Sign in to follow this  
Dr_Osman

Puntland Health Miinister Visits Remote Towns and Continues Off The Road Initiatives. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

Warbixin Sawiro leh:Wasiirka Caafimaadka Puntland Oo kormeer shaqo ku tagay Tuulooyinka Mayle iyo Reebanti oo ka tirsan Gobalada Mudug iyo Nugaal iyo Ceelkii Mayle oo biyo laga gaarey (Sawiro9

Posted by Pi on November 19th, 2012

 

Garowe (Puntlandi) Tuulooyinka Mayle iyo Reebanti oo ka kala tirsan Gobalada Mudug iyo Nugaal ayaa waxaa kormeer shaqo ku tagay wafti uu hogaaminayo Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame, waftiga Wasiirka waxaa ka mid ahaa Dr. Xaashi Xirsi Cawdgale oo hay’adda World Vision Puntland u qaabilsan Caafimaadka.

 

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame oo waxgaradka iyo odayaasha Mayle la kulmey ayaa uga warbixiyey ujeedka safarka oo uu ku sheegay a u kuur galida xaaladaha caafimaadka iyo dhagax dhiga dhisme lagu kordhinayo xarunta caafimaadka Mayle, dhismahaas oo ka kooban 3 qol, Barkad biyood iyo Musqul, wuxuuna sheegay wasiirku in dadaal loo galay dhismaha lagu kordhinayo xarunta caafimaadka ee Mayle iyadoo reer Mayle laga rabo dhulkii laga dhisi lahaa dhismahan kaas oo ku qabsan xarunta hore oo qol kaliya ahayd.

 

Waxgaradka iyo Odayaasha Mayle ayaa si diiran usoo dhaweeyey wasiirka caafimaadka iyo wakiilka hay’adda World Vision iyadoo ay uga mahadceliyeen safarka ay ugu yimaadeen iyo waxqabadka dhanka caafimaadka ah ee ay tuulada ku saa’idinayaan. Odayaashu waxay sheegeen inay diyaar u yihiin inay geestooda ka qaybqaataan kicinta iyo xoojinta caafimaadka Mayle.

 

Sulaan Maxamed Xuseen (Waaliqo) oo ka mid ah waxgaradka Mayle ayaa isagu bixiyey dhul dhan 40m X 40m dhinac walba iyadoo dhulkaasi uu ku qabsan yahay halka qol ee barta caafimaadka u ah tuulada Mayle, wuxuuna Sheegay inuu dhulka u baxshay in mujtamaca Mayle ee tuulada dagan iyo reer guuraagoodu inay ka faa’idaystaan xarunta uuna u baxshay dhulka in danta guud wax loogu qabto si looga shaqeeyo caafimaadka hooyada iyo dhalaanka isaguna uu ka mid noqon doono dadka ka faa’idaysan doona.

 

Wasiirka Caafimaadka ayaa ka gudoomey dhulka Sulaan Maxamed Waaliqo dhulka uu u bixiyey danta guud iyo in dhismaha lagu kordhinayo xarunta caafimaadka in laga dhiso, wasirika ayaa uga mahadceliyey dhulka uu baxshay Sulaan iyadoo uu ilaahayna wasiirku uga baryey inuu wax ka wanaagsan ugu badalo dhulka.

 

Dhinaca kale wasiirka caafimaadku waxa uu booqdey ceelka riiga ah ee gacanta hadda lagu hayo qodistiisa, wasiirka caafimaadka ayaa ceelka dushiisa kula kulmey Eng. Wilyam oo ah injineerka qodaya ceelka kaas oo u dhashay wadanka Filibiin (Philippine), Injineerku waxa uu wasiirka uga warbixiyey ceelka qodistiisu meeshay marayso wuxuuna sheegay in ceelka qodistiisa ay bilaabeen 14 Oct 2012 hadana ay marayaan 300m ayna gaareen biyo qodistana ay sii wadayaan ilaa ay biyo nadiif ah ka gaarayaan, Injineer Wilyam waxa uusheegay in biyaha la gaaray ay muujinayaan in biyaha nadiifta ah loo tagayo 340-350m hase ahaatee ay gaarsiinayaan 400m oo heshiisku ahaa ayna ku qaadanayso in ay dhamaystiraan ceelka 2 asbuuc gudahood.

 

Dhanka Waxbarashada Wasiirka Caafimaadku waxa uu booqdey Iskuulka kaliya ee ay leedahay tuulada Mayle kaas oo aysani ka socon waxbarasho oo Iskuulku waa xiran yahay, dadka deegaanka ayaa Iskuulka dayactir ku sameeyey hase ahaatee arday iskuulka dhigata ma jirto sababta Iskuulku u xiran yahay waxay odayaasha Mayle u sheegeen in Macalimiin dhigta ay waayeen iyo cid u xilqabta Iskuulka oo wax ka qabata iyaguna ay ku filnaan waayeen Iskuulka in macalimiin loo qabto.

 

Dhanka kale wasiirka caafimaadka iyo waftigiisu waxay habeenimadii Sabtidu soo galaysay ay u hoyden tuulada Reebanti oo ka tirsan Degmada Garowe ee caasimada Puntland iyadoo halkaasna uu wasiirku kula kulmey Odayaasha iyo waxgaradka Tuulada Reebanti iyadoo ay uga warbixiyeen xaaladaha caafimaadka ee tuulada. Reebanti iyadu waxay leedahay xarun caafimaad oo dhamaystiran kana kooban 4 qol, barkad biyood iyo musqul iyadoo xaruntuna ay shaqeynayso ayna joogaan shaqaale tabobaran. Wasiirka Caafimaadka ayaa u balan qaadey tuulada Reebanti hal gabar oo loogu tabobarayo Umuliso si ay tuulada Reebanti u hesho Umuliso tabobaran oo ka dhalisa hooyooyinka si loo badbaadsho dhalaanka iyo hooyada.

 

Xarumaha Caafimaadka ee Reebanti iyo Mayle oo hadda ah baro caafimaad (Health Posts) ayaa qorshuhu yahay in loo balaarsho Xarumo hooyo iyo dhallaan oo adeegyadii laga rabay oo dhami ay u dhan yihiin, waxaana ugu danbeyn waftiga wasiirka caafimaadku ay Garowe dib ugu soo laabteen maalintii Sabtida ahayd iyadoo safarkaasna uu qaatey 2 maalmood.

Sawirada hoos ka daawo

 

Puntlandi Garowe

 

114.jpg

Bashiir-Maxamed-Waaliqo-Sullaan.jpg

Ceelka-Mayle-oo-wasiirku-booqdey.jpg

Ceelkii-Mayle-iyo-Geeljir.jpg

Eng.-Wilyam.jpg

Gudoomiyaha-Beesha-Mayle-Maxamed-Agdage.

Iskuulka-Mayle-oo-u-xiran-macalin-laaan.

Madaxa-Barta-Caafimaadka-Mayle-Ubax-Maxa

Muuqaalka-Mayle1.jpg

Odayaasha-Reebanti.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this