Sign in to follow this  
Saalax

Kaluumeysatada Dalka Iran Oo Dhibaato Xoogan Ku Haya Biyaha Puntland

Recommended Posts

Saalax   

Kaluumeysatada Gobolada Bari iyo Bariga Sanaag ayaa xeebaha Puntland ku soo xirey dhamaan gaadiidkii ay ku kalmuuysan jireen, kadib markii ay dhibaato xoog badan ka soo foodsaarey Doonyo aad u dheereeya oo laga lee yahay dalka IRAN kuwaas oo jariif iyo boob ku haya kheyraadka Kalluunka.

 

Maxamed Cabdi Shirwac oo ah guddoomiye kuxigeenka iskaashatada, ayaa BBC-da u sheegay in Doonyaha Iran laga lee yahay ay ku jiraan ilaa Qandala ilaa Laasqorey, waxaana ay isticmaalayaan khibrad aad u saraysa, qalab casri ah iyo weliba shabaagyo mamnuuc ah oo gaarey 18 km kuwaas oo aan waxba reebayn.

 

Doonyahan ayaa la sheegay in ay yihiin kuwo hubeysan, oo markii ay helaan shatiga oggolaanshaha waxay isku ilaashaan hubka darandooriga u dhaca.

 

Kaluumeysatada Puntland oo aan haysan qalab casri ah ayaa hadda isaga baxay badda waxaana ay uga baxeen dad shisheeye ah in ay gurtaan Kalluunkii rabbi ku manaystey baddahooda.

 

Doonyaha yaa soo gashey Badda?

 

Agaasimaha guud ee Kaluumeysiga Puntland Cabdiwaaxid Maxamed Xirsi Joocaar ayaa idaacada SBC u sheegay in ay jirto Doonyo badan oo ajaanib leedahay oo faro ba’an ku haya xeebaha Puntland, sidoo kale waxa uu qirey in ay jirto tiro yar oo ay siiyeen oggolaansho, laakiin waxa uu eedeyn u jeediyey qaar kamid ah ganacsatada kuwaas oo badda soo geliyey doomaha shisheeyey.

 

Horseed Media ayaa ogaatey in ganacsatada soo gelisey doomaha badan ay yihiin reer Puntland kuwaas oo xiriir ddaw la leh Madxtooyada Garowe, waxaana mid kamid ah ku sugan yahay dalka Imaaradka carabta isaga oo ahaa nin muddo dheer hawlahaas ka shaqeysan jirey, kuwa kale ayaa ku sugan gudaha Puntland, waxaana ay xiriir dhaw la leeyihiin Madaxtooyada iyada oo qaarkood horey uga qaateen Qandaraasyo dekadda Bosaso wax looga qabanayey.

 

Ganacsatada ayaa ka hela lacago faro badan Doonyaha Iiraaniyiinta, sidoo kale waxaa Horseed Media ogaatey in maamulku dusha ka ilaalinaayo saamina ay ku leeyihiin shatiyada faraha badan ee la siiyey doomaha.

 

Maamulka Faroole ee Puntland ayaa marka ay ka hadlayaan Burcadbadeeda ku xira in ay ka dhasheen Kalluumeysiga sharci darrada ah, loona baahan yahay in wax laga qabto laakiin waxaa dadku is weydiinayaa 250 doonyood oo hubeysan oo shabaakta ay dhigayaan ay gaareyso midkiiba 18km, sababta loo siiyeen ruqsadaha, isla markaana loogu ogolaadey in ay hub isticmaalaan, iyaga oo iskaashatadii kaluumeysiga ee Gobolka Bari banaanka ka joogto Badda.

 

Kalluunka ayaa ah kheyraadka labaad ee rabbi ku manaystey Soomaaliya, waxaana muddooyinkii danbe hoos u dhacay suuqa Kalluunka iyada oo labo wershadood laga hirgeliyey deegaanada Puntland kuwaas oo mararka qaarkood u fariista yaraanta Kalluunka badda laga helaayo, sababna ay u tahay Jariifka ka socda Badaha Puntland.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this