Abwaan Posted November 9, 2012 Sheekh Xasan Turki hadda xaaladiisa caafimaad aad ayay u liidataa intaasi waxaa u sii dheer waayeelnimo ka daba timid. Xasan Turki hadda ma ahan nin socon kara oo wax qabsan kara, xaalada dalka ka jirtana waxbo kalama socda waa waayeel sariir saaran, sanadihii ugu dambeeyay wuxuu ku noolaa magaalada Kismaayo balse Kismaayo waa laga soo qaxiyay markii Ciidamada huwanta ah ay qabsadeen. Keydmedia Online ayaa baaritaan ku waday Xaalada Xasan Turki mudo Sanad ah. Mr. Turki oo aduunyada siyaanbo kala duwan ku soo qaatay ayaa hadda wuxuu ku suggan yahay degmada Baraawe halkaasoo la sheegay inuu bukaan ku yahay. Qof walba marka dano laga leeyahay ayaa la rabaa, Xasan Turki waxaa jirtay in Shabaabku ay mar kool koolin jireen, waana markii ay Shabaabku doonayeen inay gacantooda soo gasho magaalada Kismaayo oo ay Axmed Madoobe meesha ka saaraan taasoo ay ugu dambeyntii ku guuleysteen. Xasan Turki iyo Axmed Madoobe waa labo nin oo aad isugu dhow, misana xidid ah, balse waxaa kala geysay arrimo siyaasadeed, waloow la rumeysan yahay in Xasan Turkli uu masuul ka ahaa sababta lagu kala tagay. Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya magaalada Baraawe ee gobbolka Shabeellaha Hoose Sheekh Xasan Turki hadda wuxuu ku nool yahay xaafad ka tirsan xaafadaha Baraawe, waana nin guur guura oo marba meeshii Shabaabka laga qabsado ka carraraya. Horay wuxuu ugu dhuuman jiray dhulka howdka ah ee Raaskaambooni ee galbeedka Jubbada Hoose, balse hadda halkaasi waxaa gacanta ku haya Ciidamada Raaskaambooniyiinta oo uu khilaaf kala dhaxeeya Xasan Turki. Keydmedia Online -Xafiiska, Kismaayo http://www.keydmedia.net/news/article/kon_exclusive_halkee_buu_ku_dambeeyaa_mujaahidkaan/ Quote Share this post Link to post Share on other sites
walaalkis Posted November 9, 2012 The era of Alshabab is finish now we start second round of civil war. I guess Alshabab was not bad after all , they rule the lands with no qabyaalad Quote Share this post Link to post Share on other sites