SayidSomal Posted September 27, 2012 Ingiriisku wuxuu isku dayey inuu Sayid Maxamed si walba ula dagaalamo. Dhinaca diinta, dhinaca qabyaalada, dhinaca siyaasadda iyo dhinac kasta oo suuragal ah wuxuu Ingiriisku ku dadaalay inuu Sayidka ka weeraro. Isagoo isticmaalaya daacaayad iyo niman Soomaali ah oo gabya ayuu Ingiriis wuxuu Sayidka ku cambaareeyey inuu yahay hoggaamiye nacab ah, laayaan aan sokeeye iyo shisheeye u kala soocnayn iyo xaabqaad aan xataa maal agoomeed dhaafaynin. Dacaayadda noocaa ah oo dhabcan been iyo huuhaa iska ahayd wuxuu Ingiriisku ku faafin jiray gabayo ay tiriyaan rag dhawr ah oo halgankii Daraawiishta giniga Ingiriiska ka doortay. Raggaa waxaa ka mid ahaa Cali-dhuux Aadan Goroyo, Cali Jaamac Haabiil iyo kuwo kale. Sayidka naftiisu noocyada dagaalka, af iyo adinba, maahir ayuu ku ahaa, daacayadda Ingiriiskana mid lid ku ah oo ka lugo badan ayuu ka horgayn jiray. Siduu Cabdiqaadir Xirsi Yamyamba u yidhi: haddii ay ku moosaan, kartaa laysku muujaa, Sayidku karti ayuu isku muujiyey wuxuuna ku guulaystay inaan cadowgiisu qeexin shaqsiyadiisa ee uu isagu Soomaali isbaro isagoo gabay, wadaniyad, diin aqoon, cabsi Alle, hoggaamin siyaasadeed iyo mid dagaal iyo gacan furnaan aan caadi ahayn isku darsaday. Gabaygan hoose wuxuu ka mid yahay gabayada uu Saydiku isku keen baray, kagana hortagay dacaayadii Ingiriiska ee xaqdaradda ahayd. Wuxuu yidhi: Nin Illaah yaqaan oo sharciga, ku isticmaala Ashahaado loo qoray nimaan, kala allaaweynin Oo aan inkirahayn xaq waa, la oggolaadaaye Nin salaadda awqaadda faral, u addimoonaaya Oo dagada oofinahayoo, ugubka dhiibaaya Oo aan bakhaylnimo abkiis, lagu ishaareynin Nimaan diinta aafo u geleyn, aakhiruu sabanka Oo aan amxaarada sidii, obo u yaacaynin Oo gaalka ooradu ku taal, u askaraynnaynin Nimaan abuurka Soomaliyeed, ka anfi taageynin Oo aan ajuurada kufriga, ugu adeegeynin Oo aan ardiga beesadeed, u ashtakooneynin Nin jahaad ohoominahayoo, ubaxa loo saaray Ingiriiska eygaa ninkii, ugu uneexaaya Oo libin ajri leh soo heloo, or iyo geeraar leh Nimanyahow aqoonxumadu, waa ardaalnimo e Asaraar ma fiicnee runbaan, lagu arooraaye Ninkii aynigaa lagu yaqaan, saw islaan ma aha? Shir aguugay waayeel abyamay, tala ashaaddowdey Irda jiqa albaabo isku xidhan, eel la bixin waayay Xaajadaas afraha duubatee, loo olmami waayay Nin aqoon leh aw iyo haddii, odaygu loo saaro In kastoo ayaan iyo ayaan, lagu aloollaado Ninkii maalintaa ka aarinsha, aaqil aw ma aha? Uu uuda qaylada haddii, uubatadu yeedho Sengootida ilwaadda leh haddii, agabta loo qaato Awaaraha buska leh maalintuu, xamar abraaraayo Maantii warmaha oofta iyo, adhaxda lays gooyo maantuu aboodigu ku lalo, ubaxa loo daadshay Maantii isaaya la dhaco, idil dagaalkeeda Maantii fuluu naga ordoo, alabasoo rooro Maantii raggaan loo ileyn, naga ugaadhoobo Mantaa ninkii aarsan sow, aarka dhacay ma aha? Nimaan edebdarrooneya xil, waa laga ajoodaaye Aflagaadda aan jirin nimaan, kuula imaneynin Oo kaa asluubanahayoo, kaa istixyoonaaya Ab uu yahayba aadniga ninkii, same ekeynaaya Abtirsiinya kii xigay nimaan, iriq u dheeraynin Addoomaha Ilaahy nimaan, kala irdhaynaynin Ninkii aamusoo shib ah haddii, eray xun loo geysto Aan kula ekeekamin intuu, urur ku soo joojo Aan xaaja awawgeed la gubay, ubucda jeexaynin Anfaaciga adduunyada nimaan, ku anfariiraynin Oo xeedhyo soor lagu akhtimay, eber ka yeelaynin Oo sida ardaal wax u cunee, alam ka siineynin Intuu aqalka baanjiyonimaan, aradda guulguullin Aagaanta ciirtaa nimaan, aaska dhiganaynin Oo aan qumbaha awdanoo, ilaxidhkow jiidan Aaqibadii loo galo nimaan, kala illaaweynin Oo kuu ixsaan fali intuu, edeg adduun joogo Oo aan abaaldhaca aqoon sow, ikhyaar maaha? Adhi badan lo' iyo geel intii, mulug adduunyaada Ugub dhalaya qaalmaha umulee, laga unnun gooyey Eeraan fardood iyo gammaan, aradka duulaaya Aqal weyn aroos bilic leh oo, ilaxidh loo yeelay Inan quruxsan oo lagu ashbahay, uunsi iyo khayli Oo qool asliya loo gashoo, jalamtu eedaami Nasteexiyo wanaag iyo ninkii, ilindi kuu keenay umuurtii aad leedahay ninkii, kuu abaynaaya Adduunka iyo aakhiro ninkii, kuu aslaaxinaya Ninkii maalintaad iillaan tahay, aana kugu qaataa Oo aan abaarahakan dhacay, oodda kugu jiidin Itaalxumana aan kaaga tegin, sow ikhwaan ma aha? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 27, 2012 Another Response from the grave: Madi Carata maqasheeda koris minaw-san baa dhaanta Mataan lidiqa laas miilo leh yaa mitimis dhaama Marwo Camal xun maangaab ninkeed maqasha baa dhaanta Xididkaan murwaad lagu ogeyn malihi baa dhaanta muslinnimo nimaan kuula socon muuminnimo khaas ah Gaal maxasta kuu dhawra ood magansataa dhaanta Quote Share this post Link to post Share on other sites
SayidSomal Posted September 27, 2012 ^^^ I posted that in here before. and the man you qoute is one of the men that were the lackeys listed above: if i am not mistakeen - it is inni Jaamac Haabiil. Epic failure - try again saxiib The first five paragraphs and the question that follows them refutes the allegation that my grandad had anything to do with "Muslinimo nimaan ku dhaqayn iyo muumino khaas ah" and as you see - his last paragraphs strenghtens how he was to you and what he was to you. I requote them for you here in bold: Nin Illaah yaqaan oo sharciga, ku isticmaala Ashahaado loo qoray nimaan, kala allaaweynin Oo aan inkirahayn xaq waa, la oggolaadaaye Nin salaadda awqaadda faral, u addimoonaaya Oo dagada oofinahayoo, ugubka dhiibaaya Oo aan bakhaylnimo abkiis, lagu ishaareynin Nimaan diinta aafo u geleyn, aakhiruu sabanka Oo aan amxaarada sidii, obo u yaacaynin Oo gaalka ooradu ku taal, u askaraynnaynin Nimaan abuurka Soomaliyeed, ka anfi taageynin Oo aan ajuurada kufriga, ugu adeegeynin Oo aan ardiga beesadeed, u ashtakooneynin Nin jahaad ohoominahayoo, ubaxa loo saaray Ingiriiska eygaa ninkii, ugu uneexaaya Oo libin ajri leh soo heloo, or iyo geeraar leh ****and here comes the fatal blow****** Nimanyahow aqoonxumadu, waa ardaalnimo e Asaraar ma fiicnee runbaan, lagu arooraaye Ninkii aynigaa lagu yaqaan, saw islaan ma aha? Quote Share this post Link to post Share on other sites
SayidSomal Posted September 27, 2012 And to conclude - what do you call the man who: Nasteexiyo wanaag iyo ninkii, ilindi kuu keenay umuurtii aad leedahay ninkii, kuu abaynaaya Adduunka iyo aakhiro ninkii, kuu aslaaxinaya Ninkii maalintaad iillaan tahay, aana kugu qaataa Oo aan abaarahakan dhacay, oodda kugu jiidin Itaalxumana aan kaaga tegin, sow ikhwaan ma aha? More importantly - does a man like that deserve your abaal marin mise ......aflagaado? Quote Share this post Link to post Share on other sites
SayidSomal Posted September 27, 2012 1. Cabdiyow calaacal iyo way ciil ma bi'iyaane 2. Weligaa catow baad taqaan sida carruureede 3. Waad uun cabaaddaa siddii caamadoo kale e 4. Caqli haddii aad leedahay wax baa la citibaarshaaye 5. Cindigaa wax laga fiiriyaa caynka ay noqone 6. Cudhka laguma soo dhego waxaan kuu cuntamihayne :D Quote Share this post Link to post Share on other sites
UZTAAD Posted September 27, 2012 Sayid*Somal;874750 wrote: 1. Cabdiyow calaacal iyo way ciil ma bi'iyaane 2. Weligaa catow baad taqaan sida carruureede 3. Waad uun cabaaddaa siddii caamadoo kale e 4. Caqli haddii aad leedahay wax baa la citibaarshaaye 5. Cindigaa wax laga fiiriyaa caynka ay noqone 6. Cudhka laguma soo dhego waxaan kuu cuntamihayne :D ;; lool innama caadi maahan Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted September 28, 2012 Sayid*Somal;874750 wrote: 1. Cabdiyow calaacal iyo way ciil ma bi'iyaane 2. Weligaa catow baad taqaan sida carruureede 3. Waad uun cabaaddaa siddii caamadoo kale e 4. Caqli haddii aad leedahay wax baa la citibaarshaaye 5. Cindigaa wax laga fiiriyaa caynka ay noqone 6. Cudhka laguma soo dhego waxaan kuu cuntamihayne :D :D Very timely response.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
SayidSomal Posted October 3, 2012 Doodna waxaan u leeyahay dadkeer, hadalka deyn waayey Nimanyahow damiinnimada waa, lagu dulloobaaye Dadku wuxuu jeclaystaa waxaan, duxi ka raacayne Nin ragay dardaaran u tahaye, doqon waa mooge Denbi weeye Kufriga, aad u dabcaysaane Quote Share this post Link to post Share on other sites
NGONGE Posted October 3, 2012 ^^ I doubt anyone is going to write a book about you anytime soon. Quote Share this post Link to post Share on other sites
SayidSomal Posted October 3, 2012 ^^wax ma oogid Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted October 3, 2012 Way isu habar wacdeen ,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
SayidSomal Posted October 3, 2012 ^ninyahow miyaadan ogayn in damiinnimada lagu dulloobo mise mooge ahayd? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted October 3, 2012 Hadda buugaas waa la qoray ,,, dad badanina way akhrisanayaan ,,, you don't have to bring the Sayid's pieces now ... Wax fahan dee Quote Share this post Link to post Share on other sites
SayidSomal Posted October 3, 2012 Adigu wax fahan dee - the question is: Runba nimaan ku baydhayn ibleys, barale weeyaane Buusuhu belaayiyo hadduu, been ka tegi waayo Inaan dhegaha loo balalinayn, ba’a ee yow sheega? At least admit it - Sayidka (AUN) can defend himself even when has been dead for close to hundren years - imagine if he was alive (ninkaas buugga maba ku fakerilahayn fulaynimo daraaded let alone publish it) Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted October 3, 2012 Sayidku markuu noolaa Nin keliya (Cali jaamac Haabiil) ayaa geed ku xidhxidhay ,,,,, cid keleba iskuma hawlin Quote Share this post Link to post Share on other sites