Sign in to follow this  
Abwaan

Dayniile iyo heerka mucaaradnimadiisu marayso

Recommended Posts

Abwaan   

Masuul sare oo Mareykanka ah oo la yaaban Madaxweyne Xasan Sheikh

 

Madaxweyne xasan sheekh Anagaa madaxweyne ka dhigney shaqada uu qabanayana waxaa ugu muhiimsan inuu waxbarashada iyo caafimaadka tir tiro sidaas waxaa sheegey sarkaal sare oo mareykan ah oo magaciisa diidey.

 

Sarkaalkaas waxuu sheegey iney la yaabeen markii arintaas loo soo jeediyey inuu aqbaley Madaxweyne Xasan sheikh weligeen ma arag hogaamiyo dadkiisa caafimaadka iyo waxbarashada ayaa la baa,binayaa ogolaado waxaa noo cadaatey isaga in keliya ay u daran tahay inuu madax noqdo.

 

Sarlkaaka mareykanka waxuu sheegey Dunida ma jiro wadan wasaarado caafimaad iyo wax barasho aan laheyn laakiin somalia ayaa hada ah wadanka keliya oo labadaas wasaaradood ee laf dhabarka qaran kasta ah aan laheyn.

 

Waxuu is weeydiiyey sarkaalkan sida aan ognahay madaxweyne xasan sheekh oo kursiga Laaluush ku yimid sida uu ula dagaalami karo wax is daba marinta Eexda iyo Nin jecleysiga.

Sarkaalkan sare ee mareykanka ah waxuu hadalkiisa ku soo qatimey in Somaliya ay ku dhacdey God dheer mar hadii Nin Aqoonta iyo Caafimaadka la dagaalamaya uu Madaxweyne ka noqdey.

 

Madxaweyne Xasan Sheikh ayaa dowladiisa ka saaray wasaaradihii ugu mihiimsanaa ee dalka Soomaliya isagoona sameeyey wasaarade kale waligood maqal dadka Soomaliyeed waxeyna dadka Soomaliyeed isweydiinayaan u jedka ka danbeeyo in la baabiyo wasaarado muhiim u ah umada Soomaliyeed.

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Xafiiska Warqabadka Dayniile.com

Webmaster@dayniile.com

Tafatiraha Wabka Dayniile.com

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Deyniilecom@hotmail.com

Webmaster@dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Marxaladii Soomaliya oo Gashay kud ka Guur oo Qanjo u Guur Hal Arrin Ayaa Badbaadin karta Hadaba Waa Maxay Arinkaas?

 

 

Magacaygu waa CKariim Jiirow Sharmarke ummadda soomaliyeed meel kasta ey joogto waan salaamayaa waxaa jiray film maraykan a’haa oo layiraa” the wolf in the town”

 

Waa nin yeey a’haa oo maalinba qof qasha oo magaaladii cabsi galiyey maalinkii danbe ayaa dadkii ku balameen in ey isga guuraan meesha oo bus kireysteen,ninkii eyleen dadka ayuu ku dhexjiraa baskii isaga ayaa darawal kanoqday waxaan uga jeedaa siyaasadii soomaliya ayaa waxaa darawal ka noqday Nimankii NGO-da a’haa iyo dadkii ey koriyeen oo lugooyo ma’hee aan somaliya waxba u tarin iyagoo kadanbeeya tacliinta lacagta ah iyo caafimaadka sow arrintu ma’ha kud ka guur oo qanjo u guur

 

 

 

 

 

 

Dowlada hadey wax maqleyso nimanka mucaaradka ah oo siyaasiyiinta oo somalida isku keeni kara oo asmara fadhiya dowlada ha ku soodarto hadii eysan aqoon sida loola hadlo anagaa leenka u xireyna waayo qofka caaqilka ah waxaa uu lasocdaa qof ka da’ wayn oo ka cilmi badan ma’ha in talo ku siiyo qof kaa da’ yar oo kaa aqoon yar .

 

 

Wadanka australiya la yiraa waxa uu ingriisku u dhoofin jirey dadka uu yurub ka xir-xiro oo stupidka ah iyo kaangistarka iyo tuuga dadkii sidaas a’haa ayaa dhisay australiya oo maanta ka fiican yurub oo dhan, marxalada soomaliyana markii aan aragnay meesha ey nadhigeen aqoonyahan iyo wadaad ayaa waxa soomaliya hada badbaadinkara sida australiya in qabiil kasta soo xulo 3daas aan kor ku sheegay iyo waliba naagiba naagta ey ka sheydaansan tahay hadey soomaliya mudo yar ku dhismi wayso meeshaan idiin ka taabo biyo iska mariya, soomalidu waxay tiraa “tuuga aad xoolahaaga ugu baqaneysid isgaa loo dhiibtaa”

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Xafiiska Warqabadka Dayniile.com

Webmaster@dayniile.com

Tafatiraha Wabka Dayniile.com

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Deyniilecom@hotmail.com

Webmaster@dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Xasan Kursiga Waxaa u Iibiyay Maraykan Wuxuna u shaqeeya Maraykan oo dowladda Qadar ayaa Bixisay Lacagta(Daawo Warasysi Xasaasi ah)

 

Your browser does not support inline frames or is currently configured not to display inline frames.

 

 

Qaar kamid ah Aqoon Yahanada Soomaaliyeed ee ku sugan Qurbaha ayaa Aad ugu soo Horjeestay Qaabka oo u dhaqmayo Madaxwaynaha Soomaaliyeed Mudane Xasan Shiikh Maxamuud kuwasi oo ku Eedeeyay in uu dhaqmay si Kalogiis dalka ugu Taliyo .

 

Proff Maxamed Siyaad Toogane oo Waraysi Xasaasi ah Bixiyay ayaa Aad ugu Carooday Qaabka uu Madaxwaynaha ula Dhaqmay Beesha ********** Kadib markii uu Jagada Rasul Wasaarinimo u Siiyay Besha ********* Wuxuuna aad ula yaabay Sida uu ula dhamqmayo Beesha ********** Maadaama uu sheegay in Beesha ********** Lasiinayn Jagada Rasul Wasaarino.

 

''Aniga Ma Ihi ********** Ama ******* Waxaan ahay ****** Laakin Walaalkeey Waxa lagu Sameenayo oo Idabdara ah uma adkaysan karo Soomaalida waxay Tiraahda Dameer oo dameer kale ka gardaran Marka aan Arko Waa Xanaqaa War hadaa xitaa ka dhigto hadii aad ********** Wax u diidayso Sooma wanaagsanayn in Tagto Aad sharafto Dadka Reer Puntland oo aad madaxwaynaha u tahay oo aad ugu farxay Doorashadaada''

 

Halkaan ka Daawo Waraysiga oo Xasaasi ah

 

Sidoo kale wuxuu Yiri Proff Toogane ''Nin Iga Caqli badan oo iga Cilmi badan oo la Yiraahdo Cumar Macalin oo ********** aheen oo Agaaden u dhashay Wuxuu Yiri Sadax waxyaabood hadii ay isku mar ku soo Toosaan oo M ka Bilowdo Aad iyo Aad ayaa u Najaxaysaa Maraykan ,********** iyo Money hadii aan sadaxdaas isku heli lahaa wax waliba ayaa ii hagaagi lahaa''

 

Ugu danbayntii Proff Maxamed Siyaad Toogane ayaa aad u cambaareyay Dowladda cusub ee Soomaaliya uu Madaxda ka yahay Madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud Wuxuuna Dhaliilay sida ay wax u qeebiyeen wuxuuna Sheegay in Xildhibanada Lacag lagu Iibsaday Markii ay Dooranayeen Madaxwayne Xasan sheikh Maxamuud .

--------------------------------------------------------------------------------

 

Xafiiska Warqabadka Dayniile.com

Webmaster@dayniile.com

Tafatiraha Wabka Dayniile.com

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Deyniilecom@hotmail.com

Webmaster@dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Tayo ma yeelan doonaan wasiirada tirada yar ee xukuumada ra'isul wasaare Saacid lagu soo koobay ?!!

 

In dhowaalaba waxaa gudaha iyo dibadda dalka Soomaaliya laga hadal hayay tirada tobanka Wasiir ee lagu soo koobay xukuumadda cusub ee Federaalka dalka Soomaaliya, taasi oo noqotay tan ugu hadal heynta badan ee inta la xasuusan yahay sanadahaan dambe soo marta Soomaaliya, maadaama ay noqotay xukuumadani tii ugu tirada yareyd ee abid loo sameeyo dalka ay dagaalada la degeen ee ku yaala geeska Afrika.

 

 

 

Inkastoo fooshii magacaabista Wasiiradaasi ay muddo ku qaadatay Madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaarihiisa ayaa hadana waxaa xusid mudan in dhalashadii Wasiiradaasi lagu soo dhoweeyo si sharaf leh, walow ay jiraan beelo ka qeyla dhaamiyay (Saluugay) Wasiiradaasi kaddib kolkii ay iska dhex arki waayeen.

 

Iidheh aad u fara badan oo isugu jirtay ammaan iyo faan ayaa la huwiyay tobankaan Wasiir, waxaana magaalada Muqdisho iyo meel walbaba loo mariyay inay yihiin kooxdii ugu mudneyd ee Soomaaliya loo magacaabo tan iyo intii burburka dalka ka dambeysay, iyagoo loogu wan qalay xukuumadii Rajo Qaran.

 

Tobankaan xubnood ayaa buunbuunintii loo sameeyay darteed waxa ay u horseeday inay si aqlabiyad leh u helaan codka kalsoonida Golaha Baarlamaanka, kuwaasi oo Wasiiradaan shalay ku ansixiyay cod gacan taag ah, waxaa dhab ah in dadku ku kala aragti duwan yihiin kooxdaan cusub ee shalay uu Baarlamaanku ansixiyay, haddii ay jiraan dad ku qanacsan xukuumadaan waxaa dhanka kale taagan bulsho aan jecleysan tirada la soo koobay iyo qaabka wax lagu soo xulay, waxaana macquul ah inta warbaahinta ka hadleysa ee wax taageereysa inay ka badan yihiin kuwa aamusan ee iska gaabsaday ama ciil dartiis afka u xirtay balse aan qanacsaneyn.

 

Sida xaqiiqda ah beesha caalamka iyo qeybo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed waxa ay isaga mid yihiin soo dhoweynta ay u fidiyeen xukuumada Ra'iisal Wasaare Saacid, waxayna dhinacyadaasi rumeysan yihiin inay xukuumadani tahay tii ugu macquulsaneyd ee Soomaaliya loo yagleelo sanadahaan dambe, iyagoo ku doodaya in Team-kani uu yahay mid urursan oo is maqli kara si wanaagsanna isula jaan-qaadi kara, musuqmaasuq, boob iyo kala qeybsanaana ka fogaan kara.

 

Haddii ay jiraan dad la dhacsan Golaha Wasiiradaan waxaa dhanka kale jira dad miisaan ku dhex leh bulshada Soomaaliyeed oo si aan leex leexad lahayn uga biyo diidsan xukuumadaan, kuwaasi oo haddii aad la kulanto far waaweyn kuugu qoraya inaanay wax rajo ah ka qabin tobanka Wasiir ee Dr. Saacid garwadeenka u yahay.

 

Aragtida mucaaradkaan diidan xukuumadda Dr. Saacid ayaa waxay qabaan inay xukuumadani u badan yihiin qurba-joog aan xog fiican ka heysan xaaladda Soomaaliya isla markaana aan la saan-qaadi karin marxalada uu marayo geyiga Soomaaliya, ayna ku adkaan doonto sidii ay uga soo dhalaali lahaayeen xilalka culus ee loo igmaday.

 

La iskuma diidana in wax walba oo dhasha ay yeeshaan muxaafid taabacsan iyo mucaarad diidan, sidaasi awgeed waxaa run ah Wasiiradaan la soo dhisay inay isugu jiraan qaar xil-kas ah, waayo aragnimo qoto dheerna ay ka muuqato isla markaana ay aqoon daadihineyso iyo kuwo nasiibkooda ku helay inay Wasiiro noqdaan, iyadoo qaarkaasi dambe lagu sheego inay u eg yihiin wax lagu macneeyay wax ma tarayaal la mid ah sawirro meesha la keensaday.

 

Way adag tahay in la sii saadaaliyo halka ay Owrta ku furan doonaan Wasiiradaan ka kooban sideeda ragga iyo labada hablood, ha yeeshee waxaa hubanti ah haddii ay doonayaan inay tayo yeeshaan waxaa lagama maarmaan ah inay howshooda saldhig uga dhigaan cadaalad, furfurnaan maamul, la tashi joogto noqda isla markaana ogol la xisaabtan dhab ah, iyagoo ka fogaanaya wax walba oo Soomaaliya dib u sii dhigi kara haday ahaan lahayd musuqmaasuq, qabyaalad, keli talisnimo, eex iwm.

 

Haddii sifooyinkaasi iyo wixii kale oo wanaag ah oo ay la imaan karaan ay la yimaadaan Wasiiradaan waxaan shaki ku jirin inay noqon doonaan qaar loo aayo oo tayo leh, balse haddii ay hareetr maraan arrimahaasi isla markaana ay sharciga iskala sara maraan, arrinkooduna uu noqdo "Anigaa Wasiir ahe maxaa iga galay inta kale", waxaa hubanti ah inaan loo aayi doonin, tiradoodii la ururiyay iyo tayadii laga sugayayna ay noqon doonto Bar-kuma taal ee ALLOW adigaa wax naga oge Soomaali soo sii sidii roon.

 

Waxaa Qoray:

Jabriil M. Nuur (Jabra)

E-mail: jabriil37@hotmail.com

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Xafiiska Warqabadka Dayniile.com

Webmaster@dayniile.com

Tafatiraha Wabka Dayniile.com

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Deyniilecom@hotmail.com

Webmaster@dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Sawir waxaa la soo dhax dhigay madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo ku raxeysanaayo xeeb ka mid ah xeebaha caalanka taa oo la ogeen halkay ku taalo iyadoona dadka Soomaliyeed ay ka kala bixiyeen figrada kala duwan oo midba qaar u sawirtay waxaana aniga i soo jiidatay eray ay ku qortay gabar ka mid ah gabdhaha Soomaliyeed taa oo ah Madaxweyne wali lama gaarin xiligaa raxeysan laheyd dad kadiina wali wey baahan yihiin ee caadi iska dhig

 

 

Madaxweynaha oo xiliga sawirkaan laga qadayey sida muuqata aan muda dheer aheyn ayaa dadka Soomaliyeed waxaa ka yaabisay in shaqsi dadlka xili uu ku jira dhib iyo colaad in uu raaxeyto uu xeebaha isagoo masuul ah sidaan loogu soo bandhigo

 

Madaxweyne oo la soo shaqeyn jiray heyda cilmi baarista ee laga leeyahay dalka mareykanka taa oo la shaqeysa waaxda si doonka Mareykanka ayaan la ogeen in xiliga uu u shaqeynaayey uu dalxiskan ku jiray iyadoona dadka Facebookana ku kala aragti duwnayeen raxeysiga madaxweynaha ku raxeysanayey xeebaha sida weyn loogu damashaad tago

 

Sidaan bay u qornayeen figradaha ay dadka ka kala dhiibteen

 

Umu Aisha Yarey Dayniile qaraara ku haayo hurdada waa u gaartay oo dalkiisa waa nabad hada ceydo iyo hadii kale xasan sheeq waa madaxwenahaga ee is qabo

 

Cohen Ahmed Dayniile hadii uu runta sheego ma La Xanaaqaa, Waa Yaabe, ma Waxaad Rabtaan Kuulwade Siyaad in La Qaado, Guul Wade Xasan la Qaado, Ninkaan Waxay ahayd sidii Madaxweyne Shariif in uu Tuuto Xirto Dalka Dagaal uu Ku jiraa, Maaáha in uu sidii Ciyaalka Xaafada Xeebta Dabaasho

 

Burhaan Said adiga mr dayniile.com xaqmiyaa in aad mujaahideenta iyo diinta ilaahey sw afkaaga kula dagaalantid CID aad kaga farxiso page ka xunka ah ee habar walibo furatay adigoo isu heysto somali heerkii ugu danbeeyay ka gaaray reer magaalnimada iyo ilbaxnimada ugu gar gaar diinta afkaaga iyo gacantaada amisom na ladagaal iyo kenyada qabsatay wadanka qeybo ka mid ah wasalaam.

 

about an hour ago · Like

 

 

Abdulaahi Ilaal Siyaad madaxweyhu wuxuu xaq uleeyahay in ow raaxaysto oo maskaxdiisa fresh ka dhigo diid ama ha diidin

 

Bashka Llpp biya lagalo raaxo mahee taqwada ala halbadiyo

 

 

Bashka Llpp nafwaliba geeri ayaa sugeysaa raxo aduun taalo ee salada soonka sunada ku dhaqan keeda leelka halasoo jeedo cabsida alla hal muu jiyo

 

 

Hadaba maxay kula tahay in madaxweyne dadkiisa dhimanayaan in uu damashada xili walba ha noqdee sawirkaan mana noqon karaa xilks shaqsi masuul ah oo damashadaayo

 

xasan.jpg This is the photo that Dayniile is referring to. The funny thing is this was taken on 24/10/2006 oo ah berigii maxkamaduhu (ICU) Muqdisho ka talinayeen.:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Xaaji Xunjuf;889715 wrote:
Waxaas mucaraadnimo lama yidha waxa la yidha been sheegis.

 

By the way who takes dayniile serious

I think it depends...some people do, when it suits them. This is probably the first time I ever quoted them.:D I had to share this. I was trying to help my friend Mooge.:D

The Dayniile, Waagacusub, Shacabkamedia, Idamaale waan la yaabay halka caqligoodu gaarsiisaan yahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Saxafada Somalida wax badan ba ka qaldan war aan jirin bay dad badan qoraan, eeg wax waad mucaraadi karta war jira oo xaqiiqo ah intad kala so baxdiid sidad rabtid waad u qori karta laakin dee wa inay wax runi ku jirto. Mar mar waxay ku bilaabaan waxanu helnay xog dhab oo sheegeyo oo ilo xog ogaal ba xaqiijiyey few hours later warki been bu noqday. Wax badan ba u bahaan in la saxo thats why aan anigu waligay webebka waagacusub iyo daynile waligay ma eego. Sabab war aan la hubin bay qoraan sida sawirka aah oo kale oo lix sannoh ka hor la qaaday useless weye dadkasu anigu saxaafada waan ka mamnuuci kara journalism ethics wax la yidha ba jira.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

oo maxaa dadka ka wada xanaajiyey baad moodi? Dowladdu 10 wasiir waa ku khaldan tahay bay wada gurayaan. Haddii hal wasiir ay ka heli lahaayeen 10-kana waxay oran lahaayeen in la badiyo ma wanaagsana, meel loo raaco ma leh. Adba meel laguu raaco ma lihid XX, markii Koofur dowlad fiican dhisatana wax baad ka sheegi, markii ay isku dhex yaacdana wax baad ka sheegi.:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abwaan taa waxba ka jira Somalidu waxba kuma qancaan reer walba waxay jecelyihin inay meesha iska dhex arkaan runti wa fiicantahay wasiirada la yareyo sabab dee dakhliga iyo waxqabadkooda wax ku ool noqonaya , waxba tari mayso 30 wasaradood oo aan tayo lahayn.

 

As for Xaaji Xunjuf wixi wanaagsan eeh dhaca Somalia wu tageera wixi xun na wa sheega ma eexdo sinaba dhinac uma janjeedho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

XX waxaan la yaabay meesha Faysal Cali Waraabe xitaa Somaliland iyo goosasho ka soo noqon rabo qofka ku haraya. To me he was the most crazy guy from the North that I have ever heard off or seen.:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ma suldaan faisal he is a good guy dadka reer konfureedku cunsuri bay moodaan laakin he is a nice guy runti., Somaliland uun bu aad u jecelyahay marka marku arko reer koonfureed diidan qadiyada Somaliland, uun bu si cadho leh ugu jawaabo , laakin ka naxli maha.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Ninyahow Faysal warkiisa iga daa, wax uu og yahay ma leh. I once saw him in Dubai with his hangool and I wasn't even interested to shake hands with him that is how much I do not like him.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this