Sign in to follow this  
Saalax

Mogadishu responds to Ayman Al-zawahiri: No to Al Qaeda, No to Al shabab.

Recommended Posts

Saalax   

Mudaaharaad Looga Soo Horjeedo al-Qaacida Oo Muqdisho Ka Dhacay

 

 

foEF7.jpg

 

Banaan-bax looga soo horjeeday hadalkii ka soo yeeray hogaamiyaha ururka Al-qaacida Ayman Al-zawaahiri ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, iyadoo dad aad u badan ay isugu soo baxeen xarunta degmada Wardhiigley, halkaas oo ay kula hadleen Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo saraakiil ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

 

Dibad-baxa waxaa soo abaabushay Hey’adda Wadahadalka Bulshada ee CCD waxaana kasoo qeyb-galay Masuuliyiin ay kamid ahaayeen guddoomiyaha degmada Wardhiigley Deeqo C/qaadir, guddoomiye ku xigeenka waaxda nabadgelyada maamulka gobolka Banaadir Warsame Maxamed

Xassan Joodax iyo saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska.

 

Dibad-baxayaasha ayaa watay boorar ay ku qoranyihiin sawirrada Al-shabab iyo hogaamiyaha Al-qaacida oo falal gurracan ku howlan iyagoo ku qeylinayay erayo lidi ku ah ururka al-Shabab iyo Shabakada Al-qaacidda.

 

Masuuliyiintii goobta ka hadlay ayaa tilmaamay in dad ajaaniib ah aysan keeni karin xalka Soomaaliya loogana baahanyahay dadka ajaaniibta ah ee ka bar-bar dagaalamaya dhanka al-Shabaab inay isaga baxaan waddanka oo ay aadaan dalalka ay kasoo jeedaan.

 

Banaan-baxaan ayaa ka dhashey kadib markii uu dhawaan hogaamiyaha Al-qaacidda Ayman Alzawahiri uu ugu baaqay kooxda al-Shabab inay siiwadaan dagalada iyo isqarxinta ay ku hayaan dadka ka soo horjeeda fikirkooda taasoo si weyn uga careysiisay qeybaha bulshada.

 

Horseed Media

Muqdisho Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this