Sign in to follow this  
Shinbir Majabe

Maxamuud Sayid Aadan: Shir Nairobi Laga Soo Bilaabay oo Jubbooyinka Wax Loogu Dhisayo Reer Gedo Kama

Recommended Posts

Maxamuud Sayid Aadan oo ah sarkaalka hawlgelinta ciidamada dawlada ee gobolka Gedo, horeyna uga tirsanaa baarlamaankii ku-meelgaarka ee Soomaaliya ayaa sheegay in saraakiisha dawlada ee gobolka Gedo iyo beelaha gobolka Gedo aysan qeyb ka noqon doonin shir maamul loogu sameynayo Jubbooyinka oo Nairobi ka socda, sida uu sheegay.

Maxamuud Sayid Aadan oo u waramay idaacadda VOA ayaa sheegay in uu qabo aragti ah in marka hore gobolkada Gedo, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe laga soo yagleelo maamulo heer gobol iyo heer degmo kadibna la isugu yimaado gudaha dalka si beelaha Soomaaliyeed iyagoo siman ay uga wada tashadaan masiirka deegaanka.

“Annaga shir markiisii hore Nairobi laga soo bilaabay oo Kismaayo ku dhamaanaya reer Gedo kama qeybgalayaan, mana jirto cid metesha gobolkan oo Nairobi shir u joogta” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan oo ku eedeeyay ururka Raskambooni inay gaar isu siiyeen Kismaayo.

“Waxaan leenahay dadku waa walaalo hala isugu yimaado gudaha dalka oo dawlada iyo beelaha haka soo qeybgalaan” ayuu sii raaciyey.

Maxamuud Sayid Aadan oo la weydiiyey sida uu u arko in IGAD iyo Kenya ay dhex dhexaadiyaan arimaha maamul u sameynta Jubbooyinka ayaa sheegay inuu isagu qabo in ciidamada Kenya ku ekaadaan arimaha amaanka oo kaliya.

Waxaan u soo jeedineynaa ciidamada Kenya iyo kuwa kale ee saaxiibada ee dalka jooga inay ku ekaadaan arimaha amaanka, haddiise ay yeeli waayaan oo siyaasad iyo maamulo ay faraha la galaan waa wax aan u roonaan doonin Soomaalida” ayuu sidoo kale sheegay Maxamuud Sayid Aadan.

Hadalka Maxamuud Sayid Aadan ayaa imaanaya xilli qaar ka mid ah beelaha deegaanka Jubbooyinka ay kulan ku leeyihiin magaalada Nairobi halkaasoo uu ka socdo kulan si hordhac ah looga tashanayo qaabka maamul loogu dhisi karo labada Jubba iyo Gedo.

 

Raxanreeb

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this