Daqane Posted November 14, 2012 Safiirka dowlada Itoobiya u gadhiya magaalada Muqdisho ee dalka Somalia danjire C/casiis Axmed Aadan ayaa soo dhoweeyey talaabadii uu Baarlamanka Somalia maalintii shalay ku ansixiyey xukuumada 10-ka wasiir ka kooban ee raisul wasaare Saacid uu soo dhisay. Waxaa uu intaa ku daray safiirku in xubaha golaha cusub ee wasiirada laga filayo iney sii dar dar geliyaan howlihii ay dalka ka waday dowladii KMG aheyd ee ay xilka kala wareegtay, waxqabad muuqdana la timaado Dhinaca kale, safiirka Itoobiya ayaa sheegay in maamulka u sameynta gobolada Jubooyinka ay xaq u leedahay oo kaliya dowlada Somalia, maadaama dalka ay iyadu masuul ka tahay aqoonsi buuxa oo caalami ahna heysato. “Itoobiya waa ka tirsan tahay IGAD laakiin dowlada Somalia ayaa awood buuxda u leh iney maamul u sameyso gobolada Jubooyinka, IGAD xaq uma laha iney maamulo u sameyso gobolo ku yaala dal madax banaan oo leh dowlad aqoonsi buuxa heysata” ayuu intaa ku daray Danjire C/casiis. Hadalka danjiraha Itoobiya ayaa ku soo aadaya xili jahwareer iyo muran uu ka taagan yahay maamul loo sameeyo gobolada Jubooyinka kaasoo u dhexeeya dowlada Somalia, Jabhada Raaskambooni dowlada Kenya iyo urur goboleedka IGAD, kuwaasoo aragtiyo kala duwan ka qaba. Xafiiska Warqabadka Dayniile.com Webmaster@dayniile.com Tafatiraha Wabka Dayniile.com Deyniilecom@hotmail.com Webmaster@dayniile.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted November 14, 2012 Dayniile come on man:D Quote Share this post Link to post Share on other sites
Daqane Posted November 14, 2012 By all means corroborate at will Quote Share this post Link to post Share on other sites
Daqane Posted November 14, 2012 hahaha ruwaayada ha socoto... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted November 14, 2012 Apophis;888809 wrote: Kismaayo news : Kenya o sheegtay inay Itoopia Somalia farahaa kala baxdoo waayo Amisom kamaa tirsanoo :D Quote Share this post Link to post Share on other sites