Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland President Axmed Siilaanyo surprises reer gabiley with a visit+PICS

Recommended Posts

Madaxweyne Siilaanyo Oo Maanta Salaadii Jimcaha La Tukaday Dadweynaha Reer Gebiley + Sawiro.

 

Hargeysa (Ramaas) Okt.12, 2012 - Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta Salaadii Jimcaha waxa uu la tukaday Mushtamaca Reer Gabiiley oo uu madaxweynuhu si lama filaana ugala qayb galay salaadii Jimce halkaas oo uu kula tukaday masjid jaamaca magaalada gabiley.

Madaxweynaha oo aan wadan wax baabuur ciidan ah ama Baabuurtiisa Khaaska ah balse, wata Laba gaadhi oo shiciba ah ayaa mar keliya ay dadkii masjidka ku tukanaayey ku baraarugeen iyaga oo markii salaada laga soo baxay isugu soo ururay Barxada weyn ee Masjidka, si ay indhaha uga qaadaan ama ay u rumaystaan in uu madaxweynihii Jamhuuriyada Somaliland isaga oon wadan wax ciidan ah ama ilaalo gaar ah marka laga tago 4 Askari oo markaa ka muuqday agagaarka Masjidka uu la tukaday manta.

 

Dadkii isugu soo baxay barxaadaasi masjid ayaa waxay ku dhawaaqayeen soo dhawow madaxweyne kuna soo dhawow Gobolka Gabiley, oo aad maanta nagula tukatay, adiga oo aan wadan baabuur badan iyo ciidana waxay na tusaysaa inaad tahay madaxweyne dadkiisa Jecel anaguna waanu ku jecelnay madaxeweyne ee ku soo dhawow Gobolkaagaaga

Hadaba waxa Madaxweynaha kulankan ku wehelinaayey Wasiirka Madaxtooyada JSL, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, Taliyaha Ciidanka Booliska General Cabdilaahi Fadal, iyo Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland General Faysal Kaamil Ciise.

 

Madaxweynaha oo ku soo laabtay Caasimada Hargeysa, Salaadii jimce ka dib waxa uu soo maray Xabaal wadareedyada dooxa Abaarso ee xasuuqii siyaad bare uu kula kacay Shacbiga reer Somaliland oo uu madaxweynuhu soo kormeeray, kuna soo arkay kuwo daadku soo faqay iyo kuwo lahelayba.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I thought so, too, at first, but that's not Haji Abdi Warabe. This gentleman must be one of the elders of the Gabiley region. He has a similar henna-dyed beard and wears his 'cumaamad' in similar traditional style. He should lose the Khaleej robes, though.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this