Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Dowlad?

Recommended Posts

Soomaalideena intaa ku jirnay isku dhex yaac iyo dagaalo sokeeye daba dheeraaday, micnihii iyo waxyaabihii ay dowlad qaban jirtay waa wada iloownay.

 

Dad waxaa soo haray kaliya dowlad u aaminsan madaxweyne xildhibaano dooranaayo, guddoomiye baarlamaan dooranaayo, ra'iisul wasaare magacaabis, wasiiro magac u yaal ku dhawaaqid, isqabqabsi aan dhamaad lahayn iyo dhoofaf dalal shisheeye madaxda dowladda u dhoofeyso iyo soo noqodkooda boqolaal garoonka kusoo dhaweyneyso. That is it. That is dowlad dadka qaarkood aaminsanyihiin.

 

Waxaaba la iska ilooway dowlad waxee qaban jirtay iyo wixii laga rabay inay qabato, haddee tabar u heynina xataa afka ka sheegto oo baaq u dirto caalamka. Waxaas yaaba kuu og. Sii aqriso.

 

fatahaad%20(5).JPG

 

fatahaad%20(6).JPG

 

fatahaad%20(7).JPG

 

Wararkii ugu danbeeyay ee xaaladda Fatahaadda Webiga Shabeelle ee magaalada Beledweyne

 

Xaalad adag ayaa soo food saartay dadka ku dhaqan magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan kadib markii uu xalay ku fatahay inta badan xaafaddaha magaalada wabiga Shabeelle.

 

Fatahaadan ayaa waxaa sababay roob xoog leh oo qaatay in ka badan Sagaal sacadood oo xiriir ah, taasoo keentay in uu buux dhaafo wabiga Shabeelle biyahana ku soo celiyo xaafaddaha degmada.

 

Wararkii ugu danbeeyay ee soo baxaya waxaa ay sheegayaan in uu jiro khasaare xoog leh oo ka dhashay fatahaada ku dhuftay magaalada Baladweyne, waxaana dadka ku geeriyooday ilaa iyo hadda ay ku kor u sii dhaafayaan 10 ruux oo u badan caruur.

 

Sidoo kale biyuhu waxaa ay baabi’iyeen oo ay dul mareen xaafaddo dhowr ah, iyadoo ay jiraan dad ilaa iyo waqtiga ku dhax go’doonsan xaafaddaha una baahan in loo gurmado.

 

 

Mas’uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan oo arintan ka hadllay waxaa ay sheegeen in inta badan la oran karo xaafaddaha magaalada dadka ku dhaqan waa ay ka baxeen, iyaga oo ugu baaqay hay’addaha samafalka in gar gaar lala gaaro dadka guryo beelay fatahaada.

 

Waxaa saakay la arkayay gadiid ay leeyihiin ciidamada Jabuuti ee dhawaan gaaray magalada Baladweyn oo qoysaska qaarkood ka daabulaya xaafaddaha ay fatahaadu ku dhuftay, walow dadka intooda badan ay naftooda maareynayaan.

 

Marka aad la sheekeysato waxgaradka iyo odayaasha waayo jooga ah ee Baladweyne, waxaa ay kuu sheegayaan in Roobkii xalay ka da’ay magaalada uusan aheyn mid inta la xasuuto horay u soo maray magaalada, waxaana ay kuu sheegayaan haddii uu ay roobabku sii da’aan xaaaladu inta ka sii darri karto.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Waa arrin murugo leh, R/Wasaare iyo Kismaayo malla xoreeyey baaba na waalay ee yaaba war kale dheg jalaq u siinaya. Ilaah ha u fududeeyo dadka reer Hiiraan fatahaadda soo wejahday.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this