Sign in to follow this  
Dr_Osman

Galkayo Mayor Officially Opens The New Sugulle Resort. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

Compound Casri ah oo Laga furey Magaalada Gaalkacyo(Sawiro).

20/10/2012 | Filed under: Somali News | Posted by: Saacid Yare

 

Magaaladda Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa lagu soo kordhiyay Compound Casriya ah , kaasoo loogu tala-galay innay ku nastaan Martida, Madaxda iyo Dadweynaha kale ee ku nool Magaaladda.

 

Xaflad Balaaaran oo xariga loogaga jarayo Campoun-kan ayaa waxaa habeenimadii xalay lagu qabtay gudaha Magaalada Gaalkacyo.

 

Compound–kan oo lagu magacaabo Sugulle ayaa waxaa xalay Xariga ka jaray Duqa Degmadda Gaalkacyo Korneyl Siciid Cabdi Faarax, waxaana ka soo qeyb-galay,Gudoomiyaha Gobalka Mudug Maxamed Yusuf Jaamac ”Tigeey”,Aqoonyahano,Odayaal,Haween,Dhalinyaro iyo Ganacsato.

 

Gudoomiyaha Gobalka Mudug ”Tigeey” ayaa mar uu halkaasi ka jeediyay hadal waxa uu sheegay in Magaaladda Gaalkacyo ay u baahneyd ”Compound Sugulle” isagoo xusay innay tahay meel aad u qaboow oo intii ay joogeen indhuhu ku doogsadeen.

 

”Waxaan u aragnaa Sugulle Compound meel lagu nasto loona dalxiis tago oo ku soo siyaaday Magaaladda Gaalkacyo,waxaana ay iila muuqataan meel aan u soo kala hormari doono!!”ayaa ka mid ahaa hadalada gudoomiyaha Gobolka Mudug.

 

Sugulle Compound ayaa ku yaalla duleedka Magaaladda waxaana uu ka koobanyahay Hotel, Cafateria, Restaurant, Super Market, Parkin aad u weyn iyo goobo lagu nasto oo aad u quruxbadan.

 

Goobtan ayaa waxaa aas aasay ganacsade ka soo jeeda gobolka mudug waxaanay qeyb ka noqoneysaa Horumarka gobolka dhinaca ganacsiga.

 

–Barta ay dhacdo Xeradda Sugulle

 

-Sugulle Compound is in Galkayo,Puntland,Somalia,with Global Coordinates N6’47”56x E 47’25”15.

-Sugulle Compound wuxuu ku fadhiyaa dhul dhan 6200 M2,wuxuuna leeyahay Hawo Saafiya iyo mid furan oo Nafta uroon.

-It is located in a prime area in the Northern suburban part of the city,along Galkayo-Garowe Highway just opposite Dhagacade Hospital.

-21 Qo oo Deganaansho oo mid kasta leeyahay Washroom,Bathroom iyo Hawo Nadiif ah.

-Waxaad ka helaysaa Maqaaxi cuno iyo biibito ku qancindoona.

-Waxaad ka helaysaa Suuq-yare baahidaada kuu fududeeya.

-Waxaad ka helaysaa Qudaar noocyo kala duwan leh.

-Biyo la nadiifiyay oo ceel ku yaalla laga soo saarayo.

-Biyo-gelin si dhamaystiran loo geliyay dhamaan xeradda.

-Korontadda ku xiran waa 24-Saac 7-Maalmood ee Asbuuca.

 

1camp-1.jpg

1camp-2.jpg

1camp-5.jpg

1camp-6.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this