Xaaji Xunjuf Posted October 2, 2012 Faahfaahin ku saabsan Booqasho uu Madaxweynaha Soomaaliya ku tagay Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan Talaado, Oktoobar 02, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Shiikh Max’uud oo ay wehliyaan xubno xildhibaanno ah ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan. Madaxweynaha ayaa markii uu garoonka ka soo dagay waxaa ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobollka Hiiraan oo uu horkacayay guddoomiyaha gobollka C/fitaax Xassan Afrax isaga oo salaan ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Jabuuti. Intaa kadib waxaa uu madaxweynaha kulan kula qaatay goob loo diyaariyay oo duleedka magaalada ah waxgaradka, odayaasha dhaqanka saraakiisha ciidamada maamulka gobollka Hiiraan. Madaxweyne Xassan Shiikh oo hadal dheer ka jeediyay madasha ayaa farisay ujeedada socdaalkiisa Baladweyne oo uu ku tilmaamay in uu dhibaatada la qeybsado dadka ku dhaqan magaalada oo ay dhawaan ku dhufteen biyo ka soo rogmaday wabiga Shabeelle. Sidoo kale waxaa uu madaxweynuhu sheegay in socodaalkiisu yahay mid salka ku haya in uu bulshada gobollka Hiiraan u fasiro wax qabadka dowladdiisa mudada afarta sano ah ee soo socta, iyo waliba in uu dadka la qeybsado ra’yigooda ku aadan nooca ra’iisal wasaaraha ay doonayaan. "Marka uga horeysa waxaan aad uga xunnahay masiibadii soo food saartay dadka ku dhaqan magaalada Baladweyne oo ay ku dhuftay fatahaada wabiga Shabeelle, runtii dowladdu arintaa ma mooga, waana tan maanta na keentay halka, inkastoo gacanta dowladdu iska gaaban tahay, haddana waxaa ay diyaar u tahay dowladdu in ay dhibaatada la qeybsato dadka,’’ ayuu madaxweynuhu yiri. Sidoo kale madaxweyne Xassan Shiikh Max’uud waxaa uu soo hadal qaaday wax qabadka dowladdiisa mudada afarta sano ah ee soo socta, waxaana uu si gaar ah carabka ugu adkeeyay dhinaca nabad-galyada. "Haddii uusan amaan jirin wax kale oo jiri kara malaha, waana tan keentay in muhiimadeena kuwaad, labaad, iyo sadaxaadba aan ka dhigno amniga," ayuu hadalkiisa ku daray. Waxaa kaloo uu sheegay in ay hadda ku howlan yihiin sidii ay u soo magacaabi lahaayeen ra’iisal wasaare soo dhisa xukuumadii shaqeyn laheyd mudada afarta sano ah ee soo socta, sidaa daraadeed loo baahan yahay dadku in ay fikirkooda ka dhiibtaan nooca ra’iisal wasaarraha ay u baahan yihiin. "Waxaa rabaa in aan idin weydiiyo nooca ra’iisal wasaaraha aad u baahan tihiin, waxaa uu doonayo in uu qabto, iyo waxa ay tahay in uu ka hor tago,’’ ayuu mar kale ku yiri madaxweynuhu hadal uu jeediyay. Ugu dambeyn, mar uu soo hadal-qaaday arinta ku saabsan dhimaha maamul gobolleedyada, waxaa uu sheegay in hadda ka dib aysan dhicin doonin in gobollada maamul kor looga keeno, laakiin loo baahan yahay bulshadu in ay iyadu soo doorato qofka ay dooneyso in uu hogaamiyo. "Anniga marar badan ayaan Baladweyne soo gaaray, waliba aniga oo cilmi baaris ka sameynaya, waan ogahay wax yaabaha jir jira iyo sida leysku diidan yahay, laakiin waxaa leeyahay reer Hiiraan ama reer Baladweyne labo wado ayaa u furan, in ay hishiiyaan oo ay maamulkooda dhistaan iyo in ay gacamaha kor u taagaan oo meelo kale looga taliyo ayuu yiri," ayuu yiri Xasan Sheekh. Ammaanka magaalada Baladweyne waxaa si weyn u sugayay ciidamada maamulka gobolka, Itoobiya iyo kuwa ka socda midowgga Africa AMISOM ee ka yimid dalka Jabuuti. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted October 2, 2012 President Hassan sheikh started well visiting major cities like baydhabo and beledweyne his first priority is domestic and security issues. He has a long way to go but he is making the right decisions for now. Also on Kismayo he is willing to establish a provincial administration in those regions until a federal state is constructed in those regions by the indigenous people. Lets welcome all those steps president hassan sheikh mahamuud took. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted October 2, 2012 Somali president arrives in Beledweyne, meets with flood victims OCTOBER 2, 2012 BELEDWEYNE (Sh.M.Network)—A high-level delegation heading by the newly elected Somali president Hassan Sheikh Mohamud landed on Tuesday in the central flood effected city of Beledweyne, some 206 miles (332 km) north of Mogadishu. Hundreds of troops with army personnel carriers were put in every junction of the city as the plane carrying the president grounded in an airport in Beledweyne town in the early hours on Tuesday. Reports indicated that the leader and his accompanying officials have paid a short tour to El-jalle area located on the outskirts of the city, where he met with thousands of flood effected victims. This is the second visit that a Somali president pays to the south and central regions of country since his election last September in Mogadishu. Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted October 2, 2012 nice where are the pics xaaji Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalia Posted October 2, 2012 Where are the pics, this is a good step forward by the president, waa nin mudan, he is visiting every part of the country free from Al-Shabaab, soon he will visit the secessionist enclave inshallah. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted October 2, 2012 Here are the pictures Quote Share this post Link to post Share on other sites