Sign in to follow this  
Haatu

Baarlamaanka Soomaaliya oo Laalay Qodobo Dastuurka Ka Mid ah

Recommended Posts

Haatu   

Baarlamaanka-Somalia.jpg

Muqdisho (RBC) Fadhigii baarlamaanka Soomaaliya ee maanta ay ku yeesheen magaalada Muqdisho oo ay kaga hadleen xeer hoosaadyada baarlamaanka ayaa dhanka kalana wuxuu baarlamaanka soo bandhigay qaar ka mid ah qodobada dastuurka cusub ee ku-meelgaarka kuwaasoo xildhibaanada ay ku tilmaameen kuwo aan ku habooneyn dalka iyo dadka.

 

Kalfadhigan oo ah kii 2aad kulankiisa 4aad, ayey mudanayaasha baarlamaanka ee maanta oo ay soo xaadireen 173-xildhibaan ayaa ugu horeyn gudoomiyaha baarlamaanka Prof Maxamed Cismaan Jawaari waxaa uu xildhibaanada yu sheegay inay u codeeyaan wax ka bedelka ama diidmada qodobo ku jira dastuurka oo xubno ka mid ah baarlamaanka ay soo diyaariyeen.

 

Dood xildhibaanada is dhaafsadeen kadib, ayaa cod gacantaag ah oo baarlamaanka uu markaa ka dib qaaday ayaa waxaa in qodobada la laalo {gebi ahaanba meesha laga saaro} ku codeeyay 169-mudane, halka saddex mudane ay diideen, waxaa ka aamusay hal mudane oo kaliya.

 

Gudoomiyaha baarlamaanka Prof Jawaari ayaa intaa kadib ku dhawaaqay natiijada isagoo sheegay in baarlamaankauu guddi u saarayo qaar ka mid ah qodobada kale ee baarlamaanka u arko inay khaldan yihiin ee ku jira dastuurka.

 

Haddaba waa kuwee qodobada dastuurka ku jira ee baarlamaanku laalay?

 

1- QODOBKA 67AAD; KALA DIRISTA GOLAHA SHACABKA

QODOBKA-67AAD-1024x236.jpg

Qodobkan ayaa oranaya; “Lama kala diri karo Golaha Shacabka ka hor dhammaadka muddadiisa afarta sano ah marka laga reebo haddii uu Goluhu awoodi waayo in uu ansixiyo golaha wasiirrada iyo barnaamijka Dawlada sida ku xusan qodobka 100aad © ee dastuurkan.

 

Qodobkan waxaa lagu soo koobay; “Lama kala diri karo Golaha Shacabka ka hor dhammaadka muddadiisa afarta sano ah”

 

2- QODOBKA 7AAD; DHULKA JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA

QODOBKA-7AAD.jpg

Qodobkan waxaa laga saaray faqrada 3aad oo oraneysa sidan; “Dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee khilaafaadka soohdimaha caalamiga ka dhasha in xalilintooda loo maro tub nabadeed iyo iskaashi waafaqsan qawaaniinta Dalka u degsan iyo kuwa Caalamiga ah.”

 

Qeybtan gebi ahaanteeda waa laga saaray dastuurka cusub ee Soomaaliya.

 

3- QODOBKA 135AAD; Xilalka iyo Muddeynta Hay’adaha mudnaanta sare leh iyo Guddiyada Madaxa Bannaan ee uu Baarlamaanka Federaalka...

QODOBKA-135AAD.jpg

Qodobka 135aad ee dastuurka ayaa u qornaa sidan;

 

Qodobka 135aad: Xilalka iyo Muddeynta Hay’adaha mudnaanta sare leh iyo Guddiyada Madaxa Bannaan ee uu Baarlamaanka Federaalku ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Aasaasayo.

 

(1) Haddii aan si kale loogu sheegin Dastuurkan, Baarlamaanka Federaalku ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya wuxuu magacaabayaa xubnno aan tiradoodu ka badnayn sagaal oo ay yeelan doonaan guddi walba oo Madax Bannaani.

(2) Baarlamaanka Federaalku wuxuu asaasayaa hay’adahan iyo Guddiyadan Madaxa Bannaan ee soo socda iyadoo muddeeynta halkan ku cadna la raacayo, kuwaasoo hirgelaya marka la aasaaso Golaha Wasiirrada:

(a) Golaha Adeegga Garsoorka – 30 maalmood

(b) Maxkamadda Dastuurka – 60 maalmood

© Guddiga Xuquuqul Insaanka, Ilaaliyaha/kormeeraha (Ombudsman), Guddiga Amaanka Qaranka, Guddiga Ilaalinta/dabagalka nabadgelyada ee rayidka ah – 45 maalmood

(d) Guddiga Adeegga Baarlamaanka – 15 maalmood.

(e) Guddiga Qaranka ee Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Guddiga Xuduudaha iyo Federaaleynta – 60 Maalmood.

(f) Guddiga ka Dhexeeya Dawlad Goboleedyada – 1 Sanno

(g) Guddiga Runta iyo Dib u Heshiisiinta – 30 Maalmood

(3) Si hadaba loogu sahlo Baarlamaanka Federaalka ah in uu hawlihiisaa guto, Guddiga dib-u-eegista ee Farsamo ayaa soo diyaarinaya qoraalka sharciga loogu baahan yahay in lagu abuuro guddiyadaa iyadoo la raacayo Dastuurkan, si Guddiga Kormeerka iyo Guddiga dib-u-eegista iyo Hirgelintu ay u soo gabagabeeyaan uguna gudbiyaan Baarlamaanka Federaalka si uu uga sii baaran dego , si aan looga dib dhicin waqtiyada kama danbeysta ah ee ku cad faqradda (2) kore.

 

Qodobkan ayaa sidoo kale baarlamaanku meesha ka saaray.

 

Waa markii labaad oo baarlamaanka Soomaaliya uu laalo ama bedelo qodobo ka midah dastuurka ku-meelgaarka tan iyo bishii Agoosto ee sanadkan markaasoo ahayd markii ay fadhi ugu horeeyay yeesheen mudanayaasha baarlamaankan cusub. Bishii Sebtember ayaa golaha baarlamaanka waxay laaleen labo qodob oo ku jiray dastuurka kuwaasoo ku saabsanaa doorashada madaxweynaha. [HALKAN KA AKHRI QODOBADAAS]

 

Qodobo kale oo laga doodayo

 

Sida uu maanta sheegay gudoomiyaha baarlamaanka, waxaa sii socon doona shaqada baarlamaanka ay ku kala hufayaan qodobada dastuurka cusub oo qaarkood u baahan dib u habeyn.

 

Gudoonka baarlamaanka ayaa sidoo kale sheegay in guddi mudanayaasha baarlamaanka ka mid ah loo saarayo soo diyaarinta qodobada leexsan ee ku jira dastuurka iyo sidoo kale sameynta xeer hoosaadyada baarlamaanka oo beryahan fadhiyada baarlamaanka looga hadlayo.

 

 

RBC Radio

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

If this article is correct, at least they threw out that controversial article about the foreign disputes. Next is to throw out the federalism rubbish!

Share this post


Link to post
Share on other sites

It seems it's a good step, for now the Preisident powers have been reduced a little.

 

As for Federalisam, the while government is based on this, thus it won't do.

They need to discuss returning looted properties in Mogadishu, outlawing secessionists and those who beloved in "Somaliland" banned from the Parliment & Cabinet. Much work needs to be done...

 

Now for the Cabinet.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this