Sign in to follow this  
Saalax

M/weynaha Kenya”waa in Dalkeena laga Raraa Qaxootiga Soomaaliyeed

Recommended Posts

Saalax   

Madaxweynaha dalka Kenya, Mwai Kibaki ayaa waxaa uu ka codsaday QM inay ka shaqeeyaan sidii qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha Dhadhaab eek u yaala Gobolka wuqooyi bari Kenya isla markaana loogu rari lahaa gudaha Dalkooda gaar ahaan meelaha laga saaray Al-Shabaab, gargaarna lagu siiyo halkooda.

Mwai Kibaki ayaa hadal waxaa uu ka jeediyay shirka QM ee ka soconaya New York waxaana uu xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon ka codsaday inuu ogolaado in qaxootiga dalkooda lagu celiyo, isagoo sheegay in qaxooti ka badan 65 kun uusan xamili karinDalkiisu.

Madaxweynaha Kenya ayaa intii uu ku guda jiray Qudbadiisa waxaa uu sheegay in Ciidamada Dowladda iyo AMISOM ay Al-Shabaab ka saareen goobo badan, xaaladda Soomaaliyana ay hadda ka duwan tahay sidii hore.

Mwai Kibaki wuxuu sheegay in Kenya ay ka go’an tahay soo celinta nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya iyo in Soomaaliya ay Noqoto Qaran Dhisan oo awood leh waa Sida uu hadalkiisa u dhigaye.

Madaxda Dalka Kenya ayaa waxaa ay Dhowr jeer oo hore ay ku Cel celiyeen in ay u baahan yihiin in Qaxootiga Soomaaliyeed eek u jira Xeryaha Dha dhaab laga raro oo dib loogu Celiyo Dalkooda iyadoo ay wali ka ololeyso Dhibaatadii ay uga Carareen taas oo QM ay ku gacan seyrtay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this