Saalax Posted November 13, 2012 Muqdisho (RBC Radio) Qorshe maamul gobaleed loogu samaynayo ilaa iyo Lix gobal ayaa haatan wuxuu ka socdaa magaalada Muqdisho, waxaana qorshahaan wax ka wada madaxda ugu saraysa dowlada Soomaaliya. Shirar iyo kulamo joogto ah oo la doonayo in lagu yagleelo maamul gobaleedka koofur Galbeed ayaa waxay ka socdaan magaalada Muqdisho, waxaana ka qaybgalaya shirarkaasi siyaasiyiin iyo masuliiyiin ka soo jeeda gobalada la doonayo in maamulkaan loo sameeyo. Qoershahaan ayaa hadii uu dhaqan galo waxaa la doonayaa in maamulkaan uu ka shaqeeyo gobalada, Jubada Hoose, Jubada Dhexe, Bay, Bakool, Gede, iyo Shabeelaha Hoose. Kulamadaan ayaa waxay soo socdeen maalmihii ugu danbeeyay waxaana lagu wadaa in dhowaan lagu soo gaba gabeeyo magaalada Muqdisho isla markaana laga soo saaro war ay isku raaceen dhinacyadii ka qaybgalay kulankaan. Prof. Maxamed Ibraahim Muuse Heerow oo ka mid ah xubnaha ka qaybgalaya kulamada ka socda magaalada Muqdisho ee maamulkaan lagu dhisayo ayaa wuxuu sheegay in maalintii shalay ahayd uu kulanka kala soo qayb galay gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Sidoo kale wuxuu sheegay in kulamada iyo shirarka ka socda magaalada Muqdisho ay ogyihiin dhamaanba madaxda ugu saraysa dowlada Soomaaliya ayna raali ka yihiin in la dhiso maamulkaan. Heerow ayaa wuxuu sheegay kulamadaan ay haatan u dhanyihiin dhamaanba beelaha dega Lidaan gobal oo ka mid ah gobalada Soomaaliya, ayna ka soo saari doonaan wax ay isku raacsanyihiin. Arintaan ayaa waxay ku soo adaysaa xili dhanka kale uu socdo qorshe la doonayo in maamul gaar ah loogu sameeyo gobalada jubooyinka kaasi oo ay xataa faragalin ay ku haayaan wadamada dariska la ah Soomaaliya. RBC Radio Xafiiska Wararka Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted November 13, 2012 http://www.raxanreeb.com/2012/11/qorsho-maamul-gobaleed-loogu-samaynyo-lix-gobal-oo-ka-mid-ah-gobalada-soomaaliya-oo-muqdisho-ka-socda/ Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted November 13, 2012 wtf xassan muufo??? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted November 13, 2012 One of his nicknames. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted November 13, 2012 War Madaxweynaha hala ixtraamo Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted November 13, 2012 Xaaji Xunjuf;888624 wrote: wtf xassan muufo??? . seriously why are you reer waqooyi folks busy with desperatly posting/making threads about Somalia. what happened to SL? Mise its been slow news days these couple of days. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted November 13, 2012 I think Somalia politics is much more interesting than Somaliland Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted November 13, 2012 okay cool Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalia Posted November 14, 2012 This is moryaan and HAG agenda never to allow a Jubaland to exist. Lets hope Kismayo administration rejects this nonsense. Quote Share this post Link to post Share on other sites