Dr_Osman Posted October 23, 2012 Talaalka Xoolaha Puntland 22 Oct 22, 2012 - 3:28:43 AM GAROWE ONLINE Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole ayaa maanta 22 October,2012 ka qaybgalay munaasabad lagu daahfurayey talaalka Xoolaha Puntland. Xarunta Wasaarada Xanaanada Xoolaha Puntland ee Garowe ayaa lagu qabtey waxana ka soo qaybgalay wasiirka ,ku xigeenadiisa ,wasiiro kale oo ka socdey Xukuumadda ,dhakhaatiirta baxaysa ,saxaafada iyo marti kale. Hayada Cuntada iyo Beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobey ee FAO ayaa mashruucan dhaqaalihiisa bixineysa oo ay fulineyso wasaaradu ,waxana gobollada iyo deegaanada Puntland u baxaya kooxo dhakhaatiir ah si ay u soo talaalaan xoolaha. Wasiirka Xanaanada Xoolaha Puntland Siciid Xasan Shire ayaa sheegey in 60 dhakhaatiir ay u bixi doonaan dhamaan deegaanda si looga talaalo xoolaha cudurka Sanbabka loo yaqaan. Waxa uu raaciyey wasiirku in ku dhowaad Hal malyan yihiin xoolaha loogu talo galay barnaamijkan in la daweeyo ,isagoona 20 maalmood ku mudeeyey. Madaxweyne Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Farole oo soo xirey xafladan ayaa muujiyey farxadiisa ka soo qaybgalka barnaamijkan oo uu sheegey inuu yahay muhiim maadaama xoolaha ay Somalida dhaqalaha iyo noloshooduba ku xirantahay. Dhakhaatiirta baxaysa ayaa madaxweynuhu ku booriyey inay tagaan deegaanada ka baxsan wadooyinka islamarkaasina qalabka isgaarsiinta loogu diro fariimaha talaalka si xoolaha ay u keensadaan. Madaxweynuhu waxa uu sheegey in dhakhaatiirta soo baratay caafimaadka xoolaha ay dowladiisu mudnaan gaar ah siisey ,sidoo kalena ay la mid yihiin Dhakhaatiirta dadka ,Injineeradu iyo akaadamiyaha booliska oo dhamaan marka ay ka soo qalin jebiyaan si toos ah dowladu u shaqaaleyso. Hayada FAO oo barnaamijkan wada ayuu u mahadceliyey Dr.Farole raaciyeyna in lala xisaabtami doono hayada caalamiga ah ee Puntland oo uu qalinka ku duugey inay kala tashiilaan dhaqaalaha caalamku ugu deeqo Somalia. DF Somalia iyo Puntland ayuu cadeeyey madaxweynuhu inay ka baxeen KMG-nimadii islamarkaasina toos ula xiriiri doonaan deeq bixiyaasha caalamka mashaariicda horumarineed iyo kuwa gargaarka ah. Ugu danbeyntii ayaa Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud waxa uu bilaabey talaalka oo ridii ugu horeysey loo keeney ,waxana la filayaa in maalinka beri ah dhamaan kooxahan dhakhaatiirta ahi u kala baxaan deegaanada Puntland. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted October 23, 2012 Dr_Osman;882497 wrote: War ninkaan Faroole ah yaa ridan maskiintaa ka qabta. :DSoomaalida waagii Geeddi ay rabeen inay u dhammeeyaan baa rumour lagu soo geliyey inuu xilligii dowladdii kacaanka ee dhacday, Libaax Madaxtooyada joogay inta duray uu dhintay. I know inaysan taasi dhicin balse hadda Faroole amaa sidaas oo kale maad looga sameeyaa...Other than that it is good to see some projects that improves animal husbandry, Quote Share this post Link to post Share on other sites