Sign in to follow this  
Dr_Osman

Puntland Education Ministry Farewells 60 Students For Scholarships In Addis Ababa. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

Wasaarada waxbarashada P/land oo saagootisay Arday deeq waxbarasho heshay

September 24, 2012 - Written by Webmaster - Edited byeditor

 

Munaasabada lagu sagootinayey arday dalka Ethiopia ka helay deeqada waxbarasho ayaa lagu qabtay xarunta wasaarada waxbaashada ee Magaalada Garoowe ,

 

Waxaa ka qayb galay munaasabadaasi sagootin Wasiirada Wasaaradaha waxbarashada iyo arimaha gudaha Puntland, qunsulka Ethiopia u fadhiya yo waalidiin iyo marti sharaf iyo ardaydii la sagootinayay.

 

Wasiirka wasaarada waxbarashada Cabdi Faarax Siciid Juxaa ayaa kawaramay waxa ay soo baran doonan ardaydan oo tiradoodu gaarayso lixdan arday,

 

Waxaana uu sheegay Wasiir Juxaa in Ardaydani ay soo kala barandoonaan maadooyin kala duwan oo faaiido u leh, waxaana looga kala qeybin doonaa deegaanada Maamulka Federaalka ee Dalkaasi.

 

Wasiirka arimaha gudaha Puntland C/laahi Axmed Jaamac Ilkajiir oo isagana halkaasi ka hadlay ayaa ku la dardaarmay ardayda in ay ka faaidaysantaan waxbarashada islamarkaana waxaa uu ku amaanay wasaarada waxbarashada dadaalkeeda ku aadan deeqaha waxbarasho ee ay u raadiso ardayda reer Puntland.

 

Qunsulka Ethiopia u fadhiya Puntland Ismalaash oo ardayda dalkiisa u aadaysa deeqada waxbarasho lahadlay waxa auu ku booriyey in ay ku daadaalan sidii ay uga faaiideysan lahaayeen deeqaha waxbarasho islamarkaana waxaa intaasi uu ku daray in dowladiisu siiwadi doonto deeqaha waxbarasho ee ay siiso Puntland oo uu sheegay in ay yihiin sxbo dhow.

 

Mid ka mid ah hooyoyinka dhalay ardayda helay deeqaha waxbarasho ayaa madasha ka sheegtay in ay ku faraxsantahay deeqdan waxbarasho ee lacag la.aanta waxayna ku amaantay daadalka wasaarada waxbarashadu ugu jirto in ay hesho deeqo waxbarasho.

 

Inkasta oo wasaarada waxbarashada Puntland sheegtay sadexdii sano ee la soo dhaafay ay deeqo waxbarasho u direen arday tiradoodu kor u dhaafyaso afar boqol oo arday sanadkan waa dufcadii ugu horaysay ee deeq waxbarasho u baxaysa iyadoona dowlada sudaan ay joojisay 50arday oo deeq waxbarasho ka helay ka dib markii ay wasaarada waxbarashada Somalia ku wargalisay in aysan aqabalin shahaadado uusan saxiixin wasirka waxbarashada Somalia

 

Sawiro

WAXBARSHO-Ethiopia-1.jpg

WAXBARSHO-Ethiopia-2.jpg

WAXBARSHO-Ethiopia-3.jpg

WAXBARSHO-Ethiopia-4.jpg

WAXBARSHO-Ethiopia-5.jpg

WAXBARSHO-Ethiopia-6.jpg

WAXBARSHO-Ethiopia-7.jpg

WAXBARSHO-Ethiopia-9.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

GAROOWE : Wasaaradda Waxbarashada PL oo 60 Ardey u direty waxbarasho sare dalka Ethiopia

September 24, 2012 10:51 am GMT - Written by Editor - Edited by Editor

 

Garoowe:-Kulan lagu qabtey Xarunta Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa waxaa lagu soo ban-dhigey 60 Ardey oo loo dirayo Deeq Waxbarasho sare dalka Ethiopia ee aan dariska nahay.

 

Cabdi Faarax Saciid (Juxa) Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa waxa uu sheegey in Ardeydan 40 ka mid ah dhigan doonaan Degree 20ka kalana ay dhigan doonaan Diploma, waxa uu kula kula dardaamey Ardeyda in ay ka faa’iideystaan wakhtiga qaali ah ee ay haystaan, waxa uu sheegey in ay yihiin Safiiro matala Puntland sidaasdarteedna loo bahaan yahay in ay ilaashaan sumcaddooda iyo tan Ummadda Puntland, ayna dhawraan sharciyada dalkaasi.

 

Waxa uu sheegey in loo baahan in sidii Ardeydii hore oo kale ay uga faa’iideystaan fursada muhiimka ah ee ay haystaan. taas oo ay ugu wacan tahay Ardeyda oo loo fiirsho dhibcaha oo ay keenaan.

 

Cabdilaahi Jaamac Ilkajiir Wasiirk Arimaha Gudaha Puntland ayaa ammaaney Wasaaradda Waxbarashada Puntland waxaana uu sheegey in uu hormuud ka yahay Wasiirka Wasaaradda, waxaana uu sheegey in ay dadaal badan u gashey sidii Ardey badan loogu heli lahaa Waxbarasho dibada ah.

 

Safiirka Ethiopia u fadhiga Garoowe ayaa waxa uu sheegey in aad ugu faraxsan yahay in Ardey badan ay dalkiisa Waxbarasho u raadsadaan, waxa uu sheegey in uu shuruucda dalkaasi iyo sida ay ku gali lahaayeen dalka Ethiopia ay Safaaraddu u fududeyneyso.

 

Waxa uu u sheegey Ardeyda in ay la mid yihiin oo la xaquuq yihiin Ardeyda Ethiopianka ah ee ay wax la baranayaan, waxaana uu sheegey in aysan ka walwalin Luuqada, isaga oo sheegey in uu Puntland joogey muddo 3 sano ah uusana ku hadlin Luuqadda Soomaliga islamarkaasna u dadka oo dhan la sheekeysto oo uusan wax dhibaato ah dareemin.

 

Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa 510 Ardey u dirtey Waxbarasho dibada ah, waxayna tani qeyb ka tahay hadafka Wasaaradda Waxbarashada oo ah in 600 in ay u diraan Waxbarasho dibada ah.

 

Puntlandpost.com

 

The Brainchild

Juxa-450x342.jpg

j21-450x342.jpg

j4-450x342.jpg

j11-450x342.jpg

j31-450x342.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this