Jacaylbaro Posted October 7, 2012 Watch this space .... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted October 7, 2012 Jacaylbaro;877878 wrote: Watch this space .... That makes no sense. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted October 7, 2012 Uf qabiilka anaa leh, Wuxuun baa ku adeegta, N in iskii kartidiisa, Isagoon cid ku tiirsan, Isku taagi kareynin, Una haysta ateero, Ayaantuu dambi geystana, laga hoos galo eeda, Ayid waad is xigtaaniyo, Idinkaa isku reer iyo, Aqligii lixdankii, Maanta iib geli maayo, Sidaan aaminsanahayna, Abkuu doono ha sheegtee, Wuxuunbaa ehel ii ah, Dadka kaan af aqaano ee, Si wax iila arkaaya ee, Na midayso ujeedo ........................................................... Gaarriye Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted October 7, 2012 Rag haduu is af dhaafo aayatiina wadaago afkaa laysku gartaayee is afwaajiya maaha isu soo ura maaha Adigoo hebel diidan eryo reer hebel maaha isu weersada maaha udahaaga cun maaha ................................................. Abwaan Gaarriye Quote Share this post Link to post Share on other sites
Wiil Cusub Posted October 7, 2012 Hal-abuurka wanaagsan suugaantuu tiriyo ayaad ka dhex arki kartaa shaqsiyadiisii xataa haddii aanad aqoon gaara u lahayn. Waxaan odhan karaa gabaygu wuxuu daaqad kaa tusaa shaqsiyada iyo dabciga abwaanka curiyay. Tusaaale ahaan gabaygan Qasab kuma balwaynkaro. waxa uu si farshaxan leh uga arki kartaa abwaan Gaariye oo ku caan baxay xaq u dirir ka dhiidhiya dulmiga una hiiliya inta jilicsan, qarsina karin hadalkiisa. Wallee been ma qaayibo; Wallee gabay qardoofo ah Ama iga qandoodsama Qalbigaygu ma hollado. Wallee “qaaf” ujeeddo leh Qiimahayga kuma rido; Magac waa qasaanade Wallee qado ma dhaafsado. Sida uu gabaygan ku muujiyay waxay ahayd 1978 marka uu si cad u diiday munaafaqad iyo laba carablayn inuu kula socdo dulmi u muuqda magaciisa iyo wajigiisuna ay wax kasta uga qaalisanyahiin Wallee qalin-daraalaha Dambi qaranka laga galay Kama qariyo wadhatada. Wallee qoonta mililka leh Qaarka sare ma dhaydhayo. Haddii ay qudh-gooyiyo Joogto qoorta-soo-dhigo, Sadardani waxa ay kuu muujinayaan geesi nimada iyo cabsi laáanta uu abwaanku ku shaac baxay isagoo xitaa diyaar u ahaa inuu naftiisa u huro oo uu dhimasho ka doorto intuu umada been u sheegi lahaa ama waxa jira uu qarin lahaa. Waxaruhu sidaan qabo Weligoodba qoor-qabad Biyo kuma qudhqudhiyaan; Anna qiiro mooyee Qasab kuma balweyn karo. Sadaradani waxa ay kuu muujinayaan inuu abwaanku ahaa nin hal adag oo aan aragtidiisa xaq u dirir cidi ka loodin karin qasabna aan lagu badali karin. Hadba wiilka qooqane Maalintaasi qoodha ah Qushuuciisa ma akhriyo; Ways kala qab weynahay Qofna kabaha uma tiro. Abwaan Gaariye waxa uu hal doorka kale kaga duwanaa waxa uu caan ku ahaa inuu la saaxiib ahaa dhalinyarta, danyarta iyo shacabka intiisa hoose makhaayadaha shaaha laga cabana waxa aad ku arki jirtay Gaariye oo ay arday yaryari ku xoonsantahay. Qolo-sheegashana daa; Iska dhaaf qabiiloo Qarankeenna oo idil Qol yar baan u haystaa. Qummaneey xuduuddiyo Qaaradaha la kala xidhay Qoqob bay i geliyaan. Haddaan qabi lahaa taag, Quruumaha adduunyadu May kala qaloodeen; Qodaxdaan ka guri laa Qoys baan ka dhigi laa. Qaybtan abwaanku waxa uu si cad isagu muujiyay nin qabiil inaanu ahyn qaran iyo qaarad daayoo inuu heer caalami uu tiigsanayo. ALLE ha u naxariistee aragtiddan iyo hamiga uu gabaygan uu 24 sano kahor uu ku sheegay ayaa qodobkastaa uu noloshiisa ka muuqanasay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Wiil Cusub Posted October 7, 2012 Gaarriyana ma Naga Tagey! Lix haloo u wada gaar ahaa goconayaa mooyi! W.Q. Maxamed Daahir Afrax Oct. 07, 2012 Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac "Gaarriye" Siduu Good ku yiri gabay Geesigu ma waaree Gaarriyana ma naga tagey! Laba sano oo keliya ayaa ka soo wareegtay markii aan akhristayaasha WardheerNews la wadaagay murugadii ay igu dhalisay geerida is daba-joogga ah ee sidii tusbax g’ay ay godka ku sii hoobanayaan hormuudkii hal-abuurka iyo abwaannada Soomaaliyeed. Kii aan xilligaas tacsidiisa u fadhiney wuxuu ahaa Saalax Xaashi Carab. Baroor-diiqdiisa waxaan ku xusay magacyada taxane dheer oo aan wax badan ka horreyn. Waxaa ka mid ahaa (Allaha u wada naxariistee) Xuseen Aw Faarax, Xasan Shiikh Muumin, Cabdulqaadir Xirsi Yamyam, Cabdillaahi Qarshe, Cabdi Muxumud Amiin, Maxamuud Tukaale, Cumar Dhuule, Cabdulle Raage iyo qaar kaloo badan. Labadii sano ee ka dambeyseyna waxaa ka sii daba tagey tiro aan ka yarayn intii aan maalintaas u murugoonayney. Qiyaastayda wuu yaryahay toddobaad aan mid hor leh laga qayla-keenin. Toddobaadkii dhawaa annagoo weli u fadhina tacsidii Faysal Cumar Mushteeg iyo Cabdi Jeylaani Marshaale oo in yar ka horreeyey ayaa nalooka naxsaday “Gaarriyana socoy”! Geeridu waa xaq tanise waa gaw! – “Abidkii rag waa goi’ jiree tanise waa gaw e”. Cali Jaamac Haabiil ayaa ugu baroor-diiqay saaxiibkiis Xirsi Cilmi Goonle. Meeriskan ka sokow, geerida Gaarriye waxay I xasuusisay lixdii qodob ee uu Cali Jaamac taxay, sheegayna inuu uga gami’ la’ yahay geeridii Xirsi: “Geeridii Xirsay sheegayaan gacal ha waayeene”. Lixdii qodob ee uu halqabsiga uga dhigay: “lix hal oo u wada gaar ahaa gocanayaa mooyi”. Sidii Jaamac geeridii saaxiibkiis Xirsi ay xasuusisay lix sifoo qaali ah oo uu lahaa, ayay anigana geeridii saaxiibkay Gaarriye waxay ii xasuusisay “lix haloo wada gaar ahaa”!! Lix sifo oo qaali ah oo uu maansayahannadeenna weli nool ku yaryahay (hadduuba ku jiro) mid ay lixdaasi ku wada kulansan yihiin. Marka aan mid-mid idiinku sheego waan ku kalsoonahay intiinnii Gaarriye ila tiqiin inaad wada oran doontaan “been maad sheegin”. An idiin tiriyo: 1. Wuxuu ahaa geesi an la gabban, cidnaba uga haybaysan wixii ugu muuqda xaq iyo xalaal. Maansaynta iyo nolosha caadiga ah labadaba si isku mid ah ayuu ugu ahaa dhiirrane hadalkiisu dabka ka cadyahay. 2. Wuxuu ahaa nin leh mabda’ joogtaysan oo aragti ay hagayso. Mabda’iisu wuxuu ahaa xuma-diid, heer qaran, heer qaaradeed iyo heer caalami intaba. 3. Wuxuu ahaa aftahan codkar ah. Wuxuu codkar ku ahaa maansaynta iyo hadalka caadiga labadaba. Dadku waxay u badan yihiin qof hadalka caadiga ah codkar ku ah laakiinse an laba meeris oo maansa ah tixi Karin iyo mid maansada wacdaro ku muujiya, laakiinse hadalka caadiga ah af-garooc ku ah. Gaarriye wuxuu ahaa nin labadaba la isu raaciyey. 4. Wuxuu ahaa gabayaa haddana aqoonyahan ah/cilmi-baadhe. Wuxuu fursad u helay tacliin sare. Waxay ku caawisay inuu cilmi-baadhis ku keeno hindise cusub: miisaanka maansada; dhanka kalena khilaawayn (imagination) ku hal-abuuro maansooyin loo riyaaqo. Waa sifo aanan xasuusan gabayaa la wadaaga. 5. Wuxuu ahaa gabayaa haddana macallin ah. Labada sifo ee kala ah aqoonyahanimada iyo aftahanimada ayaa waxay ku caawiyeen inuu noqdo macallin fiican oo ardayda wax ka dhaadhicin og, wax uu ka dhaadhiciyana yaqaan. 6. Wuxuu ahaa bulshay gole-joog macaan oo marka uu sheekaynayo asaga uun afkiisa la wada eego. Tilmaan-bixintani ma aha iska male-awaal iyo nin-jeclaysi saaxiibtinimo. Waxay ka soo maaxatay xog-ogaalnimo hoose iyo aqoon dheer oo aan u lahaa Maxamed Xaashi Dhamac. Gaarriye muddo dhawr iyo soddon sannadood dhan ayaan ahayn saaxiib marba dal ku kulma (Soomaaliya, Itoobiya, Yemen, UK, Norway, kwd). Toddobaataneeyadii qarnigii hore ayaan isku barannay magaalada Muqdishu. Waxaa iskaaya baray hawlaha suugaanta oo labadayada midba dhinac kaga jirey, marna aan isku dhinac ka miisi jirney maadaama aan ahayn aragti-wadaag. In badan oo ka mid ah maansooyinkiisa caanka ah wuxuu sameeyey annagoo wada fadhina, waxaan ka mid ahaa dadkii u horreeyey ee uu u akhriyey intaan la faafin, talona ka weydiiyey. Waxaad ku garan kartaan qaar aan ka mid ahaa raggii uu magacooda ku halqabsan jirey. Tusaale: “Afraxowse weligay yididiilo kama webin”. Halkaasaad ka garan kartaan sababta keentay xanuunka gaar ahaaneed ee ay igu damaqday geerida Gaarriye. Sannadkii 1996kii, markii aan ku hawllanaa asaasidda Naadiga PEN ee Qalinleyda iyo Hal-abuurka Soomaaliyeed, Gaarriye wuxuu ka mid ahaa abwaannadii ugu horreeyey ee igu dhiirrigaliyey, gacantana igu siiyey. Anigoo jooga Nairobi oo saxiixyo baafinaya ayaan maqlay inuu socdaal ku joogo Jabuuti. Halkaas ayaan ugu tagey. Laba fadhi oo dhaadheer oo aan Jabuuti ku wada qaadannay 14kii iyo 15kii May 1996 ayuu igula aqbalay fikraddii asaaska PEN, ka dib markuu ku qancay, saxiixayna Axdiga International PEN oo aan u dhiibay. Kaas oo loo baahnaa in ay saxiixaan 25 qoraa oo bud-dhige u noqda asaaska Naadiga. Illaa waqtigaas Gaarriye wuxuu ka mid ahaa madaxda naadiga, asagoo imminka ahaa Guddoomiyaha Laanta Somaliland. Xasuusta iyo ka-taariikhaynta Abwaan Gaarriye way ka weyntahay wax looga bogan karo sadarradaan kooban. Waa wax mudan in buugaag laga qoro, maxfallo loo abaabulo, da’da soo koraysa loo iftiimiyo si ay ugu daydaan. Run ahaan wuxuu ahaa la-higsade. Intii taakulaysay muddadii uu xanuunsanayey iyo inta imminka ku dadaashay sagootiska uu mudan. Kuwaas oo ay ka mid tahay Dowladda Somaliand oo abaabul weyn u gashay in dalkiisa loogu sameeyo aas qaran, waxay naga mudan yihiin, haddaan nahay guud ahaan bahda hal-abuurka gaar ahaanna naadiga PEN, bogaadin sare. Gaarriye wuxuu ku kaftami jirey, “kolleyba marka aan dhinto waa la I karaamayn doonaaye, inta aan noolahay qaar ha la i sii amaahiyo, imminkay karaamayntu waxtar ii leedahaye”. Taas micneheedu wuxuu yahay, hal-abuurka iyo maskax-maalka ummadda qiimaha weyn ugu fadhiya ha la karaameeyo oo ha la daryeelo inta ay noolyihiin, iyo dabcan markay geeriyoodaanba. Ha lagu daydo sida uu arrintaas ugu dadaalo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo dadaalkiisa noocaas ah uu tusaale u yahay daryeelka uu muddada tobanka sano ka badan ku taakulaynayey, dhaxalkiisana ummadda ku gaarsiinayey buuni Aw Jaamac Cumar Ciise, oo uu u gurmaday asagoo la daalaa-dhacaya dhaxal aad u qaali ah. Gaarriye naxariistii janno Eebbe ha ku abaal-mariyo, ummadda uu ka geeriyoodeyna cawil khayr qaba ha ugu beddelo. Maxamed Daahir Afrax E-Mail: mdafrax@gmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted October 8, 2012 Waxaad shalayto mudatiyo, Mahadhada xusuusnoow, Halkii qorigu kaa muday, Mar labaad lugtaadiyo, Cagtu yaanay kula marin Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted October 9, 2012 Waxaruhu sidaan qabo, weligoodba qoor-qabad biyo kuma qudhqudhiyaan, anna qiiro mooyee qasab kuma balwayn karo .................................................................Gaarriye Quote Share this post Link to post Share on other sites