Saalax Posted November 11, 2012 Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud Oo Ku Dhegan In 10 Wasiir Keliya La Ansixiyo Waxaa maanta shir ku yeeshay magaalada Muqdisho Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud iyo xildhibaano gaaraya 15 Xildhibaan, kuwaas oo ka mid ahaa kuwii soo jeediyey in xukuumadda la soo dhamaystiro iyada oo la raacayo Dastuurka qodobka 97aad ee ka hadlaya qaabka loo dhisayo xukuumadda. Xildhibaanadan ayaa wakiil ka ahaa 70 Xildhibaan oo qorshaha dhamaystirka xukuumadda wadey, waxaana ay madaxweynaha u gudbiyeen warqad caddeyneysa sida loo garab marsan yahay dastuurka oo dhigaya in xukuumaddu ka koobnaato Raysalwasaare Raysalwasaare ku-xigeen/Ku-xigeeno, Wasiiro/Wasiir ku-xigeeno iyo Wasiiru dowlayaal. Xildhibaan Maxamed Nuuraani Bakar oo kamid ahaa xubnihii la kumey Madaxweynaha ayaa sheegay in madaxweynuhu weli ku dhegan yahay in qodobkan meel la iska dhigo haddana la doonaayo 10 wasiir keliya in la anisixyo, waxaana uu sheegay in dhismaha 10 wasiir ay ka qaadatey waqti aad u dheer, Xildhibaanka ayaa sheegay in aysan jirinn wax heshiis ah oo la isla meel dhigey. Dhismaha xukuumadda ayaa noqdey mid aad u daahey, marka loo eego doorashadii Madaxweynaha mudada ka soo wareegtey, iyo weliba magacaabidii Raysalwasaaraha oo hadda 36 Maalmood gaareysa. Xildhibaanada qaba in xukuumadda la soo dhamaystiro ayaa haysta qodob dastuuri ah, waana shaqada xildhibaanada in ay xukuumadda ku ilaaliyaan sharciga, sida ay qabaan dadka sharciga yaqaan. Raysalwasaaraha ayaa laga doonayaa in uu muddo 30 maalmood gudaheed ah ku soo dhiso xukuumad, taas oo uu fuliyey markii ay u harsaeyd maalmo keliya, laakiin, waxaa la soo gudboonaatey caqabad kale, sidoo kale dastuurka ayaa sheegaya in 15 maalmood gudaheed lagu horgeeyo xukuumaddaas baarlamaanka taas oo ku eg 17/11/2012 Horseed Media Muqdisho, Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted November 11, 2012 http://horseedmedia.net/2012/11/11/madaxweyne-xassan-shiikh-maxamuud-oo-ku-dhegan-in-10-wasiir-keliya-la-ansixiyo/ Quote Share this post Link to post Share on other sites