Daqane Posted November 10, 2012 Wafdi ka socday urur goboleedka IGAD ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose, iydoo amaanka magaalada si weyn oo aan horey loo arag loo adkeeyey sida wararku ay nagu soo gaaarayaan. Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jabhada Raaskambooni ayaa saaka xiray guud ahaan wadooyinka dhexmara magaalada Kismaayo, iyadoo askar fara badan lagu soo daadiyay xaafadaha kala duwan ee magaalada kuwasoo sugayey amaanka. Ganacsigii magaalada Kismaayo ayaan la furin maanta, waxaana sidoo kale xirnaa goobaha waxbarashada iyo isu socodkii gaadiidka ee magaalada. Wafdiga gaaray magaalada Kismaayo ayaa la sheegay iney la socdaan guddi farsamo oo u gogol xaaraya shirka maamul u sameynta Jubooyinka ee la filayo in Kismaayo lagu qabto dhowaan, waxaana la sheegay iney la socdaan wakiilo ka socda QM. Waxaa wafdigaas ku soo dhoweeyey magaalada kismaayo saraakiil iyo madax ka tirsan Jabhada Raaskambooni iyo ciidamada Kenya ee halkaas ku jooga magaca AMISOM, iyadoo wararkuna ay sheegayaan in tiro madaafiic ah ay ku dhaceen nawaaxiga garoonka Kismaayo markii ay wafdigaas ka dageen ka dib kuwasoo ay soo rideen xoogaga Al-Shabaab, ciidamada huwantana waxay bilaabeen howlgal arintaas ku aadan. Xafiiska Warqabadka Dayniile.com Webmaster@dayniile.com Tafatiraha Wabka Dayniile.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted November 10, 2012 Dayniile; Fair & Balanced.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Daqane Posted November 12, 2012 Xoogagga Al-shabaab oo xalay Weeraray saldhig ay Ciidamadu leeyihiin iyo Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo Isniin, November 12, 2012 (HOL) —Dagaalyahanno katirsan xoogagga Al-shabaab ayaa xalay weerar madaafiic ah ku qaadeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo halkaasoo ay saldhig ku leeyihiin ciidamada Kenya eek u sugan magaalada Kismaayo. Weerarradani oo ahaa kuwo qorsheysan ayaa mar qura lagu qaaday saldhigga dhexe ee magaalada Kismaayo iyo garoonka diyaaradaha. Goobjooge ku sugan magaalada Kismaayo ayaa oo ka gaabsaday in magaciisa la xigto ayaa HOL u sheegay in ciidamo katirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigga dhexe ee magaalada Kismaayo, halkaasoo ay israsaaseyn xooggan ku dhexmartay ciidamada ilaalada saldhigga iyo kooxihii weerarka soo qaaday. “Markii hore xabadda waxay ka dhaceysay dhinaca Isteeshinka, laakiin xoogaa kadib xabad ayaa is qabsatay magaalada oo dhan,” ayuu goobjoogahani hadalkiisa raaciyay. Ilaa imika ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarradaasi, mana jiraan masuuliyiin katirsan dhinacyadii uu dagaalka u dhexeeyay oo faahfaahin ka bixiyay. Xoogagga Al-shabaab oo iyagu ku sugan deegaanada ku xeeran magaalada Kismaayo ayaa wacad ku maray in aysan joojin doodin weerarrada ka dhanka ah ciidamada huwanta ah ee ku sugan Kismaayo. Ilaa imika ma jiraan masuuliyiin katirsan Al-shabaab oo faahfaahin ka bixiyay weerarradii ay xalay ka fuliyeen gudaha magaaalada Kismaayo. Weerarka ay Al-shabaab xalay ka fuliyeen Kismaayo ayaa kusoo beegmaya xilli gudaha magaalada Kismaayo ay ku suganyihiin guddi farsamo oo ka socdo shirka maamul u sameynta Jubooyinka, kaasoo la filayo in dhawaan loo soo wareejiyo magaalada Kismaayo. Xasan Nuur, Hiiraan Online hnur@hiiraan.com Kismaayo, Soomaaliya Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo Xalay Weeraray Garoonka Diyaaradaha Kismaayo Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo waxay sheegayaan in xalay weerar madaafiic ah ay ku qaadeen Maleeshiyaadka Al-Shabaab garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo halkaasoo ay saldhig ku leeyihiin ciidamada Kenya ee magaalada Kismaayo ku sugan. Dagaalkii xalay ayay Maleeshiyaadka Al-Shabaab ku qaadeen saldhigga dhexe ee magaalada Kismaayo iyo garoonka diyaaradaha magaaladaasi, iyadoo hal mar laga wada maqlay Magaalada Kismaayo daryanka Madaafiicda Culus iyo dhawaqa rasaasta ka dhacda boobayaasha culus.. Rasaastii xalay labada dhinac isweydaaranaayeen ayaa ahayd mid argagax ku riday dadka ku dhaqan Magaalada Kismaayo, waxayna Maleeshiyaadka Al-Shabaab weerarkooda xoogga ku saareen Garoonka Diyaaradaha Kismaayo, waxaya ku rideen tiro madaafiicda garbaha laga rido. Lama oga ilaa iyo hada khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay ka dhacay Magaalada Kismaayo, waxayna Al-Shabaabka ku sugan yihiin deegaanada ku xeeran magaalada Kismaayo, waxayna ku dhaateen inaysan joojin doonin weerarada ay ku hayaan Ciidamada Kenya ee ku sugan Kismaayo. Dhinaca kale weerarkii xalay ayaa ku soo aadaya xilli ay magaaladaasi ku sugan yihiin Guddi farsamo oo ka socdo shirka maamul u sameynta Jubooyinka, waxayna dadka magaaldaasi degan ka cabsi qabaan in weerardu sii balaartaan. Web Updating, Somaliweyn Website contact@somaliweyn.com www.somaliweyn.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted November 12, 2012 Its seems Alshabaab is back. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacpher Posted November 12, 2012 Dayniile: Xoogaga Al Shabaab oo goor dhow qabsaday wadanka Zamunda. Quote Share this post Link to post Share on other sites