Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Fierce fighting on the outskirts of baydhabo between Alshabaab Militians and Ethiopian troops

Recommended Posts

Dagaal culus oo Duleedka Baydhabo ku dhexmaray ciidamada Dowaldda Soomaaliya, kuwa Itoobiya iyo Xoogagga Al-shabaab

Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Ugu yaraan lix qof oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan ayaa ku dhintya dagaal culus oo deegaanka Goof-guduud ee duleedka Baydhabo ku dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Itoobiya iyo xoogagga Al-shabaab.

 

Dagaalkan oo markii hore u dhexeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Al-shabaab ayaa waxaa kusoo biiray ciidamada dowladda Itoobiya, waxaana dagaalku uu socday in ka badan laba saacadood oo xiriir ah.

 

"Waxaan ku dilnay dagaalka laba dagaalyahan oo Al-shabaab ka tirsan hubkoodiina waan ka qaadannay. Dagaalku wuxuu ahaa howgal ay ciidamadu sameynayeen," ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Bay ee dowladda Soomaaliya, Cabdifataax Geesey oo intaas ku daray inay kala eryeen xoogaggii Al-shabaab.

 

Xarakada Al-shabaab ayaa iyaduna guulo ka sheegatay dagaalka, iyadoo sheegtay inay ku dileen askar ka tirsan kuwa dowladda iyo kuwa Itoobiya, balse dhinac walba ma uusan sheegin khasaaraha kasoo gaartay dagaalka.

 

Goobjoogayaal ku sugan deegaanka Goof-guduud oo 20-km dhinaca Koonfureed kaga beegan degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegay inay arkeen maydadka lix qof oo dhinacyadii dagaalamay ka kala tirsan. Iyadoo deegaanka lagu dagaalamay ay ku sugan yihiiin ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya.

 

Dhanka kale, kooxo hubeysan ayaa ku toogtay bartamaha degmada Baydhabo nin la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada nabadsugidda dowladda Soomaaliya, iyadoo ciidamada dowladduna ay dilkaas u qabteen shan qof.

 

Magaalada Baydhabo oo 240-km kaga beegan Muqdisho dhinaca waqooyi-galbeed ayaa bishii Feberaayo ee sannadkan waxaa qabsaday ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya, waxayna noqotay degmadii ugu horreysay ee uu booqday madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this