Sign in to follow this  
Dr_Osman

Bosaso Port Continues On The Development Stride. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

BOOSAASO: Dekadda weyn ee Magaalada Boosaaso oo laga wado dayactir(Sawiro).

October 4, 2012 9:47 am GMT - Written by PP - Edited by PP

 

Boosaaso: (pp)- Dekadda Caalamiga ah ee Magaalada Bosaaso ayaa waxaa ka socda dayac tir iyo dib u habayn aad u baahsan, kaddib markii gabi ahaanba laga saaray dhismayaashii dhexdeeda ka dhisnaa Dekeda, waxaana la bur-buriyey guriyihii ka xigay labadda dhinac si loo helo meelo waasac ah oo lagu fidiyo marsada Magaalada Boosaaso oo ah Mid kamid ah dekadaha ugu shaqada badan dalka Somaaliya.

 

Dekadda weyn ee Magaalada Boosaaso ayaa sanadihii ugu danbeeyey waxaa lagu sameeyey dayactiradii ugu wanaagsanaa ee ay hesho tan iyo Markii la dhisay Dekeda, waxaana dekadda lagu sameeyey dib u qodis aad u wanaagsan iyadoo laga saaray ciidii iyo wax yaabihii kale ee dhex oolaa gudaha dekadda iyo hareereheeda taas oo gaadiidka badda u suura gelisay inay siwanaagsan ugu soo xirtaan Marsada maadama awal ay dhib ku ahaan jirtay gadiidka wada rarka culus inuu si fudud ugu soo xirto dekadda.

 

Dawlada Puntland ayaa ku hawlan sidii ay dekadda ugu raadin laahayd Mashaariic lagu horumariyo si ay dekaddu u hesho dayactir iyo dhamaystir aad u wanaagsan maadama ay dawladii Somaaliya dhacday xili dekadda Magaalada Bosaaso uusan dhamaan dhismaheedii, Masuuliyiinta Wasaaradda dekadaha iyo Gaadiidka Badda ayaa noo xaqiijiyey inay jirto heshiisyo la doonayo in lala galo Maalgaliyayaal caalami ah iyo wadamada deeqaha bixiya si loo helo dekadda Magaalada Bosaaso oo dhamaystiran oo si buuxdana tartan ula tartami kara Dekedaha kale ee soomaaliya kuyaal.

 

Gudaha Dekadda ayaa xiligan waxaad ku arkaysaa qalaba casri ah oo hawlo shaqo kawada sida cagaf-cagafyo iyo wax yaabo kale oo la halmaala waxaadna dareemaysaa shaqada iyo dib u haybnta laga wado dekadda Magaalada Bosaaso.

 

Dhanka kale Dekadda Magaalada Bosaaso ayaa xiligii aan booqanay waxaa ka socdey dhaq-dhaqaaq ganacsi oo aad u weyn waxaana la arkaayey Maraakiib iyo Doonyo laga dajinaayo maciishado kala duwan, Waxayna Masuuliyiinta dekaddu noo sheegeen inay dekaddu xiligan tahay Mid aad u Mashquulsan maadama lagalay xiligii carafada oo dekaddan lagu yaqaan inay ka dhoofaan xoolo aad u fara badan. Dhowaan ayey ahayd markii qiimo dhimis dhaxal-gal ah lagu sameeyey khidmada lagaga qaado xoolaha dhoofaya Maxjarada Puntland waxaana

talaabadan siweyn usoo dhaweeyey ganacsatada iyo Guud ahaan Bulsha weynta reer Puntland.

 

Dekadda Bosaaso waa dekadda 4-aad ee ugu weyn dalka Somaaliya waxaana lagu tilmaama dekadda ugu shaqada badan dalka Somaaliya maadama ay ka dhoofaan xoolaha ugu badan ayna wax kala soo deegaan ganacsatada ugu badan ee Somaaliyeed gaar’ahaan ganacsatada Puntland, Koonfurta iyo Bartamaha Somaaliya iyo Somalida Ethiopia, Dekadda Bosaaso ayaa lagu tilmaama Mid aysan u kala sokayn dadka Somaaliyeed oo ay si siman wax ugala soo degaan kagana dhoof-sadaan.

 

Puntlandpost, Boosaaso, Soomaaliya

 

DSCF6013.jpg

DSCF6014.jpg

DSCF6016.jpg

DSCF6023.jpg

DSCF6024.jpg

DSCF6025.jpg

DSCF6027.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Puntland wants to move forward but people on SOL wishes her backward. This is good because it only fuels puntland forward to make all the haters mad. How anyone with a sane mind can protest against this state especially witnessing the development that is occuring at every level is beyond me and clear cuqdad driven.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this