Timur Posted November 2, 2012 Rumors circulated earlier that Kismayo would see a change in administration every 20 days to build inter-clan cooperation, but it looks like the people of Kismayo are happy with their new administration. Below is the setup: 1-Guddoomiyaha maamulka Kismaayo waxa looga dhigay Axmed Madoobe oo gaaminayay xoogaga Raskambooni oo qayb ka ahaa ciidamadii la wareegay magaalada Kismaayo. 2- Gudoomiyaha Gudiga Amniga General Ismaaciil Saxardiid oo horrey u ahaa Taliyaha Ciidamada Dowladda ee gobbolada Jubbooyinka. 3- Madaxa arrimaha bulshada iyo afhayeenka maamulka cusub waxa loo magacaabay Cabdinaasir Seeraar. 4- -Gudoomoiyaha Gudiga Maaliyadda iyo Mareeyaha dekadda Kismaayo waxa loo magacaabay Muuse Gaab. 5- Gudoomiyaha arimaha Garsoorka waxa loo magacaabay Xujaale. 6- Gudoomiye Ku xigeenka magaalada Kismaayo waxa loo magacaabay Axmed Carab . Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalia Posted November 2, 2012 Yes, the people want clear leadership, I am surprised that Mogadishu is still trying to clamp down on peace. Shacabka magaalada Kismaayo ku dhaqan ayaa habeenadii lasoo dhaafay guryahooda aan kasoo bixi karin kadib markii magaalada lagu soo rogay Bandow habeenkii oo dhan socda. Arrintan ayey ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ee Kenya ay ku sheegeen inay amniga ku sugayaan. Magaalada Kismaayo ayaa tan iyo intii ay soo galeen ciidamada huwanta ah ee Dowlada, Raaskambooni iyo Amisom waxaa ka dhacayey falal isugu jira dilal qorsheysan, qaraxyo iyo dhac loo geysanayo shacabka. Waxaana falalka dhacaya lagu eedeenayey inay geysanayaan kooxda Al Shabaab iyo waliba qaar kamid ah ciidamada magaalada soo galay oo qaarkood dad rayid ah gudaha magaalada ku dilay. Ciidamada Kenya ee kamid ah AMISOM ayaa ayagu ahaa kuwii soo jeediyey in Bandow habeenkii lagu soo rogo magalaada si loo ogaado kooxaha falalkan geysanaya, isla markaana tilaabo looga qaado dadka habeenkii guureeya ee amniga lidka ku ah. Waxaana goobaha qaarkood laga mamnuucay inay hubka la maraan ciidamada hubeysan ee ka tirsan kuwa dowlada iyo Raaskambooni. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mario B Posted November 3, 2012 http://radiomuqdisho.net/daawo-sawirrada-bilicda-magaalo-xeebeedka-kismaayo-iyo-socdaalkii-uu-wasiirka-gaashaandhigga-ku-tagay-maanta/ Quote Share this post Link to post Share on other sites