Sign in to follow this  
Saalax

President Xassan Muufo:6 regions federal state plan for south Somalia

Recommended Posts

Saalax   

Muqdisho (RBC Radio) Qorshe maamul gobaleed loogu samaynayo ilaa iyo Lix gobal ayaa haatan wuxuu ka socdaa magaalada Muqdisho, waxaana qorshahaan wax ka wada madaxda ugu saraysa dowlada Soomaaliya.

Shirar iyo kulamo joogto ah oo la doonayo in lagu yagleelo maamul gobaleedka koofur Galbeed ayaa waxay ka socdaan magaalada Muqdisho, waxaana ka qaybgalaya shirarkaasi siyaasiyiin iyo masuliiyiin ka soo jeeda gobalada la doonayo in maamulkaan loo sameeyo.

Qoershahaan ayaa hadii uu dhaqan galo waxaa la doonayaa in maamulkaan uu ka shaqeeyo gobalada, Jubada Hoose, Jubada Dhexe, Bay, Bakool, Gede, iyo Shabeelaha Hoose.

Kulamadaan ayaa waxay soo socdeen maalmihii ugu danbeeyay waxaana lagu wadaa in dhowaan lagu soo gaba gabeeyo magaalada Muqdisho isla markaana laga soo saaro war ay isku raaceen dhinacyadii ka qaybgalay kulankaan.

Prof. Maxamed Ibraahim Muuse Heerow oo ka mid ah xubnaha ka qaybgalaya kulamada ka socda magaalada Muqdisho ee maamulkaan lagu dhisayo ayaa wuxuu sheegay in maalintii shalay ahayd uu kulanka kala soo qayb galay gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Sidoo kale wuxuu sheegay in kulamada iyo shirarka ka socda magaalada Muqdisho ay ogyihiin dhamaanba madaxda ugu saraysa dowlada Soomaaliya ayna raali ka yihiin in la dhiso maamulkaan.

Heerow ayaa wuxuu sheegay kulamadaan ay haatan u dhanyihiin dhamaanba beelaha dega Lidaan gobal oo ka mid ah gobalada Soomaaliya, ayna ka soo saari doonaan wax ay isku raacsanyihiin.

Arintaan ayaa waxay ku soo adaysaa xili dhanka kale uu socdo qorshe la doonayo in maamul gaar ah loogu sameeyo gobalada jubooyinka kaasi oo ay xataa faragalin ay ku haayaan wadamada dariska la ah Soomaaliya.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji Xunjuf;888624 wrote:
wtf xassan muufo???

:D.

 

seriously why are you reer waqooyi folks busy with desperatly posting/making threads about Somalia. what happened to SL? Mise its been slow news days these couple of days.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this