Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Reer Galguduud welcome the new Prime Minister.

Recommended Posts

Dibadbaxyo Lagu Taageerayo Ra’iisal Wasaaraha Cusub Oo Ka Dhacay Galgaduud

 

Dhuusamarreeb (RBC Radio) Dibadbaxyo lagu taageerayo ra’iisal wasaaraha cusub ayaa maanta oo Axad ah waxa ay ka dhaceyn gobalka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, halkaasoo ay ka arrimiyaan Ahlu Sunna.

Boqolaal qof oo watay sawirka ra’iisal wasaaraha cuusb Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo calanka Soomaaliya ayaa isugu soo baxay magaalooyinka Dhuusamarreeb iyo Guriceel.

Waxa halkaas kula hadlay maamulka Ahlu Sunna kuwaasoo sheegay in ay ku faraxsan yihiin in nin ka soo jeeda ama ku dhashay gobalka Galgaduud loo magacaabo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

Waxa ay sheegeyn saraakiishii goobta ka hadlay in ay la shaqeyb doonaan ra’iisal wasaaraha cusub, waxana ay u rajeeyeen in uu soo dhiso golle xukuumad ka tayo wanaagan kuwii hore dalka u soo maray.

Ra’iisal wasaaraha cusub ee Jamhuuirada Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa ku dhashay magaalada dhuusamarreeb ee gobalka Galgaduud.

Qaar ka mid ahaa dadkii ka soo qeybgalay dibadbaxyada ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan ra’iisal wasaaraha cusub, waxana ay u rajeeyeen in uu alle u fududeeyo xilka loo magacaabay.

Dhinaca kale, magaalada Muqdisho waxa maanta ka dhacay kulamo lagu taageerayo ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaley u magacaabay Dr. Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, waa ganacsade ku noolaa dalka Kenya.

RBC Radio

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this