Sign in to follow this  
Fiqikhayre

President Faroole attends meeting and public onsultation on Multi-party democratization in Puntland

Recommended Posts

Madexweyne Faroole oo maanta ka qaybgalay kulan looga hadlayay habka diiwaangalinta ururada Siyaasadeed ee Puntland.

 

Posted by Pi1 on November 15th, 2012

 

Garowe(Puntlandi.com):- Madexweynaha dawlada Puntland mudane C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa maanta ka qaybgalay kulan looga hadlayay habka diiwaangalinta ururada Siyaasadeed ee Puntland.

 

Kulankan oo ka dhacay hoolka shirarka hay’ada Cilmi-baarista Puntland ee PDRC ayaa waxaa ka soo qaybgalay Aqoonyahanka, Siyaasiyiinta, Ganacsatada, Odayaasha dhaqanka, Culima’udiinka, Dhalinyarada, Haweenka, qaybaha Warbaahinta iyo xubno farabadan oo ka socday ururada bulshada rayidka ah ee Puntland waxaana soo qaban qaabiyay guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland (TPEC).

 

Furitaanka kadib xubnihii kulankan ka hadlay waxaa ka mid ahaa Sheikh C/qaadir Nuur faarax oo aad ugu dheeraaday Alle ka cabsiga iyo ku baraarujinta bulshada cibaadada alle, wuxuuna aad uga hadlay Abuurka alle ee bina’aadamka iyo sida wanaagsan ee uu wax u maamulay.

 

Sheikh C/qaadir Nuur faarax wuxuu bulshada soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan umada reer puntland ku dhiirigaliyay kulana taliyay in ay maslaxada caamka ah ka horumariyaan midooda gaarka aha is loo wada gaaro horumarka guud ee umadadeed iyo midka deegaanba, wuxuuna aad ugu celceliyay ahmiyada ay leedahay in umadu ay midawdo.

 

Shiekh C/qaadir Nuur faarax wuxuu soo dhaweeyay dadaalka dimoqraadiyada in codka shacabka la muujiyo oo ay kala doortaan shaqsiyaadka danahooda ay u arkaan in uu u adeegayo, wuxuuna aad uga dardaarmay in talo wadaag in maamulku uu noqdo bulshaduna ay taladoodu noqoto mid wax lagu hagaajinayo.

 

Sheikh C/qaadir Nuur Faarax wuxuu sheegay in dawlada hada jirta ay wax badan qabatay mudadii ay jirtay amniguna uu ka mid yahay waxyaabaha hada la taaban karo ee natiijada fiican laga keenay.

 

Cali faarax oo ka mid ah saraakiisha hay’adda PDRC oo isna kulankan ka hadlay ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay hay’adda PDRC iyo waxyaabaha ay ka shaqayso, wuxuuna carabaabay in hay’adani ay aad uga shaqayso Nabada iyo Dimoqraadiyada wuxuuna yiri isagoo arrinkaasi ka hadlaya “PDRC waa madal dhexdhexaad ah oo ka shaqaysa Nabadda iyo dimoqraadiyada”.

 

Cali faarax wuxuu bulshada Soomaaliyeed ee shirkan joogtay iyo madexda dawladaba ku soo dhaweeyay xarunta PDRC oo uu tilmaamay in ay u furan tahay bulshada Soomaaliyeed oo dhan, wuxuuna aad carabka ugu adkeeyay in nabada laga wadashaqeeyo, horumarka muuqda ee Dimoqraadiyada iyo axsaabta bandanna loo wada guntado wuxuuna yiri “ Axsaabta badan dan yay dalka iyo dadkaba u tahay waayo waxaa imaanaya tartan dhexdhexaad ah oo waafaqsan danta guud iyo midnimada”.

 

Abshiro Muuse Ciise oo ka mid ah guddiga doorashooyinka ee Puntland ayaa ujeedada shirkan sharaxday waxayna carabaabtay in kulankani uu ku qotomo sidii kor loogu qaadi lahaa diiwaangalinta iyo dimoqraadiyada.

 

Abshiro waxay kaloo sheegtay in kulankan inta uu socdo la isku waydaarsan doono su’aalo iyo afkaar farabadan oo la xiriira dhiiranaan la’aanta, iyo baqdinta ay bulshadu ka qabaan furahsada Ururada Siyaasadeed iyo sidii loo baahin lahaa geedi socodka dimoqraadiyada ee Puntland.

 

“Deegaankeenu wuu u baahanyahay Dimoqraadiyadda oo ah mid horseedaya Sinaan, Cadaalad iyo Horumar , wuxuuna kulanki ujeedkiisu yahay in aan bulshada ka dhex ogaano waxyaabaha hortaagan in ay dardar gasho hawsha furashada ururada Siyaasadeed” ayay tiri Marwo bashiro oo hadalkeeda sii wadata.

 

Abshiro muuse Ciise waxay dhiirigalisay in haweenku ay ka qayb qaataan Ololahan islamarkaana ay ku dhiiradaan haweenku in ay ka mid noqdaan dadka ururada Siyaasadeed Furanaya.

 

Kulankan manta waxaa sidoo kale ka hadlay guddoomiyaha guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka puntland Maxamed Xasan Barre , wuxuuna isna aad uga hadlay marxaladan ay puntland ku jirto iyo dadaalka guddigu uu ugu jiro in Puntland ay ka hirgasho dimoqraadiyadu.

 

Maxamed Xasan Barre wuxuu bulshada ugu baaqay in ay dadaalkan ka qayb qaataan kuna taageeraan guddiga iyo dawladaba siii looga gudbi lahaa marxalada qabiiliga ah looguna gudbi lahaa marxalada dooga iyo barwaaqada leh ee Dimoqraadiyada.

 

Wuxuu kaloo tilmaamay in ay haboontahay bulshadu in ay ku dhiirato in ay ururada Siyaasadeed soo diiwaangashadaan islamarkaan aay u tartamaan in ay u gudbaan marxalada sadexda Urur ee ugu horeeya tartanka loogu aqoonsanayo in ay yihiin sadexda Xisbi ee Puntland.

 

Intaasi kadib guddoomiyuhu wuxuu hadalka ku soo dhaweeyay Madexweynaha dawlada Puntland oo dhinacyada ka fadhiyaan madexweyne ku xigeenka iyo xubno farabadan oo ka tirsan golaha Wasiirada ee Puntland.

 

Madexweynaha dawlada Puntland mudane C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole wuxuu aad ugu dheeraaday dadaladii kala duwanaa ee lagu soo bixiyay sidii Puntland ay uga guuri lahayd habka qabiilka ku dhisan islamarkaana ay ugu gudbi lahayd marxalad siyaasadeed oo ku salaysan dimoqraadiyada caalamka meelo ka mid ah ka jirta.

 

Madexweynuhu wuxuu tilmaamay in geedi socodka dimoqraadiyada Puntland uu la mid yahay Wabi leh biyo qulqulaya ee aan dib loo celin Karin, taas oo uu uga jeeday madexweynuhu in aysan jiiri Karin sabab keeni karta in dib looga noqdo hanaankan natiijadiisu muuqato waqtiga dhaw ee la filayo in Puntland ay nabad, Xasilooni iyo horumarba u horseedo.

 

Madexweyne C/raxmaan wuxuu sheegay sidii ay dawladiisu u balanqaaday in ay wali u socdaan dadaaladii Puntland horumarka, Sinaanta iyo cadaalada lagu gaarsiin lahaa, go’aanka arrinkaasina wuxuu tilmaamay in ay lahaayeen dadka reer puntland oo wakiil dawlada uga dhigtay.

 

Madexweynuhu wuxuu carabaabay in marxaladani ay qeexayso in cidii dadku u doorto in ay hogaamiso ay hogaamin doonta umada iyo maamulkoodan Puntland.

 

Madexweynaha dawlada puntland mudane C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole wuxuu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay dimoqraadiyadu waxa ay tahay iyo caalamka wada ka qaatay ee isbadelka horumarka leh gaaray, wuxuuna tusaale u soo qaatay wada Islaamka gaar ahaan Indonesia, Turkey, Malaysia, Egypt iyo Tunisia oo ay maamuli jireen xukunno kaligood taliyayaal ah qaarkood ay hada qaateen Dimoqraadiyada sida Tunisia iyo Egypt oo ay ku soo baxeen hada islamarkaana doorashooyin xor ah oo tartan dheer loo maray ay ka dhaceen.

 

"Reerku meel cusub dego waxaa uga wanaagsan uguna dhib yar in uu dego jabad horay loo degay, inaguna hada waxaa ka waafi’daysanaynaa Nidaamkan dimoqraadiyada ee la inooga horeeyay” ayuu yiri Madexweyne Faroole oo arrinka dimoqraadiyada ka hadlayay.

 

Madexweynuhu wuxuu dhaliilay fikirka khaldan ee sida aan wanaagsanayn loogu fasirayo Ereyga Islaamiyiinta wuxuuna carabaabay in ujeedooyin gaar ah ay ka dambeeyay in dadka qaybo ka mid ah la yiraahdo Islaamiyiin dadka si bulshooyinka caalamka feker khaldan looga fahamsiiyo.

 

Madexweyne C/raxmaan wuxuu ka dhawaajiyay in dadka wanaagsan ee Puntland ay badan yihiin, shacabkuna uu rabo nidaamkan dimoqraadiyadda sidii ay ku ansixiyeen dastuurkii Puntland taas oo ah mid aan la qarin Karin.

 

“Waa geedi socod inaga reer Puntland ahi mulkiyadiisa leenahay oo aysan cid caalamka kale faragalin inooga samayn Karin, waxaana codsanaynaa taa badelkeeda in Caalamku nagu taageero” ayuu yiri Madexweynahad dawlada Puntland.

 

Madexweynuhu wuxuu tilmaamay in xeerkii doorashooyinka dib loogu moqday iyadoo la xeerinayo duruufo badan oo wadanka ka jira, wuxuuna kaloo wax ka taabtay Urur siyaasadeedkii uu shalay ku dhawaaqay oo uu tilmaamay in ay jiraan asbaabo badan oo ay magaca horseed ugu bixiyeen ururkaasi.

 

“Wax walba waa laga baqaa markey cusub yihiin laakinn anagaa idiin bilawnaye ku dayda, waana idiin jilcinaye raaca” ayuu yiri Madexweyne Faroole oo hadalkiisa sii wata.

 

Intii uu shirkan socday waxaa ka qaybgalayaasha oo Madexda sare ee dawladu ay goobjoog yihiin loo soo bandhigay Filim ku saabsan marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray geedi socodka dimoqraadiyada ee Puntland.

 

Arrimaha ugu muhiimsan ee shirkan loo qabtay waxaa ka mid ah in bulshada loo soo bandhigo isbadelo lagu sameeyay qodobada furashada Ururka horay looga soo saaray oo ay ku jiraan arrimaha ay ka mid yihiin Lacagta diiwaangalinta oo laga dhigay 7000 oo doolar halkamarkii hore ay ahayd 15000 oo Dollar, Lacgata laga qaadayo sadex xisbi ee tartanka ka gudba oo laga dhigay $ 15,000 halka Markii hore ay ahayd $ 30,000 iyo qodobka qeexaya in xisbi walba uu 300 oo qof uu ku yeesho 5 ka mid ah gobollada Puntland halka markii horena uu ahaa in xisbigu uu 300 oo taageere ku yeesho dhamaan gobollada puntland.

 

Kulankani waxaa loo qorsheeyay in uu socdo labada galin ee maanta waxaa la filayaa in ay ka soo baxaan qodobo iyo natiijo wax ku ool ah marka ka qaybgalayaashu ay isku waydaarsadaan afkaartooda kala duwan su’aalahoodana ay guddiga si waafi ah u waydiiyaan.

 

www.puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this