Xaaji Xunjuf Posted October 8, 2012 Wafti ka socda Raskanboni oo Addis ababa kula kulmey Cabdi iley Wafdiga ururka Raaskaanbooni ayaa waxaa hogaaminayey Macalin Maxamed Ibraahim iyo madaxda arrimaha dibada ururka Mukhtaar Sahal ,kulankaas oo ka dhacay Hotel Gion ee magaalada Addis Ababa. Madaxweyne Cabdi Maxamed Cumar ayaa sheegay in ay si fiican u soo dhoweynayaan maamulka loo samaynayo gobolada jubbooyinka, isla markaasna ay Ethiopia ay gacan weyn ka geysanayso ayna taageerayso maamul u samaynta deegaanka Jubbooyinka. Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sheegay in nabadgelyadu ay tahay shayga ugu muhiimsan Geeska Afrika , loona baahan yahay in la taageero, waxaana intaas ku daray in dowlada Ethiopia cid walba oo wanaag wax ku doonaysa lala shaqayn doono, wixii Qas iyo dhib wadana meel looga soo wada jeesan doono. Waa markii ugu horaysay ay Masuuliyiin ka tirsan ururka Raaskaanbooni ay safar Shaqo ku tagaan magaalada Addis Ababa, kuwaas oo howshoodu tahay siddii xiriir wada shaqayn ah ay ulla yeelan lahaayeen masuuliyiinta deegaanka Soomaalida , iyadoo si fiican loogu soo dhoweeyey dalka Ethiopia. Quote Share this post Link to post Share on other sites