Sign in to follow this  
Dr_Osman

Puntland - 30 Students Recieve Scholarships. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

Wasaarada Waxbarashada oo 30-gabdhood waxbarasho jaamacadeed ugu deeqa

 

Wasaarada waxbarashada Dowlada Puntland ee Soomaaliyeed ayaa maanta warbaahinta usoo bandhigay waxbarasho jaamacadeed oo loogu deeqay 30 hablood oo laga soo xulay Gobalada Puntland.

 

Munaasibad deeqdaasi lagu soo bandhigayay ayaa ka dhacday hoolka shirarka Wasaarada waxbarashada Puntland Waxaana kasoo qayb gallay Wasiirka waxbarashada Puntland Mr.Juxa, ku simaha agaasimaha guud ee wasarada Maxamad Cali Faarax, wasiir ku xigeenka haweenka, Madaxda UNPD Garoowe iyo waalidiin, waxaana goobta laga soo jeediyay khudbado ka hadlaya waxbarashada haweenka iyo muhiimada ay qoyska u lee dahay.

 

Bilowkii Kullanka waxaa hadlay ku simaha agaasimaha Guud ee wasarada waxbarashada mudane Maxamad Cali Faarax Farmayeeri, wuxuna sheegay ilay lagama maarmaan tahay sidii kor loogu qaadi lahaa waxbarashada haweenka iyo tayaynta aqoontooda "run ahaantii wasaarada waxbarashada waxay u istaagtay sidii kor loogu qaadi lahaa waxbarashada gabdhaha ,gabdhahaani 30-ka gaaraya waxaa laga soo kala xullay 7-da gobal ee puntland iyadoona loo eegayo hadbka sida ay u awoodin hanaanka waxbarasho"

 

Wasiirka wasaarada waxbarashada Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid (Juxa) oo goobta ka hadlay ayaa sheegay inaysan hada bilow ahayn sidii waxbarashada haweenka kor loogu qaadi lahaa basle tani waxay ka qayb tahay buu yiri sidii waxbarashada haweenka kor loogu qaadi lahaa.

 

Sidoo kale Juxa waxa uu uga mahad caliyay madaxda UNPD oo dhaqaalaha waxbarashada haweenkaani gaaraya 30ka ku deeqday "waxbarashadaani waxaa si gaar ah loogu eegayaa gabdhaha saboolka ah oo aan awoodin dhaqaalaha Jaamacadaha,waxan rajaynayaa in barnaamijkaani laga faa'iidaysto oo aan laga dhigin mid khasaartay waxan idin ku dhiiri galinayaa inay wax tar muuqda ka gaartaan waxbarashada jamacadeed ee la idin ku deeqay" Juxa ayaa yiri.

 

"Run ahaantii waa barnaamijkii ugu horeeyay oo ay UNDP wasaarada waxbarashada kala shaqaysay barnaamijyo kala way naga qayb qaateen basle waxbarashada haweenka waa kii ugu horeeyay waxan rajaynayaa inuu dhabada usoo xaaro wada shaqaynta labada xarumood ka dhaxeeya"

 

Gabadhaha waxbarashada jaamacadeed loogu deeqay ayaa waxaa lagu soo xullay qaab ku aadan dhanka awooda dhaqaalaha iyo sida ay ugu baahan yihiin.waxaana laga soo xullay Todobo gobal oo kalla ah.

 

G-Bari 5-gabadhood

G-Karkaar 4-Gabadhood

G-Nugaal 4-Gabdhood

G-Mudug 5-Gabdhood

G-Cayn 4-Gabdhood

G-Sool 4-Gabadhood

G-Sanaag 4-Gabadhood

 

Madaxa UNDP Garoowe oo kalmad dardaar ah goobta kasoo jeediyay ayaa sheegay inuu ku farax san yahay kor usoo qaadista waxbarashada haweenka,wuxuna sheegay kor u qaadista waxbarashada haweenka inay qayb ka tahay horumarka iyo geedi socodka aqooneed ee soomaaliya.

 

"UNPD khimrad ahaan waxay caalamka oo dhan ku ogaatay hadii la rabo in la hormarsho mushtamaca in marka hore haweenka wax la baraa waayo qayb ayay ka yihiin nolashada aduunka" madaxa UNDP Garoowe.

 

Docdo kale waxaa goobta ka hadlay Faadumo Shugri oo madax ka ah xarunta horumarinta waxbarashada haweenka ee wasarada,waxayna tilmaamtay maanta inay guul u tahay inay aragto haween waxbarasho jaamacadeed hellay oo hadana ku dhiiran sidii ay dadkooda ayaaha danbe wax u baraan.

 

Xamdi Cabdi Jaamac waxay ka mid tahay Araydii helley waxbarashada jaamacadeed hadal ay goobta kasoo jeedisay ayay ku sheegtay inay guul ka gaari doonto waxbarashada loogu deeqay,waxaa hadalkeedii dhamaan aad ugu farxay masuuliyiintii kaso qayb gallay una sacabo tumay sida dhiiran oo ay codkeeda ku muujiyay inay mar kasta haweenku dhanka waxbarashada ay kaga wanaagsan yihiin hadii ay noqon lahayd dib usoo eegista qoyska .

 

Sahra Axmad Xirsi (Kooshin) oo ah la-taliyaha wasaarada waxbarashada ee dhanka haweenka ayaa goobta kasoo jeedisayay magacyadda gabadha waxbarashada loogu deeqay, waxayna tilmaamtay inaysan marnaba ka hari doonin sidii kor loogu soo qaadi lahaa aqoonta gabdhaha reer Puntland.

 

Qaynta horumarinta waxbarashada haweenka ee wasaarada waxbarashada ayaa dhexda u xirtay sidii kor loogu qaadi lahaa hanaanka

waxbarasho iyo karti aqooneedka dumarka, waxayna marar badan soo bandhigeen daraasaad ay ku sameeyen heerarka goobaha waxbarasho ay ku yihiin haweenka iyo in wax laga badalo.

 

Hay'adda UNDP ayaa dhaqaalaha ku baxaya Ardaydaani waxbarashada hellay ku deeqday, waxaana la rumaysan yahay UNPD inay saxiib dhow la tahay wasaarada waxbarashada sidii la iskaga kaashan lahaa soo kobcinta aqoonta da'yarta.

 

Wasiirka waxbarashada Puntland Cabdi Farax Siciid (Juxa)

 

Madaxa Hay'adda UNPD oo ka hadlay madasha xaflada

 

ku simaha agaasimaha guud ee wasarada Maxamad Cali Faarax (Farmayeeri)

 

Sahra Axmad Kooshin oo soo bandhigtay Gabdaha waxbarashada helay & halka ay kasoo kala jeedan

 

Mid ka mid ah Gabdhihii Deeqda waxbarasho hellay

 

Dunidaonline-Garoowe

Cali Ducaale Fantastic

 

wabar21.jpg

waxbar22.jpg

waxbar23.jpg

waxbar24.jpg

waxbar25.jpg

waxbar26.jpg

waxbar27.jpg

waxbar28.jpg

waxbar29.jpg

waxbar30.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this