Sign in to follow this  
Dr_Osman

Bosaso: Puntland Driver License Program Begins. Next Galkayo. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

Puntland oo ka bilowday Boosaaso Qaadashada Leysinka Wadiga Gaadiidka

October 3, 2012 - Written by Webmaster - Edited byeditor

 

 

Amuurah ku aadan hir galinta Qaadashada Sharciga Baabuur Wadista ayaa waxaa ka war Bixiyay ugu Horaytii Agaasimah Waaxda Tababarada iyo Laysinada Puntland Qaasin Cabdilaahi Sayfle isagoo sheegay in Maantay oo ay Bisha Tobnaad tahay 3 Sadex laga hirgalinaayo Boosaaso oo ah Xarunta Dhaqaalah Puntland Wadayaasha Gaadiidkana laga Rabo inay qaataan isna diwaan galiyaan Hadii ay ku Guulaystaan Imtixaanka ay helayaan laysinka hadii kalana aysan helen

 

Dhanka kalana Waxaa qaabka loo qaadanaayo ka warbixiyay oo faafaahin dheer ka dhiibay Cabdifitaax yuusuf mataan oo kamid masuuliyiinta soo saaritaanka laysinada ayaa sheegay in qaab Casriyah loo soo sarayo qofkuna uu maraayo sharciyo badan oo loogu tala galay in aan laysku qaldamin isagoo sheegay in qaab kamayuutar ah loo samaynaayo qof kalana uusan isticmaali karin qof laysinkiisa taas oo uu sheegay in caalamka laga isticmaalo

 

Ugu dabaytii ayaa waxaa arinkan Bixinta Laysinada ka hadlay Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Hawlah Guud iyo Gaadiidka Puntland faarax Cali Cabdi oo sheegay in uu yahay arinkan Bixinta Laysinka ama Sharciga Wadista Gaadiidka uu yahay mid In lagu farxo mudan Maadaama Puntland ay ka hir galisay Magaalada Garoowe Magaalooyinka Puntland oo dhanah Mar dhow laga hir galinaayo.

 

Wasiir ku Xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in Boosaaso ay tahay Magaalada ugu Gaadidka Badan Puntland lagana doonaayo in sida ugu Haboon laysku soo diwaan gasho ,hadii kalana uusan Wadada ,Dakada ,iyo meelah kalaba uusan mari doonin Dareewal aan Wadan Laysin.

 

Sharciga Wadista Gaadiidka ayaa Mudo Shan Bilood ka hor waxaa laga bilaabay Magaalada Garoowe ee Xarunta Puntland iyadoona Maantay oo ay Bisha Tobnaad Tahay Sadex Laga Hir Galiyay Boosaaso ,mudo Gaaban gudaheedna lagu wado in laga hir Galiyo Magaalada Galkacayo ee Xarunta Gobalka Mudug

 

Sawiro

L-1.jpg

L-2.jpg

L-3.jpg

L-6.jpg

L-4.jpg

L-5.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this