Sign in to follow this  
Dr_Osman

President Farole On A 1 Million Livestock Immunisation Jihad. PICS + VIDEO

Recommended Posts

Dr_Osman   

Talaalka Xoolaha Puntland

22 Oct 22, 2012 - 3:28:43 AM

 

GAROWE ONLINE

 

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole ayaa maanta 22 October,2012 ka qaybgalay munaasabad lagu daahfurayey talaalka Xoolaha Puntland.

 

Xarunta Wasaarada Xanaanada Xoolaha Puntland ee Garowe ayaa lagu qabtey waxana ka soo qaybgalay wasiirka ,ku xigeenadiisa ,wasiiro kale oo ka socdey Xukuumadda ,dhakhaatiirta baxaysa ,saxaafada iyo marti kale.

 

Hayada Cuntada iyo Beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobey ee FAO ayaa mashruucan dhaqaalihiisa bixineysa oo ay fulineyso wasaaradu ,waxana gobollada iyo deegaanada Puntland u baxaya kooxo dhakhaatiir ah si ay u soo talaalaan xoolaha.

 

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Puntland Siciid Xasan Shire ayaa sheegey in 60 dhakhaatiir ay u bixi doonaan dhamaan deegaanda si looga talaalo xoolaha cudurka Sanbabka loo yaqaan.

 

Waxa uu raaciyey wasiirku in ku dhowaad Hal malyan yihiin xoolaha loogu talo galay barnaamijkan in la daweeyo ,isagoona 20 maalmood ku mudeeyey.

 

Madaxweyne Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Farole oo soo xirey xafladan ayaa muujiyey farxadiisa ka soo qaybgalka barnaamijkan oo uu sheegey inuu yahay muhiim maadaama xoolaha ay Somalida dhaqalaha iyo noloshooduba ku xirantahay.

 

Dhakhaatiirta baxaysa ayaa madaxweynuhu ku booriyey inay tagaan deegaanada ka baxsan wadooyinka islamarkaasina qalabka isgaarsiinta loogu diro fariimaha talaalka si xoolaha ay u keensadaan.

 

Madaxweynuhu waxa uu sheegey in dhakhaatiirta soo baratay caafimaadka xoolaha ay dowladiisu mudnaan gaar ah siisey ,sidoo kalena ay la mid yihiin Dhakhaatiirta dadka ,Injineeradu iyo akaadamiyaha booliska oo dhamaan marka ay ka soo qalin jebiyaan si toos ah dowladu u shaqaaleyso.

 

Hayada FAO oo barnaamijkan wada ayuu u mahadceliyey Dr.Farole raaciyeyna in lala xisaabtami doono hayada caalamiga ah ee Puntland oo uu qalinka ku duugey inay kala tashiilaan dhaqaalaha caalamku ugu deeqo Somalia.

 

DF Somalia iyo Puntland ayuu cadeeyey madaxweynuhu inay ka baxeen KMG-nimadii islamarkaasina toos ula xiriiri doonaan deeq bixiyaasha caalamka mashaariicda horumarineed iyo kuwa gargaarka ah.

 

Ugu danbeyntii ayaa Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud waxa uu bilaabey talaalka oo ridii ugu horeysey loo keeney ,waxana la filayaa in maalinka beri ah dhamaan kooxahan dhakhaatiirta ahi u kala baxaan deegaanada Puntland.

 

IMG_6349.JPG

IMG_6305.JPG

IMG_6307.JPG

IMG_6268.JPG

IMG_6274.JPG

IMG_6276.JPG

IMG_6287.JPG

IMG_6338.JPG

IMG_6342.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Dr_Osman;882497 wrote:

IMG_6342.JPG

War ninkaan Faroole ah yaa ridan maskiintaa ka qabta. :DSoomaalida waagii Geeddi ay rabeen inay u dhammeeyaan baa rumour lagu soo geliyey inuu xilligii dowladdii kacaanka ee dhacday, Libaax Madaxtooyada joogay inta duray uu dhintay. I know inaysan taasi dhicin balse hadda Faroole amaa sidaas oo kale maad looga sameeyaa...Other than that it is good to see some projects that improves animal husbandry,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this