Sign in to follow this  
Saalax

Burburkii Dimuquraadiyadii Soomaaliya, Hanaqaadkii Xukunka Militariga iyo Dhaxalkii Dagaalka Sokeeye

Recommended Posts

Saalax   

Burburkii Dimuquraadiyadii Soomaaliya, Hanaqaadkii Xukunka Militariga iyo Dhaxalkii Dagaalka Sokeeye.

 

Rol5m.jpg

 

Maanta oo Taariikhdu ku beegan tahay 21ka Oktoober ayaa ah xiligii xukunka dalka Soomaaliya ay la wareegeen ciidamada Qalbka Sida oo uu hogaaminayey Taliyihii ciidamada Gen.Maxamed Siyaad Barre (AUN), wakhtigaasi oo hada kasoo wareegtay 43 sano.

 

Jamhuuriyadii Soomaaliya oo xoriyada ka qaadatay dalalkii Gumeysan jiray ee Talyaaniga iyo Ingiriiska, taariikhdu markay ahayd 1960kii ayaa kamid ahayd wadamadii ugu horeeyey ee Dimuquraadiyada ah ee ka dhasha Qaarada Afrika, ayadoo dimuquraadiyadaasi ku dhisneyd habka xisbiyada iyo Baarlamaaniga, kuwaasi oo lagu soo dhisay maamuladii sida doorashada ah isu bed bedalay ee kala hogaamin jireen Aadan Cabdulle Cismaan iyo Dr.Cabdirashiid Cali Sharmaarke, illaahay labadaas halyey ha u naxariistee.

 

m6Gc3.jpg

 

Inkastoo maamuladaasi ay ahaayeen kuwo ay xoog ku lahayeen xisbigii SYL ee usoo halgamay xoriyad doonka waxaa sidoo kale jiray xisbiyo badan oo dalka Soomaaliya ka furmay kuwaasi oo loola dhanka siyaasada ah ku jiray, ayadoo Doorashooyinka Baarlamaanka ee ka dhici jiray degmooyinka dalka Soomaaliya ay ahaayeen kuwo tusaale u noqday wadamo badan oo Afrikaan ah inay ku daydaan.

 

Waxaa sidoo kale jira dhaliilo badan oo maamuladaasi Rayidka ah loo jeedin jiray sida arrimaha Musuq maasuqa, balse waxay ahaayeen maamulo si nabad ah xilalka ulla kala wareegi jiray isla markaana shacabku wuxuu lahaa xoriyad uu wax ku dhaliilo ama wax ku taageero.

 

ALB0x.jpg

 

15kii Oktoober 1969kii oo ahayd maalin madow oo soo martay Taariikhda Soomaaliya, kadib markii magaalada Laascaanood lagu dilay Madaxweynihii Jamhuuriyada Dr.Cabdirashiid Cali Sharmaarke, xili uu ku jiray kormeer uu ku marayey dhulkii ay saameyeen Abaarihii sanadkaasi ka dhacay dalka ayaa waxaa khal khal iyo rajo xumo ku timid nidaamkii dimuquraadiga ahaa ee muddada soo shaqeenayey.

 

Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa la aasay 20kii Oktoober ayadoo aaskiisa dib loogu dhigay si ay uga soo qeyb galaan Madaxda Caalamka iyo waliba Raysalwasaarihii dalka Soomaaliya Maxamed Ibrahim Xaaji Cigaal (AUN) oo xiligaas safar shaqo ugu maqnaa dalka Maraykanka.

 

21kii Oktoober 1969, Kadib Aaskii Qaran ee Madaxweyne Cabdirashiid waxaa saqdii dhexe habeenimadii ay soo galeysay 21kii Oktoober dalka la wareegay ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya oo uu hogaaminayo Taliyahooda Maxamed Siyaad Bare (AUN), kuwaasi oo ku dhawaaqay Inqilaab aan dhiig ku daadan, walow dad badan aaminsan yihiin in Militariga iyo mas’uuliyiin dowlada kamid ah ay lug weyn ku lahayeen abaabulka iyo qorshihii lagu dilay Madaxweyne Dr.Cabdirashiid Cali Sharmarke.

 

 

Xukuumadii Militariga iyo Tilaabadii ugu horeysay

 

Ciidamadii Inqilaabka kula wareegay dowladii Rayidka ahayd ee Soomaaliya, ayaa ku dhawaaqay inay dhiseen Golaha Gudiga Kacaanka, kuwaasi oo ka koobnaa xubnihii sar sare ee Militariga, waxna kasoo qorsheeyey Inqilaabka.

cxXyU.jpg

 

ilitariga ayaa sidoo kale XABSIGA dhigay Madaxdii Qaranka Soomaaliya oo ay kamid ahaayeen:

 

1- Raysalwasaarihii xiligaasi Allaha u naxariisteen Maxamed Ibraahim Cigaal iyo dhamaan Golihiisii Wasiirada

 

2- Madaxweynihii hore Allaha u naxariisto Aadan Cabdulle Cismaan

 

3- Guddoomiyihii Baarlamaanka Soomaaliya Allaha u naxariisto Shiikh Mukhtaar

 

4- Iyo dad kale oo badan oo kamid ahaa xisbigii SYL iyo Siyaasiyiin Rayid ah oo aan xiligaa dowlada ku jirin

 

Waxaa sidoo kale lasoo saaray Labadii warqadood ee Militariga ku bedaleen Dastuurkii Qaranka Soomaaliyeed loo sameeyey 1960kii oo ah midka hada laga soo minguuriyey Dastuurka Federaalka ee la ansixiyey sanadkan aan ku jirno ee 2012ka.

 

Kadib laalidii Dastuurka Soomaaliya, waxaa militariga uu dhisay dowlad isugu jirta Saraakiil militari iyo Aqoonyahano Rayid ah.

 

0A3Tz.jpg

 

Kadib laalidii Dastuurka Soomaaliya, waxaa militariga uu dhisay dowlad isugu jirta Saraakiil militari iyo Aqoonyahano Rayid ah.

 

 

Gen.Maxamed Siyaad Barre (AUN)

1- Dhamaan Xisbiyada dalka ka jiray oo albaabada loo laabay

2- Banaanbaxyada

3- Shirarka Gaarka ah

4- Waxaa la xanibay Khudbooyinkii Masaajidada Maalinta Jimcaha oo la sheegay inay ay fasixi karto oo kaliya Wasaarada Garsoorka iyo cadaalada iyo qodobo kale oo lagu xakameenayey dhaq dhaqaaqa shacabka.

 

Muddo kadib Waxaa la dhisay Xisbiga HANTI WADAAGA KACAANKA oo u jeen jeeray siyaasada Hantiwadaaga, dalka Soomaaliya ayaana markaasi la sheegay in lagu dabakhay HANTI WADAAGA cilimiga ku dhisan.

 

Waxaana wakhti danbe gadaal laga dhisay Golaha Deegaanka iyo Golihii Shacabka.

 

Dhanka kale waxay xukuumada Qarameysay dhamaan Shirkadihii Ajnabiga ahaa iyo Bangiyadii ka jiray dalka Soomaliya.

 

 

 

Siyaasada Arrimaha Dibada

 

Dowlada Militariga ayaa xoojisay siyaasadoodii u jeen jeentay dhanka Wadama Hantiwadaaga xiligii uu socday dagaalkii Qaboobaa (The Cold War) ee u dhaxeeyey Reer Galbeedka iyo wadamada Hantiwadaaga ah.

 

 

Waxyaabihii lagu amaanay Dowladii Militariga

 

1- Qoridii farta Soomaaliya oo la hirgeliyey

2- Bacaad celinta Shalambood

3- Dib u dejinta dadkii ku sabooloobay Abaartii Dabo-dheer

4- Barnaamijyadii Dhiiri -gelinta Beeraleyda iyo Kaluumeysata

5- Xoojinta Awooda Militari ee dalka, taasoo soo dedejisay dagaalkii 1977kii.

 

 

[/b]1975 Siyaad Barre iyo Culumadii Soomaaliya[/b]

Culimo Soomaaliyeed ayaa ka dhiidhiyeen sharci ay soo rogtey xukuumadii Siyaad Barre ; sharcigaas oo ka hor imaneyey Qur’aanka (Xukunka Allah).

 

Maadaama ay dadka Soomaaliyeed oo 100% muslim sunni ah u cuntami weydey xukunkaas ayey culimadu gadoodeen; waxaana loogu jawaabey in toban culimadii ka mid ah lagu xukumay dil; waxaana culimadaas Muqdisho lagu toogtey 23/1/1975.

 

8CTGZ.jpg

 

 

1977 Dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya

 

Dagaalkaasi oo ay Ciidamada Soomaaliya Guulo ka keeneen bilowgiisa, ayaa markii danbe isu bedalay burbur xoogleh oo ku yimid Awoodii Militari ee Soomaaliya, kadib markii wadamada Hantiwadaaga ay la safteen Dowladii Shuuciga ahayd ee Mingiste ee ka jirtay Itoobiya.

 

Waxay arrintan keentay in ciidamo caalami ah oo ka socda Cuba, Yemen iyo Bariga Jarmalka lagu soo xoojiyo Ciidamadii la jabiyey ee Itoobiya.

 

 

Niyadjabkii ka yimid dagaalkaasi 1977dii ayaa keentay in Madaxda sare ee Militariga ay shaki ka qaadaan Saraakiishii dagaalka ka soo noqoneysay inay ayagu inqilaab ku sameeyaan waxaana dil toogasho ah lagu xukumay in badan oo kamid ah Saraakiishii Soomaaliyeed ee dagaalkaasi kasoo noqotay, halka qaar kalena la xiray.

 

Inqilaabkii Dhicisoobay ee 1978dii

Abriil 9, 1978 – Waxaa dhicisoobey Inqilaab lala maaganaa in lagu rido xukuumadii Siyaad Barre. Waxaana la toogtey 17 kamid ahaa ragii inqilaabka lagu tuhmay oo uu kujirey Col. Maxamed Sheekh Cismaan oo ahaa hogaaminayey Inqilaabka. Xilligaas ayuu Cabdullaahi Yuusuf Axmed ka baxay Soomaaliya maadaama uu kamid ah raggii ku jirey fulinta Inqilaabkaas.

 

Inqilaabku wuxuu ku qorshaysnaa inuu dhaco April 12, 1978, laakiin wuu ka soo hormaray oo wuxuu dhacay taariikhdu markay ahayd April 9, 1978 waana uu dhicisoobay.

 

 

3erZd.jpg

 

September 1978 – Col. Cabdullaahi Yuusuf oo kamid ahaa Saraakiishii Ciidamada Soomaaliya Hogaaminayey dagaalkii 1977, ayaa asaasay mucaaradkii ugu horeeyay ee si toos ah ulla dagaalama xukunkii Militariga, waa jabhadii (SSF) taas oo bishii Oktoober 1981 isu bedeshey (SSDF), jabhadaasi ayaa ahayd mid soo shaqeenaysay illaa dhismihii Maamulka Puntland ee 1998-dii laga dhisay gobaladii Waqooyi Bari, Sool, bariga Sanaag iyo Degmada Buuhoodle ee gobalka Togdheer.

 

[Abriil 1981 waxaa la aasaasay Jabhadihii SNM. Jabhadan ayaa soo shaqeenaysay illaa sanadkii 1991-dii la markii la dhisay

Soomaaliland oo xooreeyen.

NSMxx.jpg

 

1989kii waxaa la aasaasay Jabhadii USC. Jabhadan ayaa ahayd midii fursada u heshay inay gacanta ku dhigto magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya iyo xarumihii ugu muhiimsanaa Dowlada oo ay ku jiraan kuwii militariga iyo Kaydkii hubka Qaranka Soomaaliyeed, walow ay ku guuleysan weysay inay dhisto wax maamul ah.

 

GS9rS.jpg

 

Dhamaan Jabhadahan oo siyaasado kala duwan watay ayaa hal mid ku mideysnaa, taasi oo ahayd in xukunka ka tuuraan Xukuumadii Maxamed Siyaad Barre.

 

Bixitaankii Siyaad Barre ee Muqdisho

 

[/b]27kii Janaayo 1991[/b] - Maxamed Siyaad Barre ayaa ka baxay Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho. Waxaa xiligaasi si rasmi ah u bilowday Dagaalkii Sokeeye ee dalka Soomaaliya, kadib markii Jabhadihii dalka qabsaday ay hanan waayeen dhismo maamul Soomaali oo dhan ay u dhanyihiin.

 

2GSyy.jpg

 

Hussein Farah

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this