Sign in to follow this  
Dr_Osman

Turkish Official Delegation Arrive In Bosaso Puntland To Kickstart Investments. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

Wafdi kasocad dowlada Turkirga oo soo garay magalada Bosaso (sawiro)

 

Wafdi balaran oo kasocday dowalada turkiga aya soo garay gudaha magalada Bosaso ee xarunta goblaka bari waxana garoonka diyradaha ee magalada Boasaso kaga hortegay masuliyiin katirsan dowlada puntlanad .

 

Wafdigaan oo ka koobana afar xubnood oo Turkish ah ayaa waxa imatinkooda puntaland ay salka ku haysaa mashaaric kala duwan oo lafilayo inay kahir geliyaan gudaha puntland waxana ay wafdigani kasocdan Hay,ad turkiga u qabilsan iskashiga xiriirka calamiga ah waxana ay horay usoo mareen magalada Moqdisho ee casimada somalia iyagoona howlo dhanka mashariicda ah kasoo hirgeliyay.

 

Magcyada xubanaha wafdiga aya kala aha Abdulhad Kondagi(Somali Program Coordinater),Mustafa Hasim Polat(African Desk Tika),Celallettin Guncengi(Engineer) iyo Zaid Mukhtar Adle(Assistant Officer).

 

Munasabad kooban oo lagu qabtay gudaha garoonka diyaradaha Banderqaasim International Airport ayaa waxa siwada jira saxafada kula hadlay masuliyinta wafidaga turkiga ah iyo madaxda dowalaad ee soo dhoweynta mujisay.

 

Ugu horayn wasiirka cafimadka puntland Dr. cali c/laahi warsame oo kamid aha masuliyiinta wafdiga kusoo dhoweysay garoonka diyradaha aya gobta hadal kajediyay waxana uu uga mahad celiyay wafdiga imatinkooda puntland isagoona amanay dowalada turkiga iyo kalinata muuqata ee ay kaqadatay gacansiinta umada tabalaysan ee somaliyeed.

 

Dhinaca kale Mustafa Hasim Polat oo kamid ahaa xubnaha wafdiga ayaa isna mujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin imatinkooda puntland isagoona sheegay inaysan ahayn marki ugu horaysay ee ay yimadan gudaha puntland balse ay marar hore ay yimadeen puntlnad xiligana ujeedka imatinkooda ayuu ku macneyay sidii ay ugu kuur geli lahayeen xalada nololeed ee dadka kunool bosaso gaar ahana barkacayasha iyo inay mashariic kahirgeliyan magalooyin dhowra oo kamida puntland.

 

Wafdiaga aya intasi kadib waxa ay boqasho indho indhayna kutageen kamamka ay kujiran dadka barakacayasha ah ee kunool Bosaso iyo sidoo kale xarumaha muhimka ah ee Bosaso sida Dekeda Bosaso jamacadaha iyo maxjarka weyn ee Bosaso.

 

Imatinaka wafdigaan ee gudaha puntland aya waxa aad usoo dhoweyay masuliyinta puntlanad waxana ladhowraya in mashariic kala heera ay kahirgelin donan puntland.

 

12.jpg

2.jpg

3.jpg

4.jpg

5.jpg

6.jpg

71.jpg

81.jpg

10.jpg

111.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this