaya dhismaha xabsiga oo kala ah Britain ,Holland ,Denmark ,Norway iyo weliba Finland.

 

Qado sharaf wafidga loogu talo galay ayaa Hotelka Rugsan Square ee magaalada Garowe kula qaateen madaxda iyo masuuliyiinta Puntland ,waxana intaasi ka dib loo dareerey dhanka wasaarada cadaalada Puntland oo dhismeheeda cusub xariga mar kale ay ka jereen Dr.Farole iyo Yuri Fedotov.

 

Kulan ayaa u xigey Qaramada Midoobey iyo Puntland isla yeesheen iyagoona intaasi ka dib shir saxaafada ugu qabtey halkaasi.

 

Madaxweyne Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole waxa uu soo dhoweeyey dadaalada ay Qaramada Midoobey ay ku dooneyso in la soo afjaro kooxaha burcad badeeda Somalida isagoona dhankiisa sii adkeeyey in tan iyo markii la doortey 2009 dagaal maamulkiisu kula jire argagixisada iyo burcad badeeda.

 

Dhankiisa ayaa Yuri waxa uu ka waramay hawlaha ay qabato Hayada UNODC laga soo bilaabo diyaarinta xabsiyada ,wacyigelinta dhalinyarada iyo weliba maxaabiis ay dhowaan ka keeni doonaan dalalka Seychelles iyo Mauritius.

 

Labada dhinac ayaa ku heshiiyey xoojinta iskaashiga la-dagaalanka burcad badeeda iyo weliba dardargelinta hawsha dhismaha xabsiyada iyo kor u qaadida tayada laamaha amaanka iyo hawlwadeenada waaxyaha dowladda ee xiriirka la leh.

 

Wafdiga ayaa galabta dib Nairobi uga laabtay magaalada Garowe,Waxana hayada UNODC u qaabilsan tahay Qaramada Midoobey barnaamijka la-dagaalanka burcad badeeda (Counter-Piracy Programm).

 

Halkan ka dhageyso codadka madaxweynaha Puntland & Madaxa UNODC

http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Madaxweynaha_Puntland_oo_la_kulmey_Yuri_Fedetov.shtml

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Somalia: Puntland leader inaugurates two new government centers

19 Nov 19, 2012 - 2:02:57 PM

 

GAROWE, Somalia Nov 19 2012 (Garowe Online) – An event to celebrate the opening of a new Corrections Academy in Garowe Puntland, was inaugurated by Puntland President and Director UN Office on Drugs and Crime, Garowe Online reports.

 

Puntland state President Abdirahman Mohamed Farole accompanied by Vice President Abdisamad Ali Shire and other Puntland officials, welcomed a delegation led by UNODC Director Yury Fedetov at Garowe airport.

 

The delegation visited many sites in Garowe capital of Puntland, after President Farole and Director Fedetov cut the rope to open the new Corrections Academy and Headquarters in Garowe.

 

After the inauguration the officials took a tour of the new facility’s classrooms, staff accommodation and offices.

 

The officials also laid the foundation rock for the new prison being built in Garowe.

 

According to a Puntland press release, detailing the UNODC visit on Monday, “a VIP lunch, the Puntland leadership and the delegation toured the new building of the Puntland Ministry of Justice and Rehabilitation.”

 

President Farole praised the international community for their assisting in strengthening Puntland’s security institutions.

 

Director Fedetov thanked Puntland for their cooperation and commitment with UNODC.

 

The new prison and corrections academy are located in a government district in the administrative capital of Garowe.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Wafdi uu hogaaminayo ku xigeenka Ban-ki Moon oo maanta soo garaaray magaalada Garoowe [Maqal+Sawiro]

 

Ku xigeenka ergayga QM ahna madaxa Hay'adda UNODC Mr Yury Fedotov iyo sarakiil kale oo u badan safiiro ayaa maantey la socday,ka dib soo dhawayn loo fidiyay wafdiga waxay soo booqdeen xabsiga cusub ee loo dhisayo burcad badeedka ,kaasoo ku yaala duleedka waqooyi ee magalada Garoowe.

 

Dhowr wadan oo Reer Yurub ah ayaa safarka Mr yury Fedotov qayb ka ahaa, waxayna isaga iyo madaxwayne Cabdiraxmaan Shiikh Maxamad Faroole dhagax dhigeen iyo sarakiishii kale ee la socotey xabsiga burcad badeedka ,iyadoona dhamaan masuuliyiinta ay muujiyeen dareen farxadeed oo ku aadan in la hellay goob lagu ilaaliyo burcad badeedka aafeysan dhaqalaha caalamka.

 

Docda kale Madaxwayne Cabdiraxmaan iyo Madaxa Hay'ada UNODC Mr.Fedotov waxay daaha ka rogeen qayb kalle oo ka tirsan dhismaha xamsiga,waxayna iskugu jiraan xafiisyo,aqalo hurdo oo loogu tallo gallay inay ku harsadaan ciidanka xamsiga iyo madaxdooda.

 

Si wada jir ah ayay warbaahinta ula wada hadleen,waxana hadalka ku horeeyay madaxwaynaha Dowlada Puntland Dr.Cabdiraxmaan Shiikh Maxamad Faroole, wuxuna yiri "aad ayaan ugu mahad celinayaa Dowladaha ka qayb qaatay dhismaha xamsiga loogu tallo galay burcad badeedka.ciidankiinan maanta la tababaro waxa la idin kaga baahan yahay inay wax ku barataan si xamsiga wayn aad u maamushaan"

 

"Xaruntaani cusub oo aanu maanta furayno waxa uu ka mid yahay xafiisyada jeelka wayn ee burcad badeedka waxaana ka qayb qaatay dowlado caalamiya oo ka tirsanYurub iyo reer galbeedka" Faroole.

 

Dhinaca kale Mr Yury Fedotov ayaa aad ugu mahad caliyay madaxda Puntland sida loosoo dhaweeyay,wuxuna hadalkiisa intaasi ku daray inay farax wayn u tahay caalamka in dalka soomaaliya laga helo xabsi u gaar ah burcad badeedka soomaalida ah oo lagu hayo wuxuna sheegay burcad badeedku inay ka qayb qaateen dhaqaalo xumida ka taagan calamka ,waana farxad buu yiri in dow loo helo.

 

Waa wafdigii ugu ballaarnaa oo ka socda Qaramada Midoobay iyo EU- isla markasna soo gaaray magalada Garowe xarunta Dowlada Puntland ee Soomaaliyeed.

 

Dhagayso

 

Sawiro

 

unada.jpg

unada1.jpg

unada2.jpg

unada3.jpg

unada5.jpg

unada6.jpg

unada7.jpg

unada8.jpg

unada9.jpg

unada10.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

unada12.jpg

unada13.jpg

unada15.jpg

unada16.jpg

unada17.jpg

unada18.jpg

unada19.jpg

 

Puntland is working hard to make sure we can keep haters blood boiling in rage

grrrr.jpg

 

Respect Abwaan at least you admit the inevitable that Puntland is going places even if you share political differences.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Dr_Osman;891210 wrote:
Go Puntland Go Puntland GO GO

hiphop_dancer.jpg

:D:D:D:D loooooooooooooooool, big up to Dr Osman, the greatest e-Puntlander.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this