Xaaji Xunjuf Posted October 4, 2012 Magaalada Kismaayo oo laga cabsi qabo in uu ka qarxo dagaal beeleed Mogadishu Khamiis 4 October 2012 SMC Magaalada Kismaayo oo laga cabsi qabo in uu ka qarxo dagaal beeleed. Warar ka imaanaya magaalada Kismaayo ee gobolka jubada hoose ayaa sheegaya in xaalada magaalada ay si aad ah u kacsan tahay lagana cabsi qabo in uu ka qarxo dagaal u dhaxeeya beelo hore ugu loolamayay gacan ku dhigida magaalada. Magaalada Kismaayo ayaa ah mid ay si aad ahgacan ku heyteeda ugu dagaalameen beelaha Somaliyeed tan iyo sanadkii 1991-kii bur burkii dowlada dhexe kadib, waana markii ugu horeysay ee beesha azania ay gacanta ku dhigto magaalo xeebeedka istaraatijiga ah ee Kismaayo iyada garab ka heleysa Dowlada Kenya. Afhayeen hore ugu hadlay wasaarada gaashaandhiga ee dalka Kenya sheegay xili ay ay u adkaatay in ciidamadooda jibaaxaan difaaca adag ee ururka Al shabaab in qabsashada Kismaayo ay ka hortaagan yihiin beesha Gedo, waxaana haatan soo baxaya warar hoose oo sheegaya in dowlada Kenya ay in ay magaalada Kismaayo maamul maqaar saar ah oo ka shaqeeya danaheeda gaarka ah. Warar laga helay ilo muhiim ah ayaa sheegaya in ururka al shabaab ay haatan doonayaan in xiriir dhow la yeeshaan beelaha ka biyo diidan qabsashada ciidamada Kenya ee magaalada kismaayo , iyadoo warar kalana ay sheegayaan in al shabaab ay doonayaan in wada hadal la galaan hogaamiye kooxeedka Barre Aadan Shire Hiiraale. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted October 4, 2012 Xaaji naga daa dee ,,, sheekadaa kismaayo way dhamaateee .. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted October 4, 2012 Madaxweyne xassan ba dhameynaya isagaynu ka war sugeyna:D Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted October 4, 2012 Qarax Ka Dhacay Kismaayo Iyo Ciidamada Howlgalo Dad Lagu Qab Qabtay Oo Laga Sameeyay Magaaladaasi Muqdisho (RBC Radio) Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose ayaa waxaa laga maqlay sida ay wararku sheegayaan qarax xoogan. Qaraxaan ayaa wuxuu ka dhacay wadada aada dekada magaaladaasi Kismaayo, waxaana qaraxaan uu ahaa miinada dhulka lagu aaso sida la sheegayo. Dadka deegaanka ayaa sheegaya in qaraxaan dhawaqiisa laga maqlay magaalada laakiin aanan la ogayn in uu geestay khasaaro iyo waliba in kale. Dhanka kale ciidamada iskaashana waxaa ay maanta Kismaayo ka sameeyeen Howlgallo Ammaanka lagu xaqiijinayo sida qaar ka mid ah dadka deegaanka ay noo sheegeen. Wararka ayaa sheegaya in howlgaladaan lagu soo qab qabtay dad u badan dhalinyaro kuwaasi oo baaritaano lagu samaynayo xiligaan sida ay wararku sheegayaan. Dhowaan ayay ahayd markii ay magaalada la wareegeen ciidamadaan iskaashanaya isla markaana Al-Shabaab oo mudo badan ka ariminayay magaalada ay isga baxeen halkaasi. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted October 4, 2012 Soodigii Shabaabkii aad lahayd lagama saari karayana laga eryaday meesha ,,,,,, sheekadaa soo xidh niyow Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted October 4, 2012 Jacaylbaro;876759 wrote: Soodigii Shabaabkii aad lahayd lagama saari karayana laga eryaday meesha ,,,,,, sheekadaa soo xidh niyow Kumaan odhan laga ma saari karo waxan ku idhi way ku dagalamayaan wanay ku dagalameen waxan huba inay is qarxinta iyo waxyalahan wadayaan nooc mina jabhad bay ku dagalamayaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites