Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

khatumites reject Garowe clan enclave political party registrations

Recommended Posts

Mudaharaad Lagaga Soo Horjeedo Nidaamka Xisbiyadda Badan Ee Puntland Oo Tukaraq Ka Dhacay Iyo Kooxda Khaatumo La Baxday Oo Maamulkaasi Dagaal Ugu Hanjabtay

 

Tukaraq (Ramaas) Oct 4,2012 – Degmada Tukaraq ee Koonfurta Gobolka Sool ee Somaliland ayaa waxa maanta ka dhacay Mudaharaad balaadhan oo ay shacabka deegaankaasi kaga soo horjeedaan Maamul goboleedka Puntland oo dhawaan halkaasi ka waday dhaqdhaqaaqyo la xidhiidha nidaamka axsaabta badan oo Puntland u wareegayso.

 

Mudaharaadkan oo ahaa mid ay ka qayb-galeen dadwayne u badan haween, dhalinyaro iyo Madax-dhaqameed, ayaa waxay dadwaynahaasi waxay ku muujiyeen sida ay uga soo horjeedaan dhaqdhaqaaqyada Maamulka Puntland ka waddo gudaha Somaliland, waxayna uga digeen inuu mar labaad soo dhex gallo ciida Somaliland.

 

Mudaharaadkan ayaa waxa dadka dhigayey siteen boodhadh ay ku xardhan yihiin weedho lid ku ah maamulka Puntland iyo kuwo loogu digay, ayaa waxa hadalo ka jeediyay Madax-dhaqameed, kuwaasi shacabka ku dardaaray in aanay u dhag taagin nidaamka xisbiyada badan ee Puntland doonayso inay ka hirgaliso gudaha Somaliland.

 

Dhanka kale, kooxda Khaatumo oo fursad u helay inay dadkii Mudaharaadayey la hadlaan ayaa fariin u diray Maamulka Puntland oo ay uga digeen inay shacabka reer Sool ku khasbaan inay nidaamkooda xisbiyadda badan qayb ka noqdaan.

 

Kooxda Khaatumo la baxday ayaa Puntland ugu hanjabtay inay dagaal la gali doonaan ciidamadooda ku sugan duleedka Tukaraq, haddii aanu maamulkaasi joojin dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee uu ka waddo gudaha Sool iyo Buuhoodle.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this