Dr_Osman Posted October 4, 2012 Qalinjebin 1,500 oo ardey loogu qabtey Garowe 4 Oct 4, 2012 - 2:06:00 AM GAROWE ONLINE xaflada qalin jabin ah Ardey tababar macaliinta la barnayay oo maanta loo soo gaba gabeeyay garowe Kuliyadda Tababarka Macalimiinta Garowe ‘’GTEC’’ ayaa lagu qabtey xaflad ay ku qalinjabinayeen ardeyda gaareysa 1500 kuwaasi oo macalinimada loo tababarayey muddo saddex sanno ah. Dhamaan gobollada Puntland ayay ka dhiganayeen ,halka qaarkood jaamacadda Bariga Afrika Bossaso ay ku tababaranayeen ,waxana ay iskugu jireen wiilal iyo gabdho. Xaflada qalin jebinta oo si hanaan leh loo soo agaasimey ayaa waxa ka qaybgalay masuuliyiinta kala duwan ee dowladda Puntland ,Hormuudka Kuliyadda GTEC ,wakiilo ka socdey hayadaha caalamiga ah iyo marti sharaf kale oo lagu casumey madasha. Maamulaha GTEC Dr.Cabdirisaaq Shoole oo furitaankii ka hadlay munaasabada ayaa warbxin ka bixiyay ardydani qalinjabisay iyo mudadii ay tabbarka ku jiren isagoo sheegay in looga gol lahaa in la helo ardey macalimiin ah oo tayo leh . Hormuudka Jaamacada Bariga Afrika qaybta Garowe Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo ka hadlayay munaasabada ayaa ku dheeraaday faa’idada ay leedahay in qofku macalin noqdo, waxana uu xusey in macalinku yahay furaha nolosha, ardeyda galinjabiseyna ayuu kuu booriyay in tababrkii ay qaateen wixii ka soo baxay xoojiyaan . Gudoomiye ku xigeenka Jaamacada PSU Saalim Siciid Saalim ayaa sheegay in maanta ay guul tahay in ardey intaasi le’eg ay bartaan macalinmada ,iyadoona horey aysan u jiri jirin macalimiinta aqoon leh oo ka howl gala schoolada Puntland .isagoona ardeyda ku booriyay in maanta ay fuushay masuuliyad balaaran . Agaasimaha waaxda tababarada iyo mashaariicda wasaarada waxbarashada Puntlanad Maxmed Cali Faarax oo isna kalmo soo jeediyay ayaa xusay in dalku markii uu burburey ay noqotey caqabad la helo macalimin tayo leh oo ka howl gala iskuulaadka. Wasiirka waxbarshada Puntland Cabdi Faarax Siciid ‘’Juxa’’ oo soo xirey xaflada qalinjabinta ardeyda macaliminada baranyey ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan ay muhiimada saareen arimaha waxbarashada, islamarkaasina ay wasaaradu wadey olole balaaran oo ku aadan mideynta manaahijta iyo deeqaha waxbarashada oo Puntland ardey badan heleen deeqo waxbarasho oo dalka dibadiisa ah. Waa tiradii ugu badneyd abdi Puntland oo ka qalinjabisa tababarka macalinimada Kuliyadda GTEC ,waxana soo baxay jiil dhalinyaro macalimiin oo buuxin doona boosas badan oo banaanaa. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted October 4, 2012 Puntland is moving forward Quote Share this post Link to post Share on other sites