Xaaji Xunjuf Posted September 28, 2012 Horgalada La Shaqeya Maamulka Somaliland Ee Ku Sugan Magaalada Buuhoodle, Oo Bilaabey Dhaq Dhaqaaq Horleh, Iyo Gadoodka Bulshada Oo Xaaladoodu Kacsan Tahay.(Wareysi Dhageyso) Buuhoodle(Allssc)Dhaq dhaqaaq horleh oo ay bilaabeen horgalada u shaqeeya maamulka SNM ee ku sugan gudaha magaalada Buuhoodle oo maanta bilaabmey. Waxay ahayd saaka subaxnimadii kadib markii umada Islaamka ah ee ku dhaqan gudaha magaalada Buuhoodle ay ka war heleen Ciidamo loo sii rarayo deegaanada Sooljoogto Iyo Meygaagle, Ciidamadan oo uu watey Dr.Saleeban Ciise Axmed Kaar. Waxaa la sheegay sida wararka lagu kalsoon yihiin sheegayaan in Dr.Saleeban Ciise Axmed Kaar maamulka Somaliland u qarameysay 500 oo ciidan ah, Yadoo isla saakana qaar ka mid ah ciidamadaas loo qarameyay loo rarey deegaanada Sooljoogto iyo Meygaagle. Hadaba waxaa saaka ka jirey gudaha magaalada Buuhoodle kacdoon balaadhan oo ay bulshadu markaasi ku hadal hayeen arinkani,Yadoo subaxnimadiina la sheegay in lagu waabaristey ciidamo uu Saleeban Ciise Axmed Kaar u rarayey deegano ka tirsan gobolka Cayn. Dhanka kale waxaa isla maantana ka jirtey magaalada Buuhoodle fadhiyo gaar gaar oo ay yeelanayeen beelaha dega magaalada Buuhoodle oo ay isla markaas bulshadu la yeelaneysay Cuqaashooda,Yadoo la sheegay inay jiraan qaar ka mid ah Cuqaasha gobolka Cayn oo markaasi xidhiidh la leh Dr.Saleeban Ciise Axmed Kaar iyo Hadafkiisa. Hadaba Hoos Ka Dhageyso Wareysi Xiiso Leh Oo Aanu La Yeelanay Goob Joogayaal Saaka Joogey Markay Xaaladani Ciidamadu Ka Socdeen Deegaanka. Quote Share this post Link to post Share on other sites