Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland: Sool governor Mr Jeeniyara visits xudun district in northern sool.

Recommended Posts

Masuuliyiin Somaliland Ah Oo Gaadhay Xuddun Iyo Maleeshiyaadka Khaatumo Oo Hadal Iyo Hugunba Is-raaciyey

 

Thursday, November 8th, 2012 | Posted by Maxamud

Masuuliyiin Somaliland Ah Oo Gaadhay Xuddun Iyo Maleeshiyaadka Khaatumo Oo Hadal Iyo Hugunba Is-raaciyey

“Qabsashada Xuddun Waxay Hordhac U Tahay Qorshe Somaliland Xuduudkeeda Ku Xidhanayso Xiliga Kala Guurka Somaliya”Indho-sheel

Taleex (Waaheen) – Kooxda nabad-diidka ah ee la baxday Khaatumo, ayaa ka hadashay qabsashada ciidamada qaranka Somaliland ee degmada Xuddun ee Gobolka Sool.

Kooxda Khaatumo la baxday, waxay qabsashada ciidamada qaranka ee deegaankaaasi oo ka dhashay badbaadinta dadka reer guuraaga ah oo ay si joogto ah Maleehsiyaadkoodu ugu laayaan u badaleen qorshe siyaasadeed oo Somaliland doonayso inay ku fidiso Maamulkeeda, si bay yidhaahdeen ay uga faa’ideystaan khayraadka ku jira.

Maxamed Yuusuf Jaamac (Indho-sheel) oo ku magacaaban Madaxwaynaha nabad-diidka Khaatumo la baxay oo shalay ka hadlay qabsashada ciidamada qaranka ee Xuddun, ayaa arintaasi uga hadlay hanaan siyaasadeed oo uu muran ku galinayo shidaalka la doonayo in dhawaan laga baadho deegaano ka mid ah deegaanka Nugaasha oo ay ku jiraan Taleex iyo Xuddun “Waxay doonayaan (Somaliland) inay cududooda ku fidiyaan deegaanka Nugaaleed oo uu isagu soo ururay khayraadka deegaanku (Sool), haddii ay tahay Macaadin, dhul beereed iyo xoolaba”ayuu yidhi dagaal ooge Indho-sheel, waxaanu intaa ku daray “Waxa kale oo ay doonayaan in xiliga kala guurka ah ee Somaliya ku jirto ay xuduudkooda soo xidhaan”

Dhanka kale, wefti uu hogaaminayo badhasaabka gobolka Sool Maxamed Maxamuud Xaaji Cali (Jeeni-yare) ayaa shalay gaadhay deegaanka Xuddun, halkaasi oo ay todobaadkan gacanta ku dhigeen ciidamada Qaranku, waxaanu kulamo halkaasi kula yeeshay Madax-dhaqameedka iyo waxgaradka deegaankaasi, kuwaasi oo sida la sheegay ay ka wadda hadleen sidii nabadgalyada looga shaqeyn lahaa, iyadda oo la tilmaamay in qorshaha uu badhasaabku halkaasi ku tagay ay qayb ka tahay dedaalo lagu doonayo in doorashada deegaanku ka dhacdo Xuddun, badhasaabkuna gogol xaadh u yahay Masuuliyiin dawlada ka socda oo la filayo inay halkaasi gaadhaan.

Dhanka kale, warar Madax-banaan oo aagaasi laga helayo aya sheegaya in maleeshiyaadka kooxda nabad-diidka ah ee Khaatumo ay isku diyaarinayaan weerar ay ku qaadaan fadhiisimada ciidamadda qaranku ka samaysteen hareeraha degmada Xuddun, iyadda oo wareysi uu bixiyay ninka ku Magacaaban Madaxwaynaha kooxda la baxday Khaatumo uu ku sheegay hadal muujinaya inay dagaal maagan yihiin..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this