Abwaan Posted October 1, 2012 Xaggee buu tegeyaa? .....aaway Gabbal? PM buu magacaabayaa baad lahayd today, weli lama hayo. Safar baaba laga hadlayaa, meelaha uu aadayo inaan ka hadlo ma rabo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted October 1, 2012 oops...qari baan is lahaa balse jowhar.com baaba qarxisay: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa lagu wadaa in goor dhow safarkoodii u horeeyay ku tagaan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay, kaasoo ah safarkoodii u horeeyay tan iyo markii loo doortay xilka. Sida ay sheegayaan wararka safarka Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ay ku wehliyeen Saraakiil iyo Xildhibaano ayaa la xiriirta sidii ay ugu kuur geli lahaayeen xaalada magaalada. Wararka ayaa sheegaya in halkaas kula kulmi doonaan Odayaasha, waxgaradka iyo Saraakiisha Ciidamada AMISOM iyo kuwa Itoobiya, iyadoo aan si rasmi ah loo ogeyn waxa xilligan ku soo beegay safarkooda Baydhabo. Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka socota qaban qaabo lagu soo dhoweynayo Wafdiga Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka oo haatan ay ku sugan yihiin Garoonka diyaaradaha ee Aadan cadde, halkaasoo goor dhow diyaarad ka qaadi doonta. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa laga sugayay inuu soo magacaabo Ra'iisul Wasaare, taasoo ah howsha ugu culus ee hor-taal, waxaana muddo 10-cisho ka harsan 30-ka cisho ee qorshaha yahay inuu Ra'iisul Wasaare ku soo magacaabo, inkastoo uu soo gaba gabeeyay wada tashiyadii ku aadanaa soo magacaabista Wasiirka Koowaad. Wariyeyaal ku sugan garoonka diyaaradaha ayaa sheegaya in safarka Labada Mas'uul ee ugu sareysa dowladda ay tahay saacado inta ay joogayaan Baydhabo, kadibna ay dib ugu soo laabanaya gelinka dambe ee maanta magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. La soco wixii ku soo kordha http://jowhar.com/news.php?readmore=2578 Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted October 1, 2012 Meel kale oo Mooge iyo Duke si gaar ah ugu farxaanna inuu tago ayay u badan tahay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted October 1, 2012 Apparently it is Baydhabo iyo Beledweyne Madaxweyne Xasan Sheekh oo markii ugu horeysay saakay booqasho ku tegaya Magaalooyinka Baydhabo iyo Baladweyne. Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa markii ugu horeysay u kictimaya qaar ka mid ah gobolada dalka, gaar ahaan Magaalada Baydhabo iyo magaalada Baladweyne. Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya qabanqaabada iyo diyaar garowga safarka Madaxweynaha, waxaa la sheegayaa inuu Muqdisho ka qaadanayo diyaarad gaar ah, si uu dhaqsi ugu gaaro gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada Beled Weyne oo dhowaan ay ka dhaceen fatahaado qasaaro geystay. Madaxweynaha ayaa kormeeraya baaxadda qasaaraha uu geystay wabiga Shabeelle, isla markaana booqanaya degaanada ay ku sugan yihiin dadkii ka cararay fatahaadaha oo la geeyay meel duleedka B/Weyne ku aadan. Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa booqasho maalin barkeed ah ku tegaya magaalada Baydhabo, iyadoo booqashada Madaxweynaha uu ku wehlinaayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cismaan Jawaari iyo wafuud kale. Dhinaca kale akhristayaasheena sharafta leh waxaan idiin soo gudbin doonaa hadba wixii warar ah ee ku soo kordha socdaalka gaaban ee markii ugu horeysay uu uga baxayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud tan iyo markii loo doortay xilka Madaxweynenimo. Web Updating, Somaliweyn Website contact@somaliweyn.com www.somaliweyn.com http://somaliweyn.com/pages/news/Oct_2012/1Oct1.html Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted October 1, 2012 Waan arkaynaa in Duke iyo Mooge si gaar ah looga farxiyo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted October 1, 2012 Bay & Hiiraan makes me happy. I wish visiting those regions. Quote Share this post Link to post Share on other sites
AYOUB Posted October 1, 2012 Abwaan;875696 wrote: Meel kale oo Mooge iyo Duke si gaar ah ugu farxaanna inuu tago ayay u badan tahay. Yes, but Garow is still.... Important. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted October 1, 2012 Garowe waa magaalo Soomaaliyeed it is important and will remain important like any other Somali city insha Allaah. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted October 1, 2012 Saan ayuu u dhaqmaa madaxweyne jiro. He already broke the record remaining in the country for the longest since 2004. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted October 1, 2012 Madaxweynaha oo booqanaya Baydhabo: Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted October 1, 2012 Miskin good pictures his second trip outside the country i think it will be uganda Kampala. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted October 1, 2012 Qudbaduu maanta Baydhabo ka jeediye inta ka dhageysta. "Dowladnimo dadkoo dhan u roon inaa helno. Dowladnimo Soomaaliyeed oo danaha dadka Soomaaliyeed [oo dhan] ka wada shaqeyso markaas kaliya ayaa waxaa la heli karaa danta gaarka ah oo gobol leeyahay ama reer gaar ah. Waaku celcelinaa mar badana waa iri maahmaahdii ahayd, "Hooyada uurka leh waxa u roon ayaa cunuga uurka ku jirana u roon." Wixii Soomaaliya u roona ayaa wax kasta oo Soomaaliya ka dhex jiro u roon. Muxuu run sheegay. Dadka shisheeyaha dabada ka watoo hadalkiisa si fiican u dhuuxa. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mario B Posted October 1, 2012 Miskiin-Macruuf-Aqiyaar;875939 wrote: Qudbaduu maanta Baydhabo ka jeediye inta ka dhageysta . " Dowladnimo dadkoo dhan u roon inaa helno. Dowladnimo Soomaaliyeed oo danaha dadka Soomaaliyeed [oo dhan] ka wada shaqeyso markaas kaliya ayaa waxaa la heli karaa danta gaarka ah oo gobol leeyahay ama reer gaar ah. Waaku celcelinaa mar badana waa iri maahmaahdii ahayd, "Hooyada uurka leh waxa u roon ayaa cunuga uurka ku jirana u roon." Wixii Soomaaliya u roona ayaa wax kasta oo Soomaaliya ka dhex jiro u roon . Muxuu run sheegay. Dadka shisheeyaha dabada ka watoo hadalkiisa si fiican u dhuuxa. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted October 1, 2012 Islaantaan shiirkeeda iyo halaluuyaheeda naga qari waraa. Quote Share this post Link to post Share on other sites