Jacaylbaro Posted October 1, 2012 Rag haduu is af dhaafo aayatiina wadaago afkaa laysku gartaayee is afwaajiya maaha isu soo ura maaha -Adigoo hebel diidan eryo reer hebel maaha isu weersada maaha udahaaga cun maaha Wallee Ubucduu taabtay halkaaa .................... Allah yarxamah Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ducaysane Posted October 1, 2012 AUN. horta riwaayadee buu alifay. ama heestee? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cawaale Posted October 1, 2012 Ha laguu ilmeeyee Horta dhimo af maahee Eeggoo la noolyiyo Ifkaan kaaga baahnahay Wax yar oo aqoonsiya Oon aad u buurnayn Oo weliba eegay Igu sii amaahoo Ictiraafka buuxee Aakhiro markaan tago Iilka igu sugaayiyo Ayaantaan xabaal galo Oohintaan mutaystiyo Account-kayga laga jaro Gaariye (AHN) Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted October 1, 2012 Inaalilahi Wainaa ilayhi Raajicuun.. AUN.. Indeed i will be missed! May Allah give him his mercy.. Laba oorya walaaliyo ilmaadeer is maquunsha lama sheegin aduunkee marka aan ugu liito mar aan eeda sokeeyiyo ilmahayga ku waayo mar aan aayo la'aanta seedigay ugu aaro oo walaashay asay qaado mar haday aqalkayga haddii layga adkaadiyo hadaan raystey idhaahdaba mar lay oohin u tahay bal maxaan istafiiday This is indeed true and sadly we don't learn from it. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Shinbir Majabe Posted October 1, 2012 Innaa Lillaah wa innaa Ilayhi Raajicuun.. AUN Quote Share this post Link to post Share on other sites
Khadafi Posted October 1, 2012 Alle ha u naxariisto, I remember seing him in 2003 in Sweden, very polite and funny man! I Quote Share this post Link to post Share on other sites
Garnaqsi Posted October 1, 2012 Great poet! May he rest in peace. I love Fad Galbeed. It's beautiful. Gabbal-dhaca cadceed-yahay U sii faano-guratee Casar gaaban liiqii Godka weeraraysaa! Go'e fuley miyaad tahay? Waa maxay garmaamadu? Ma googooska sagalkiyo Gamasyada shucaacaa, Gaade kaa horreeyiyo Gurigaad ku hoyan layd War ku gubay ka soo direy? Mise gabadhan dhoolkiyo Gu'goo shaalka xaytiyo Fad galbeed la moodaa, Kolkaad gelin is-dhugateen Guluubkaagii shiikhoo Dib-u guradku waa baqe? Mise ganac-jabkaagiyo Waxaad galabta mudataad Intay goori goor tahay, Dayax soo lug-gu'i laa Sii war-geli is-leedahay? Gedgeddoonka hirarkee Iyagoo garaaro leh, Gaatin-socodka laafyaha Xarragada u gaarka ah Goonyahaaga tiiciyo, Gaardiga daruuraha Kugu gaaf-wareegee, Gumucaad ridaysiyo Goolli-baadh fallaadhaha, Shafka kaga garaacdee Isu rogay guduudkee, Dhiiggooda gobo'liyo Giirgiirka caadka leh, Ku sibbaaqday guudkiyo Gara-saar-dabtoodii Maxaa maanta gaasirey? Miyay kugu giriifeen? Mise waxay ka giigeen Gobaad haybaddeediyo, Gantaalaha jacaylkiyo Kalgacaylka beereey Indhaheedu ganayaan? Afartaa siddiri-gam Waxaan gocanayaa weli, Tiiyoo gareyskiyo Marta debec u gunuddoo Guranaysa hoobaan, Oo aan geyaankeed Geesaha ka filanayn, Dabayshii gadoodee Uurkayga garatee Gaadmada ku qaaddee, Gosha iyo horaadkiyo Gaaddada u faydiyo, Garba-duubka maraday Durba "geb" isku siisiyo, Gabbashada xishoodka ah Gorodday lulaysiyo Ugubnimo-gandoodkii. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Blessed Posted October 1, 2012 Does anyone know the poem he wrote about the irony UN meeting on Children's Day and the State (I think this was Egypt) clearing the streets of homeless children. Heard it at the recent Gaariye event and loved it. In the mean time... this is one of my favs... Adami Aadmiyahaw hallaysani! Ambadyahaw wareersani! Maqal ereyadaydoo! Buuraha ag joogsoo Amakaag daraaddii, Ilmo gabax ka siiyoo! Cirka sare u eegoo Xiddiggaha astaysoo Arag felegga meeroo! Onkodkiyo hillaaciyo Ufadaa dhacaysiyo Uurada waraysoo. Ololkeeda Gooraan Aammus oo dhegeysoo Shimbiraha la ooyoo. Badda "aw"-da haysiyo Waxa uurka ugu jira Axadhoo garwaaqsoo. Dhulka aad u baadhoo, Webiyada ordaayiyo Daruuraha indheeyoo. Oogada jalleecoo Ciirada aroortiyo Dabaylaha af gara oo. Uduggooda kaymaha Urso oo jeclaysoo Ku ilwaadso dooggoo. U abtiri naflaydoo Ayaamaha tilmaansoo Aabiga bilaashka ah, Waa inaad illowdaa! Afaggaalayaashiyo Cadceeddeenna oloshiyo Awrka samada yaa yidhi, Aadmigay u shidanyiin? Ifkoon cidi ku uunnayn, Miyaan Dirirku oognayn? Ururradu miyaanay Kaa ayni weynayn? Ilayskooda goormaa Loo daaray awgaa? Hadmaa felegga oosha ah Amar buuxa lagu yidhi Ku ekaw dadkoo qudha? Haddaad eegga madhataan, Miyaanuu iftiimayn, Sidiisaa ahaanayn? Aadmiyahaw hallaysani! Amarkaagu waa been! Waxaad uur wadaagtaan Ugaadhaa wareegtoo Ugbaadkiyo caleentaad Uur wada gasheenoo. Uumiyaha dhammaantii Ilma-adeer gudboon iyo Isir baad tihiinoo; Noolahaad arkaysaa Waa ul iyo diirkeed; Waa sida indhaha oo Kolkay midi ilmaysaa Ta kaleeto ooydaa; Looma uumin keligaa Inay kuu adeegaan. Ammuuraha badh baa sir ah; Sida xaal u eg yahay Ujeeddadu ka xeeldheer. Quote Share this post Link to post Share on other sites
gooni Posted October 1, 2012 A/u/n.....البقاء لله Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ibtisam Posted October 1, 2012 RIP AUN. Truly Sad!!! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Chimera Posted October 1, 2012 AUN, he's actually the first Somali poet, whose writing, I encountered on the net, 6 or 7 years ago. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted October 1, 2012 Gaariye wuxuu ahaa hal-abuur, Abwaan aqoonna u dheer tahay, wuxuu ahaa shakhsi suugaantiisa aad ugu cabbiri yaqaan arrimaha bulshada oo fiiro dheer kuna oddorosa. Ilaah ha u naxariisto inta badan waan dhegeystey ama akhriyey suugaantiisa balse hal mar ayaan fursad u helay inaan live uga mid noqdo dadkii daawanayey isagoo ka hadlayey gole magaalada London oo waxay filayaa waxay ahayd 2006. Quote Share this post Link to post Share on other sites