Sign in to follow this  
Dr_Osman

3 Presidents All Sleeping In Baraxlay. Who Rules Galmudug. Dood Furan With Dr_Osman Live

Recommended Posts

Dr_Osman   

qstlmfje8htbid2w3r3ag5psjxkdt2sc-300x192

 

Sedex Madaxweyne oo Galmudug Leedahay oo Xalay Koofurta Gaalkacyo ku wada Hoyday

 

October 10, 2012 08:15 2 Comments

 

Koofurta Magaalada Galkacyo oo ah Xarunta Maamulka Galmudug ayaa waxaa ku wada sugan 3 Masuul oo midba dhankiisa sheeganaya in uu yahay Madaxweynaha Xaqa ah ee Maamulka Goboleedka Soomaaliyeed Galmudug.

 

Maxamed Axmed Caalin, oo ah Madaxweynihii Hore ee Maamulka Galmudug ayaa shalay gaaray Koofurta Magaalada Galkacyo Waxaana halkaasi ku soo dhoweeyay qaar ka tirsan Maamulkiisa iyo Taageerayaashiisa.

 

Sidoo kale Mudane Caalin ayaa sheegay in uu weli yahay Madaxweynaha Rasmiga ah ee Maamulka Galmudug, inta dadka ku abtirsado Galmudug ay soo dhisanayaan Maamul loo Wada dhanyahay.

 

Maxamed Axmed Caalin, ayaa sidoo kale ka digay in Maamulka Galmudug ay isku Koobaan Hal Been, waa sida uu Hadalka u dhigay.

 

Sidoo kale Koofurta Galkacyo oo ah Xarunta rasmiga ah ee Maamulka Galmudug ayaa Todobaadkii hore waxaa gaaray Wafdi uu Hogaaminayay Maxaned Cabdi Tima kala Jeex oo isna dhankiisa sheegtay in uu yahay Madaxweynaha Rasmiga ee Maamulka Galmudug.

 

Taageerayaal Fara Badan ayaana Todobaadkii Hore waxa ay ku soo dhoweeyeen Koofurta Magaalada Galkacyo.

 

Si kastaba ha ahaate Cabdi Xasan Cawaale (Qeybtiid) oo isna dhankiisa aaminsan in uu yahay Madaxweynaha Rasmiga ee Maamulka Galmudug , ayaa shalay waxa uu ka digay in Maamulkiisa uu Gacan bir ah ku qaban doono Cid kasta oo isku dayda in ay qal qal galisa Amaanka Deegaanada Hoos yimaado Maamul Goboleedka Galmudug.

 

Mudane Cabdi Qeybdiid ayaa Xil wasiirnimo waxa uu ka soo qabtay Xukuumadii Cumar Cabdirashiid, sidoo kale waxa uu mar soo noqday Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyed.

 

Mr. Qeybdiid ayaa waxa uu ka mid ahaa Hogaamiye Kooxeedyadii laga Awood Roonaaday ee mar ka Talin jiray Magaalada Muqdisho.

 

Koofurta Galkacyo Haatan waxaa ka jira Jahwareer siyaasadeed, iyadoo laga Cabsi qabo in ay isku dhacaan Taagerayaasha 3 Madaxweyne ee ku wada sugan Koofurta Magaalada Galkacyo.

 

Cabdiqani Cali Dalmar

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Apophis do you think this may cause problems having 3 presidents in one xafaad or do you think the cooler heads in baraxlay will save the day

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

I heard they are all sleeping in houses next to each other, Caalin in his sleep is saying 'God help me', Qeybdiid is mumbling 'No killing', Timo kala jeex is just sleeping.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

This is why I like Mudugian fadhiku dirir. :D

 

So who of the three cousins is the head of the family. I say let the aunties decide who their favourite cousin is.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Sidaa ku kala saarna 3 Madaxweyne ee ilmadeerka ah? Back in the days when I was a kid fighting my cousins Abtiyo or Abtiyo used to act as

an Arbiter. Who is Abtiyo in this case or Ayeeyo?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Taleexi;878825 wrote:
Ann gar lihi, adna gar lihid.

Lol:D

 

Carafaat;879008 wrote:
Sidaa ku kala saarna 3 Madaxweyne ee ilmadeerka ah?

Carafaat, ma maqashay ninkii raaya baa reerka u hari?:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this