Sign in to follow this  
Dr_Osman

Puntland Govt Officially Open The Bosaso Blood Bank. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

PUNTLAND OO MARKII U HOREYSAY YEELATEY XARUNTA KAYDKA DHIIGA (Warbixin Sawiro leh)

Posted by Pi on September 25th, 2012

 

BOSASO: Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa markii u horeysay ku guulaysatey inay furto xaruntii keydka dhiiga (Blood Bank Center) taas oo 24-ka Sept 2012 laga furey Isbitaalka guud ee Boosaaso. xafladii furitaanka waxaa kasoo qaybgalay wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr. Cali C/laahi Warsame, Agaasimaha guud ee wasaaradda Dr. C/risaaq Xirsi Xassan, Agaasimaha Isbitaalka guud ee Boosaaso Dr. C/laahi Siciid Aw-Muuse iyo Wakiilka Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO ee dalka Soomaaliya Dr. Marthe Everard, shaqaalaha WHO ee Puntland, Shaqaalaha Isbitaalka guud iyo marti sharaf kale.(Sawiro badan oo faahfaahsan warbixinta hoosteeda ka daawo)

 

Mashruucan lagu hirgaliyey xarunta Kaydka Dhiiga ee Puntland waxaa iska kaashaday Wasaaradda caafimaadka ee dowladda Puntland iyo Hay’adda WHO Somalia oo door weyn ka qaadatey qalabka iyo tabobarada shaqaalaha xarunta kaydka dhiiga ka shaqaynaya.

 

Munaasibadan qiimaha badan waxaa ugu horeyn ka hadlay Agaasimaha Isbitaalka guud ee Boosaaso Dr. C/laahi Siciid Aw-Muuse waxaana u sheegay inay farxad wayn u tahay in markii u horeysay Puntland oo dhan laga furo xaruntii kaydka dhiiga lagana hirgaliyo gudaha Isbitaalka guud ee Boosaaso, waxaa uu mahad balaaran u jeediyey wasaaradda caafimaadka iyo hay’adda WHO Somalia, waxa uu dhakhtarku ka codsaday hay’adda WHO inay joogteyso daawooyinka looga shaqeynayo xaruntan iyo tabobarada shaqaalaha la siinayo si shaqadu u noqoto mid dardar leh maadaama ayuu yiri xaruntan ay Puntland oo dhan ka dhaxayso waa in la joogteeyaa adeega xaruntan ay ku shaqayso wuxuuna ka digay in hakad ku yimaado mustaqbalka.

 

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr. C/risaaq Xirsi Xassan ayaa isaguna dhankiisa farxad badan sheegay inuu qabo maadaama ay wasaaradda caafimaadku ku guulaysatey inay hirgaliso xarunta kaydka dhiiga ee Puntland waxa uu mahadnaq usoo jeediyey hay’adda WHO Somalia oo kaalinta ay ka qaadatey ay saraysay, waxa uu sheegay Agaasimuhu in xaruntan ay tahay kaydkii guud ee dhiiga Isbitaalada kale ee gobaladuna ay wada shaqeyn la yeelanayaan xaruntan oo dhiiga kaydka ah u qaybin doonta guud ahaan Puntland sida uu Agaasimuhu sheegay.

 

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame ayaa isaguna waxa uu sheegay inay farxad u tahay inuu xariga ka jaro xaruntii guud ee kaydka dhiiga Puntland taas oo uu wasiirku sheegay inuu ku taamayay in maalin uun uu ku guulaysto hirgalinteeda, wasiirku waxa uu carabka ku dhuftey inay dadaal badan ku bixisay wasaaraddu hirgalinta kaydka dhiiga ayna muddo ku qaadatey hawshaas maanteyna ay tahay maalintii xariga laga jarey oo ay shaqo diyaar u tahay xarunta kaydka dhiiga, wasiirku waxa uu mahadnaq balaaran usoo jeediyey Dr. Marthe Everard oo ah madaxa WHO Somalia uuna sheegay inay qayb libaax leh ka qaadatey intiia ay xafiiska joogtey hirgalinta xarunta kaydka dhiiga ee Puntland.

 

Wasiirka Caafimaadku waxa uu sheegay in Xaruntani ay noqonayso kaydkii guud ee dhiiga ayna ku xirnaan doonaan dhamaan Isbitaalaada Puntland, wasiirku waxa uu sheegay inay dhibaato wayn ka jirtey kayd la’aanta dhiiga oo ay shacabku dhibaato xoog leh ku qabeen qofkuna uu dhimanayay iyadoo dhiigiisa la waayo sababtana wasiirku waxa uu ku sheegay inay jiraan dhiigag dhif iyo naadir ah oo ay waqti qaadanayso in qofka u baahda qof la dhiig ah loo helo taas wasiirku waxa uu sheegay in laga baxayo oo dhiiga la kaydinayo isagoo ka codsaday bulshada inay dhiiga ku deeqaan oo qof walba oo og in dhiigiisu dhif iyo naadir yahay uu iskeeno Isbitaalka si dhiigaas looga faa’idaysto maadaama uu yahay dhiigaga loo baahan yahay in la helo marka loo baahdo.

 

Dhibaatooyinka kale ee kayd la’aanta dhiigu waxay tahay sida dhakhaatiirtuba sheegeen in shilalka gawaarida iyo dhaawacyada dagaalada ay ka dhashaan bukaano badan oo u baahda dhiig kuwaas oo dhiig la’aan u dhinta inta lagu jiro baarista dhigooda, keenista dadka laga shubayo dhiiga iyo raadinta nooca dhiiga loo baahan yahay iyo baarista caafimaadka dhiigaas qofka laga shubayo, waa waqti runtii laga yaabo in qofku noolaanwaayo taas oo loo yeelayo inaan qof jiran dhiigiis lagu shubin bukaankaas.

 

Ugudanbayntii wasiirka caafimaadku waxa uu xariga ka jaray xarunta cusub ee kaydka guud ee dhiiga (Blood Bank Center), waxaana markaas ay madaxdu booqdeen xarunta iyo qalabka yaala waxaana uga warbixiyey Dr. Saciid Maxamed Jaamac oo WHO u qaabilsan shaybaarada kaas oo sharaxayay qalabyada yaaley xarunta sheegayna in wixii Blood Bank looga shaqaynayay ay ku diyaar yihiin xarunta loona tabobaray shaqaalihii iyadoo uu sidoo kale sheegay in qalabka yaala uu yahay mid casri ah, shaqaalaha ayuu Dr. Saciid sheegay in 8 ka mid ah ay tabobar ugu maqan yihiin dalka diabdiisa ayna dhawaan imaan doonaan, habka dhiiga dadka looga qaadayo iyo ka hor dhiig qaadista ayaa dhakhtarku sheegay in qofka marka uu yimaado xarunta waraysi lala yeelanayo iyadoo la waydiinayo ujeedka uu u yimid, dabadeedna loo sheegayo cudurada laga baarayo ka hor inta aan dhiig laga shubin ama waxa looga baahan yahay waxaana laga baarayaa dadka sida dhakhtarku sheegay HIV/AIDS, Hepatitis B iyo C, Isfiilito, HP-giisa oo la ogaanayo iyo miisaanka qofka kadib markii qofka caafimaadkiisu uu sidii laga rabay noqdo wax walba oo looga shubi karo dhiigna uu buuxsho ayaa dhiiga laga shubayaa qofka sida uu dhakhtarku sheegay.

 

Sawirada hoos ka daawo

 

C/qadir Warsame Yusuf

Wasaaradda Caafimaadka Boosaso

Abdiqadir72@gmail.com

 

bangiga-dhiigga.jpg

Wasiirka-Caafimaadka-Dr.-Cali-Cabdullahi

Dr.-Marthe-Wakiilka-WHO-Somalia-e1348563

Agaasimaha-guud-Dr.-Abdirizak-Hersi-Hass

Wasiirka-Caafimaadka-Dr.-Cali-Cabdullahi

Madaxa-Shaybaaradda-WHO-Dr.-Saciid-oo-wa

wasiirka-oo-ka-hadlaya-xaflada-furitaank

Qaar-kamid-ah-qalabka-xarunta-kaydka-dhi

qaar-kale-oo-qalabka-kamid-ah.jpg

012.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

PUNTLAND OO MARKII U HOREYSAY YEELATEY XARUNTA KAYDKA DHIIGA

Inaalillaaah ,,, Oo meesha dhan ee aad New York ka dhigaysay blood bank may lahaynba ?? ,,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Puntland oo Laga Hirgaliyey Bangiga Lagu Keydiyo Dhiiga iyo Hay’adda WHO oo Gacan ka Geysatay Qalabka[sawirro]

Comments (2) | Write Comment

 

Boosaaso[RBC Radio] Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland ayaa maanta xariga ka jartay xarun lagu baaraayo laguna keydinaayo dhiigaga iyadoona uu yeelanayo Isbitaalka weyn ee magaalada Boosaaso.

 

Munaasabadda lagu furaayey Bangiga dhiiga oo lagu qabtay gudaha Isbitaalka ayaa waxaa kasoo qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Cali Cabdillaahi Warsame,Madaxa Hay’adda WHO Soomaaliya Drs Marthe Everard,Madaxa Sheybaaradda WHO Puntland Mudane Siciid Maxamed Jaamac iyo Madaxda Isbitaalka Boosaaso.

 

Wasiirka Caafimaadka Dawladda Puntland Cali Cabdillaahi Warsame oo ka hadlay Munaasabadda ayaa sheegay in higelinta hawshan bangiga dhiiga uu ugu mahadcelinaayo Hay’adda WHO oon la’aanteed aysan suurtagasheen qabsoomideeda.

 

Mudane Cali Cabdillaahi Warsame ayaa sheegay in talaabo horey loogu qaaday ay tahay dhanka Caafimaadka Puntland marka laga eego baahida dalkeenu u shaqeynaayo,wuxuuna intaas ku daray in uu si gaar ah ugu maahadcelinaayo Dr Marthe Everard sida gaarga ah ee ay isugu hawshay hirgelinta bangigan dhiiga ee Puntland.

 

Madaxa Hay’adda WHO Soomaaliya Drs Marthe Everard ayaa iyaduna sheegtay inay ku faraxsantahay in hawsha bangiga ay ku dhamaato si guul ah isla markaana waxa ay sheegtay in Hay’adda WHO ay u taagantahay xili kasta u gargaarida Shacabka Soomaaliyeed.

 

Waxa ay tibaaxday in Puntland ay ka taageeri doonaan dhinac kasta,iyadoona uga mahadcelisay Madaxda iyo Shacabka Puntland sida muuqata ay had iyo jeer uga qeybqaataan horumarka deegaanadooda.

 

Madaxa Sheybaaradda WHO Puntland Mudane Siciid Maxamed Jaamac oo isuga mid mid ugu faah-faahiyey Madaxda Wasaaradda Caafimaadka iyo Madaxdii ka socotay WHO ayna Hoggaamineysay Dr Marthe Everard ayaa sheegay in baahi weyn loo qabay bangigan dhiiga,wuxuuna mid mid u sheegay qalabka loogu talagalay bangiga qeybaha uu ka koobanyahay,

 

….”"Qalabkan wuxuu ka kooban yahay noocyo badan oo isugu jira kuwa dhiiga kala saari lahaa,kuwii lagu xareyn lahaa,kuwii qofka cudurka qabay sheegi lahaa,qeyntii qofka dhiiga looga qaadi lahaa,Warqadii Caafimaadkiisa la weydiin lahaa,Shahaadadii markii uu dhiiga shubo la siin lahaa,Sariirihii qofku ku Seexanaayey,..”"ayuu yiri.

 

 

Mr. Siciid Maxamed Jaamac ayaa tibaaxay in hawsha bangiga dhiiga ay ka qeybqaadayaan Shaqaaale gaaraya 14-qof oo laga soo kala xulay deegaanada Puntland oo dhan,wuxuuna intaas ku daray in xarunta Boosaaso loogu talagalay 5-qof iyadoona uu sheegay ay jiraan qeybo yaryar oo laga sameeyey magaalooyinka Qardho,Garoowe,Gaalkacyo iyo Badhan.

 

Bangigan dhiiga ayaa ah mid baahi-weyn ay u qabeen Shacabka Puntland iyadoona talaabadan ay si weyn usoo dhaweeyeen Shacabku,waxaana jira baahiyo kala duwan oo weli ka taagan Isbitaalada Puntland gaar ahaana kuwa ka baxsan laamiga.

______________________________

 

Cismaan Turaabi

RBC Radio

Boosaaso

turrabi30@gmail.com

 

01140.jpg

0470.jpg

01526.jpg

0554.jpg

12-001.jpg

01030.jpg

0385.jpg

01232.jpg

0744.jpg

0278.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

I love politicians, they all follow the same recipe no matter where they are:

 

Health organizations/private enterprise/ global funds etc. carry out a project and the bureaucrats pat themselves on the shoulder for not getting in the way.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this