walaalkis Posted September 28, 2012 Muqdisho (RBC Radio) Magaalada Muqdisho ayaa goor dhow waxaa lagu dilay wariye ka mid ahaa wariyaashii ka howlgalayay magaalada Muqdisho. Wariyahaan ayaa wuxuu ka shaqaynayay wakaalada wararka *Saba ee Dalka Yamen, waxaana la sheegayaa in uu mudo dheer la shaqaynayay wakaaladaan. Wariyahaan oo lagu magacaabo Axmed Cabdulaahi Farax ayaa waxaa toogtay kooxo hubaysan sidala sheegay kuwaasi oo ku toogtay degmada Dharkenlay. Goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxaa soogaaray durbadiiba Ciidamada dowlada Soomaaliya oo halkaasi baaritaano kasameeyay, iyadoona aysan jirin cid loo soo qabtay arintaasi. Ilaa iyo iminka lama oga sababta ka danbaysa dilka loo geestay Wariyahaan ka midka ahaa suxufiyiinta ka howlgala magaalada Muqdisho ee maanta la taagtay. Maalmihii ugu danbeeyay ayaa waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay suxufiyiin badan oo magaalada ka howlgalayay kuwaasi oo aanan lagaranaynin sababta loo beegsanayo. RBC Radio Quote Share this post Link to post Share on other sites
walaalkis Posted September 28, 2012 Bad time to be journalist I wonder who's doing this and y ? Quote Share this post Link to post Share on other sites