Sign in to follow this  
Dr_Osman

1500 Students Graduate From GTECH. BANG BANG. Future Teachers. Thats What Im Talking About. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

Qalinjebin 1,500 oo ardey loogu qabtey Garowe

 

4 Oct 4, 2012 - 2:06:00 AM

 

GAROWE ONLINE

 

xaflada qalin jabin ah Ardey tababar macaliinta la barnayay oo maanta loo soo gaba gabeeyay garowe

 

Kuliyadda Tababarka Macalimiinta Garowe ‘’GTEC’’ ayaa lagu qabtey xaflad ay ku qalinjabinayeen ardeyda gaareysa 1500 kuwaasi oo macalinimada loo tababarayey muddo saddex sanno ah.

 

Dhamaan gobollada Puntland ayay ka dhiganayeen ,halka qaarkood jaamacadda Bariga Afrika Bossaso ay ku tababaranayeen ,waxana ay iskugu jireen wiilal iyo gabdho.

 

Xaflada qalin jebinta oo si hanaan leh loo soo agaasimey ayaa waxa ka qaybgalay masuuliyiinta kala duwan ee dowladda Puntland ,Hormuudka Kuliyadda GTEC ,wakiilo ka socdey hayadaha caalamiga ah iyo marti sharaf kale oo lagu casumey madasha.

 

Maamulaha GTEC Dr.Cabdirisaaq Shoole oo furitaankii ka hadlay munaasabada ayaa warbxin ka bixiyay ardydani qalinjabisay iyo mudadii ay tabbarka ku jiren isagoo sheegay in looga gol lahaa in la helo ardey macalimiin ah oo tayo leh .

 

Hormuudka Jaamacada Bariga Afrika qaybta Garowe Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo ka hadlayay munaasabada ayaa ku dheeraaday faa’idada ay leedahay in qofku macalin noqdo, waxana uu xusey in macalinku yahay furaha nolosha, ardeyda galinjabiseyna ayuu kuu booriyay in tababrkii ay qaateen wixii ka soo baxay xoojiyaan .

 

Gudoomiye ku xigeenka Jaamacada PSU Saalim Siciid Saalim ayaa sheegay in maanta ay guul tahay in ardey intaasi le’eg ay bartaan macalinmada ,iyadoona horey aysan u jiri jirin macalimiinta aqoon leh oo ka howl gala schoolada Puntland .isagoona ardeyda ku booriyay in maanta ay fuushay masuuliyad balaaran .

 

Agaasimaha waaxda tababarada iyo mashaariicda wasaarada waxbarashada Puntlanad Maxmed Cali Faarax oo isna kalmo soo jeediyay ayaa xusay in dalku markii uu burburey ay noqotey caqabad la helo macalimin tayo leh oo ka howl gala iskuulaadka.

 

Wasiirka waxbarshada Puntland Cabdi Faarax Siciid ‘’Juxa’’ oo soo xirey xaflada qalinjabinta ardeyda macaliminada baranyey ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan ay muhiimada saareen arimaha waxbarashada, islamarkaasina ay wasaaradu wadey olole balaaran oo ku aadan mideynta manaahijta iyo deeqaha waxbarashada oo Puntland ardey badan heleen deeqo waxbarasho oo dalka dibadiisa ah.

 

Waa tiradii ugu badneyd abdi Puntland oo ka qalinjabisa tababarka macalinimada Kuliyadda GTEC ,waxana soo baxay jiil dhalinyaro macalimiin oo buuxin doona boosas badan oo banaanaa.

 

4_7.JPG

123.JPG

bbbbb.JPG

sawir_2_1.JPG

sawir_5.JPG

sawiro1.JPG

tthtyhty.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this