Dr_Osman Posted September 25, 2012 Shirkadda NUWACO oo Ceel-biyood ka dhagax dhigtay Tuuladda Mayle ee Gobolka Nugaal. Posted by Pi1 on September 21st, 2012 Mayle(Puntlandi.com):- Shirkada biyaha ee gobolka Nugaal ayaa Ceel-biyood ka dhexgax dhigtay tuulada Mayle ee ka tirsan gobolka Nugaal halkaas oo ay ka jirtay baahi biyo oo dadka iyo duunyadaba saamaysay . Dhagax dhiga Ceel-biyoodkan waxaa goobjoog ka ahaa xubno farabadan oo deegaanka Mayle ka tirsan iyo wafdi balaaran oo wadajir u tagay deegaankaasi kana kala socday Shirkadda NUWACO, Sarakiisha hay’adda PAH iyo Madaxda hay’adda Psaweyn. Dhagax dhiga ceel-biyoodkan kadib wafdigu waxay kulan Gaaban la qateen waxgaradka Tuuladda Mayle oo ay dhagaysteen warbixin ku adan baahida biyood ee Deegaanka iyo sida ay uga qaybgalidonaan hirgalinta qodaalka Ceelka. Agaasimaha Mashariicda PSAWEYN Mukhtaar C/raxmaan ayaa bulshada uga mahadceliyey sida ay ugu diyaargarobeen in Deegaanka Mayle laga hirgaliyo Ceel biyood ay ka faaiidaystaan Dadka iyi duunyada Reer Mayl. Mukhtaar waxaa uu bulshada ka codsaday in ay gacan buuxda ka gaystaan sidii loogu howlgali lahaa qodaalka ceelka si taa loo garana in ay ka qayb qataan wuxuuna yiri“waa in aad gacan ku siisaan shirkadda NUWACO Shaqada ay ka qabanayaan ceelka tuuladda ,shirkadaan waa ku kalsoonahay anaga lakiin waa in aad muujisaan lahaansho iyo iskaashi shaqaalaha iyo dadkiina deegaanka” . Guuleed C/qaadir Maxamed oo ka mid ah Sarakiisha (pah) ayaa sheegay in socdaalkooda ay ugu muhiimsanayd sidii shirkadda NUWACO loogu wareejin lahaa goobta laga tagayo Riiga qodaya Ceelka” waxaan doonaynaa in aan markhaanti ka noqono dhamaanteen in masuuliyadda goobta ay la wareegto shirkadda qodaysa ceelka ee NUWACO odayaalow idinkuna aad uga danbaysan si ceel dhaxal gal ah halkaan la idiin ka qodo anana aan gacan buuxda ku siino dadka ka shaqaynaya meesha” Guuleed C/qaadir. Bashiir Xaashi Botaan (Xiirey)oo ka mid ah odayaasha Deegaanka ahna ninka ku deeqay goobtan laga dhisidono Ceelka ayaa qaatay hadalka waxaana uu goobta ka cadeeyey in la dhamayey bulsho ahaan wixii hore habacsanaan uga jirtay in ceel loo odo dadka reer mayle “ Aniga waxaan shirka ka cadaynayaa in aan bixiyey bogcadda ceelka laga qodoyo,waxaana balanqadayaa in aan gacan ka gaysanayo sidii howsha ceelka ay toos ugu socon lahayd ,dadaal ayaan u galayaa sidii loo hirgalin lahaa qodida ceelka waayo baahi biyood waa na ahaysataa” Bashiir Xaashi Bootaan. Gudoomiyaha Shirkadda NUWACO C/samad Islaam Maxamed ayaa cod baahiyaha lagu soo dhaweyey waxaana uu balanqaday in ay dadaal dheer u galayso shirkadiisu qodista iyo dhamaystirka ceelkan oo ka mid ah kuwii ay shirkadu hore ugu soo guulaysatay , Waxaana uu dadka deegaanka ka codsaday in ay ka shaqeyaan sidii loo heli lahaa Ceel biyo lagaga baxo biyo yaraanta deegaanka gaar ahaan dhanka xoolaha” waxaan kasii afeefanayaa in laga wada qaybqaato sidii howsha loo dhaqaajin lahaa oo aanay wax habacsanaan uga soo noqon dadkiina deegaanka khaas ahaan adkaynta lashaqaynta dadka gacanta ku haya shaqada iyo ilaalinta Nabadgelyadda Goobta “ Gudoomiye C/samad Islaan . Aleksandro oo ah Madaxa kooxda PAH xafiiskooda Puntland ayaa iyana sheegtay in howshooda ugu wayni tahay sidii ay u fududayn lahaayeen adeegyada shaqada isla markaana ay maalin kasta la soconayaan halka NUWACO waxa u marayaan “ anaga shaqadayada ugu balaran waa in aan aan oganaa meesha shirkadda wax u marayaan idinka dadweynahana muujiya lahaansho iyo ka qaybgal si shirkadu shaqadaan u qabsato waa in looga danbeeyaa goobta ay howsha ka hayaan Madaama aynu iyaga ku wareejinay dhamaan masuuliyadaha Ceelka” Aleksandro. Kuxigeenka Maareyaha NUWACO Cabi Ibraahim ayaa isna sheegay in ceeklkan ka midyahay Horumarka dhanka biyaha ay ka gaareen Bulshada iyo Maamulka puntland ,waxaa kaloo uu xusay in NuWACO ceelal badan puntland ka qoday ayna tahay shirkadda kaliya ee ceel ay qoday aan wali biyo laga waayin ama uusan dumin ceelkii,taasina ay sabab u tahay qalabka tayada leh ee ay haystaan iyo shaqaalaha xirfadlayaasha ah isla markaana ay bulshada reer mayle ku kalsoonadaan dadaalka NUWACO ka galayso ceelkan marka uu bilowdo. Kulankaas ka dib ayaa si rasmi ah odayaashu goobta ceelka laga qodayo kusoo wareejiyeen Masuuliyiinta Shirkadda Maxaliga ah ee NUWACO ee qadatay masuuliyada qodaalka ceelkan,waxaana si wada jir ah isula dhagax dhigay ceelka Odayasha Tuulada,Gudoonka Shirkada,psaweyn iyo Howlwadeenada PAH. Dadweynaha deegaan gaar ahaan dadka xoolo dhaqatada ah ayaa si weyn usoo dhaweeyey iyana dhamaystirka waxyaalihii keenay dibu dhaca qodista ceelka oo mudo soo jiitamayyey waxaana ay goobta ka cadeeyeen in ay gacan buuxda ka gaysanayaan helitaankiisa. Daawo Sawirrada:- Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalia Posted September 25, 2012 Mashallah, villages east of the highway have been ignored for too long. Quote Share this post Link to post Share on other sites