Abwaan Posted November 9, 2012 Mid ka mid ah Wasiirada cusub ee uu todobaadkan soo magacaabay Ra'iisul Wasaare Cabdi Faarax Shir-doon Saacid ayaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho, kadib markii uu dalka dib ugu soo laabtay. Wasiirka Howlaha guud iyo dib u dhiska Muxiyadiin Maxamed Kaalmoy oo ahaa Qunsulkii Safaarada Tripoli ee dalka Libiya ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho Wasiiradii hore ee Haweenka Maryan Aweys, Xildhibaano uu ka mid ahaa Prof. Maxamed Cumar Dhalxa, Boqorka Beelaha Jareerweyne iyo haween fara badan. Mudane Muxiyadiin Maxamed Kaalmoy ayaa sheegay in dalka dib ugu soo laabtay si uu u guto waajibaadka qaran ee loo igmaday, isagoo ugu baaqay Baarlamaanka in Xukuumada ay ansixiyaan. Wasiir Kaalmoy ayaa ka mid ah 10-ka wasiir ee uu soo xushay Ra'iisul Wasaaraha, iyadoo uu ahaa wasiirka kaliya ee ka maqnaa munaasabadii magacaabista Golaha Wasiirada ee axadii la soo dhaafay, halkaasoo ay xaadir ku ahaayeen sagaal wasiir. Xukuumada cusub ee Soomaaliya ayaa ah xukuumadii ugu tira yareyd ee soo marta Soomaaliya, waxaana wasiirada 10-ka xubnood ay yihiin kuwo lagu soo xulay karti iyo aqoon, wasaaradaha loo dhiibayna ay waayo aragnimo u leeyihiin. http://jowhar.com/news.php?readmore=3012 Quote Share this post Link to post Share on other sites