Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somalilands ruling party Kulmiye comes out in full force in the election rallies.~PICTURES

Recommended Posts

Taageereyaasha KULMIYE ee Burco oo banaan baxyo waaweyn ka dhigay Magaaladda Burco

 

October 31st, 2012

 

Burco (Somaliland.Org)- Wasiirka wasaaradda arimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale (Duur) iyo wafti uu hugaaminaayay oo ka tirsan xisbiga Kulmiye iyo golaha baarlamaanka Somaliland ayaa maanta taageerayaasha xisbiga Kulmiye ee gobolka Togdheer kala qaybgalay ,banaanbaxa ololaha doorashadda golaha deegaanka oo gashay maalintii Sedexaad .

 

Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ee magaalada Burco banaanbaxa doorashadda ka dhigay oo tiradoodu aad u badnayd ayaa markii danbe isugu tigay fagaaraha Khayriyadda Burco ,halkaasi oo ay kala hadleen musharixiinta golaha deegaanka Xisbiga Kulmiye uga sharaxan degmadda Burco ,waftigan Xukuumadda sare ka socday masuuliyiinta Kulmiye iyo maamulka gobolka Togdheer.

 

Wasiirka Arimaha gudaha Maxamed Nuur Caraale (Duur) oo fagaarahaasi kala hadlay taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ayaa sharaxaad ka bixiyay mashaariicda wax qabad ee Xukuumadda Kulmiye ka fulisay gobolka Togdheer ,waxaanu kula dardaarmay Taageerayaasha in ay xil adag iska saaraan xoojinta nabadgelydada gobolka waxaanu yidhi isagoo arimaahaasi ka hadlaaya .

” Waxaan idin xusuusinayaa waxaad tihiin taageerayaashii xisbiga talada haya ee Kulmiye ,waxa laydiinka baahanyahay tudhaale gaar ah in aad la timaadaan oo aad idinku noqotaan qaar dulqaata oo nabada ilaaliya oo wanaaga dhawra iyo wada noolaashaha waayo masuuliyad gaar ah ayaa idin saaran dhamaana xisbiyada walaalo ayaynu nahay codkana waynu ku tartamaynaa ,waal-nimada shacabka iyo isku xidhnaantuna dhimanmayso codkeenana waynu la soo baxaynaa qaranimadeenana waynu ilaashanaynaa ” Sidaasi ayuu Md. Duur yidhi.

 

Wasiirka ayaa sheegay mudadii ay xilka haysay Xukuumadda Kulmiye ee Axmed Siilaanyo hugaamiyo in ay dalka waxbadani iska badeleen isla markaana ay mashaariico ka fulisay gobolka Togdheer ,taasi oo uu xusay in ay lacagtii Giinbaaru u horeysay ,waxaanu ku adkeeyay taageerayaasha Xisbiga Kulmiye in ay awooda saaraan sidii ay musharixiinta xisbiga ee Degmadda Burco usoo saari-lahaayeen iyagoo aqoontooda ku dooranaaya .

 

Badhasaabka gobolka Togdheer Cabdoo Axmed Aayar oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ku wargaliyay taageerayaasha xisbiga Kulmiye ee gobolka Togdheer in ay awooda saaraan sidii ay codkooda usiin lahaayeen 21-ka musharax ee golaha deegaanka Burco uga sharaxan kuwaasi oo uu xusay in ay khibrad aqooneed u leeyihiin hawsha ay u taaganyihiin ,waxaanu dadweynaha gobolka usoo jeediyay in ay dhinaca aminga kala shaqeeyaan ciidamada booliska .

 

Sidoo kale waxa iyana ka mid ahaa masuuliyiintii Kulmiye ee halkaasi ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee xisbiga Kulmiye Muj. Maxamed Kaahin Axmed ,Xil. Cali ********* ,Guddoomiyaha Kulmiye ee gobolka Togdheer iyo musharixiinta golaha deegaanka Burco u taagan ee xisbiga Kulmiye waxaaney dhamaantood ka xogwarameen awooda xisbiga Kulmiye ee gobolka Togdheer ,waxyaabihii uu qabtay dhawrkii Sano ee uu xilka hayay iyo himilooyinkiisa danbe ,waxaaney u mahad-naqeen sida ay taageerayaasha Kulmiye sida ay cududooda u muujeyeen.

 

Banaanbaxan taageerayaasha Kulmiye maanta ka dhigeen magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa ahaa kii ugu balaadhnaa ee ay ururadda siyaasadu Burco ka dhigaan Sedexdii cisho ee uu socday Kaambaynka doorashadda golaha deegaanka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Its not a registered vote like in 2010 so people present in Somaliland are able to vote if they go there for a holiday during the election season. How ever if they are from the diaspora they need to show their Somaliland ID card or Somaliland passport than they have a chance to vote. But you cant vote from America or the UK or Australia.

 

Ucid

Dalsan

Umada

Wadani

Kulmiye

Xaqsoor

 

These are the parties only 3 will go through and become actual legitimate Somaliland parties.

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is a beautiful political culture which other Somalis need to replicate ...and I am serious about this.

 

Kaftan Dhable: problem is as beautiful as this exercise is the overall separatist climate surrounding it tends to suck the oxygen out of it. It ultimately makes this seemingly democratic aspiration a mere veneer with no tangible political stability.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Not funded by the state funded privately sometimes other sponsors this time only 3 will become the new legitimate parties of Somaliland.Well its kinda difficult UCID is a more socialist/islamist party kulmiye and udub didn't group them selves as left or right like in the west. Wadan is ultra rightwing nationalist party.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The Second phase of Kulmiye rally

 

Wednesday, November 7th, 2012 | Posted by admin

Dabaaldagii Maalinta Ololaha Ee Xisbal-xaakimka KULMIYE Oo Noqday Tusaale Wanaagsan+SAWIRO.

Nov 7,2012 Borama(Cadceed) – Magaalada Boorama ee xarunta gobalka Awdal waa ay ka duwanayd maalmihii la soo dhaafay, iyada oo ay musharixiinta iyo taageerayaashoodu isugusoobaxeen guud ahaanba degmooyinka kaladuwan ee gobalka Awdal, maanta Boorama waxaa laga dareemaayay olole cusub oo nadaafadeed oo ay isugu soo baxeen dadweynaha kaladuwan ee taageersan musharixiinta iyo xisbalxaakimka Kulmiye.

Hadaba halkan ka daawo muuqaaladii maanta ee xisbal xaakimka kulmiye iyo sidii uu Boorama ugu itaalsheegtay axsaabta isu dhererisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Freedom of expression at its best, as said others should learn from it. I may reiterate the remoteness and illusiveness of this dogmatic secessionism will hunt down the aspirations of these masses many years to come. Leaders of the enclave have to adjust the political oscillation of the nation.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this